WAJAALE NEWS

MAXAY ISKA SHA’BAHAAN BANI-AADAMKA IYO XAYAWAANKA QAAR KA MID AHI. Q/Maxamed Faarax Qoti

Loolan kasta, Shucuur kasta, iyo Ficil kasta oo uu isku diyaariyo jidhka Aadamuhu, waxa loo nisbeeyaa   inay tahay mid ka timid  hab-dhaqanka iyo dabeecadaha shaqsi-ahaaneed ee gaarka u ah,  inkastoo haddana laga yaabo in ay bedeli karaan dhaq-dhaqaaqa ku yimaada dabeecadaha wakhtiga  u dhaxeeya dhalashada illaa iyo qaan-gaadhnimada Bani-aadamka iyo  (ASW)  xayawaanka uu ku uumay kown-kan aynu ku nool-nahay.

Xeel-dheerayaasha  ku  takhakhusa  cilmiga barashada  hab-dhaqanka iyo dabeecadaha  xayawaanada, waxa ay  sheegaan in  xayawaanada  Madax-weyn lihi ay ka maskax-badan yihiin xayawaanada  Madax- yar,  basle waxaynu qormadeenan ku lafa-guri doonaa hab-dhaqanka iyo dabeecadaha ay iska-shabahaan Bani-aadamka iyo xayawaanada qaarkood..

AAR:  Waa Libaaxa  kiisa Lab,  Waxaana ka mid ah Awoodaha badan ee uu leeyahay oo lagu tilmaamaa, inuu yahay In-dheer garad, wax-qaban, karti iyo wax-soo saar, madax-banaan, isla-markaana xoog wax ku muquuniya xataa haddii la helo xalka,  waana mid go’aan  iyo  hogaaminba leh,

Dhanka kale ee Daciifnimadda Awoodaha (Weaknesses) uu leeyahay lagu sheegaa inuu yahay mid dabci qabow oo aan lahayn fikir iyo dareen wax kiciya,  iskuna  filan, oo axmaq ah, isla-markaa wax-kasta u isticmaala  dhanka cawajka  iyo in aanu  raali-galin ka bixinin khalad kasta oo uu sameeyo.

Wuxuu Kaa Doonayaa  Inaad  :  Kulla shaqeyso nidaam-wanaagsan iyo  qaabka ugu fudud ee aanu wakhti badani kaaga lumi karrin.

Wuxuuna bixiyaa :  Mawduuc war-bixineed  oo ku saabsan wixii la qabanaayo iyo xiliga la qabanaayo, in loo qabto hab- farshaxan xoriyadeed leh  iyo in la qaado talaabo deg-deg ah.

Hannaanka Geedi Socoka  Guud : Waxa lagu suureeyaa Nidaam-wanaagsan iyo in la isticmaalo  hab- cilmi aqooneed, oo xirfadaysan,  lana taageero hiigsigooda iyo  hadaf-kooda,  haddii aad ku caarididna,  xaqiiqadii doodaasi  lagama yaabo inay kiciso dareenkooda shakhsi-ahaaneed,  wakhti fiican oo taxadir badan oo si wanaagsan loo soo agaasimayey ayey ku eegaan maxsuulka ka soo baxa ama hoosta ayey ka xariiqaan mana doonaan inuu wakhti kaga lumo, ee  ha loo  sameeyo go’aan qaadashada.

 

OTTER : Waa nooc ka mid xayawaanada naas-layda ee  Barriga iyo Biyo-ku noolka ah, waana xayawaanada ugu mucjisada badan gaar-ahaan marka uu cibaadaysanayo, waxaana  Awoodaha badan ee uu leeyaha kiisa Lab lagu sifeeyaa inuu yahay Daneyste, oo wax-kasta iska sahashadda, lehna jawaabo deg-deg ah, fir-fircooni, saaxiibtinimo, hadal-badni, oo aan is-dhiibin, oo raxmad badan,

Dhanka kale ee Daciif-nimadda Awoodihiisa (Weaknesses ) : Waxa lagu sifeeyaa inuu yahay: mid buun-buuniya wixii wanaagsan iyo wixii aan wanaagsanaynba, oo fudud,  canaadina ah,  oo aan  lahayn wax-soosaar iyo asluubba.

Wuxuu kaa Doonayaa  Inaad  :  Ka shaqeyso Deegaanka, Kobaca khayraadka, Taajirnimadda, ama aad xiisayso.

Wuxuuna bixiyaa :  Tayadda, macluumaadka ku saabsan sidii kor loogu qaadi lahaa xaalada taagan, asalnimada,  wax-kastana loo sinaado iyo lana horumariyo  aqoonta maskaxda

Hannaanka Geedi Socodka Guud-: Waxa lagu tilmaamaa inay yihiin kuwo jecel inaad  xiisayso iyaga oo aad taageerto riyadooda, dareenkooda  iyo afkaartoodaba, isla-markaana aad la saaxiibto, balse aanad ku deg-degin falaqeyntooda iyo faalayntoodaba,  waxa habboon inaad siiso fursad aad wax ugu sheegto, ha iskuna dayin inaad la muranto,  heshiisna ha lagalin qodobeysan oo dhamaantood lagu dhigay qoraal, ha kana xishoonin inaad ka aqbashid wax-kasta oo ka mida wax-yaabaha gaarka u ah ee ay  qaban-qaabinayaan.

AYGA DAHABIGA AH (RETRIEVER): Wuxuu ka mid yahay xayawaanada dab-jooga ah, waxaanay  u sii kala baxa saddex nooc oo kala duwan, kuwaasoo  afka-qalaad loogu yeedho, sida:  (Retrievers, Flushing spaniels, and pointing breads,) Haddaba, Aygan Dahabiga ah:   Waxa Awoodihiisa  badan lagu fasilaa  inuu yahay mid leh xasillooni, qun-yar socodnimo, la iskuna-haleyn karro, xasiloon, oo leh  ujeeddo,  dublomaasiyadeed, waana kaftan yahan.

 

Dhanka Daciifnimada Awoodihiisa kale (Weaknesses): ee uu leeyahay waxa lagu tilmaamaa inuu yahay Xaasidnimo, Bakhaylnimo, Go’aan jilicsan, Dhiirigalin  la’aan, iyo inuu sidoo kale aanu  qaadi Karin talaabo  xilliga ay ku haboon tahay isla-markaana dib u dhiga, waana mid  Walaac iyo Baqdin badan.

 

Wuxuu Kaa Doonayaa  Inaad  : U muujiso waa-shaqeyn iyo Farxad

Waxaanu Bixiyaa : Balan-qaad, warbiximaha ku saabsan,  sida xaaladdaha taagan ay saameyn u yeelan doonaan, fikradaha caanka ah, wax-yaabaha  halista ah oo la wadaago, in la isku haleeyo, lana soo bandhigo sidii caawimo la siin lahaa dadka kale .

Hannaanka Geedi Socodka Guud :  Waa kuwo aan lahayn  hanjabaado, oo nasteex ah,  qof kastana u tilmaama dantiisa iyo in ay taageeraan dareenkooda, ha riixine, adigoo si qun-yar ah u dhaqaaji  gaadhsii meel durugsan, tus inaad dhageysanayso,  waxay noqdaan  qun-yar socod, go’aan kasta oo la gaadhana  daba-taagan oo hubiya .

BEAVER: Waa nooc ka mid xayawaanada naas-layda ee  Barriy iyo Biyo-ku noolka ah,  waxaana lagu sifeeyaa  Awoodaha badan ee uu leeyahay kiisa Lab: Inuu yahay khabiir wax-baadha, Billicsan, Hawl-karnimo, Shaqo-adayg, Tanaasulaad, Akhlaaq-wanaag iyo inuu yahay Agaasime leh  hab iyo hannaan masuuliyadeed, isla-markaanaa sameyn-kara  hagge uu ku  maamuli karro hawlihiisa  shaqo ee uu qabanayo.

Dhanka Daciifnimadda Awoodihiisa (Weaknesses ):  Waa khiyaali, isku-qaba inuu yahay dhex-dhexaad, manalaha xidhiidh saaxiibtinimo, inkastoo ay yihiin kuwo sida dhibta-yar leh u niyad jaba amaba u murugooda, waana kuwa aan  kaftamin xaaladdaha qaar, waxa aanay doonayna aan la marsiin karrin,  isla-markaana raadiya meelaha hawlaha-shaqo ay ka liidato, ka dibna canbaareeya, waxa kale oo lagu tilmaamaa inuu leeyahay hab-dhaqanka Aargoosiga.

Wuxuu  Kaa Doonayaa Inaad ahaato: Wax toosan oo saxxan.

Wuxuuna Bixiyaa : Caddeymo, war-bixinno ku saabsan, sida ugu  mac-quul san ee caqli-galka ah,  qorshe- nidaamsan, iyo dib u eegis horumarineed.

Hannaanka Geedi Socodka Guud:  Waa kuwa jeclaysta inay wax kastaaba ay lahaadaan  qorshe-wanaagsan iyo faah-faahin dhameystiran, waxa kale oo ay xiiseeyaan in la taageero lana soo dhaweeyo fikradahooda, si cadna loogu muujiyo iyadoo loo marayo talaabo kasta oo la qaadayo hawl-qabad ka badan erayadda faaqidaada ah,  wax-kastaana ay ahaadaan sida ugu saxsan uguna nidaamsan, loona diyaariyo,  waxaana haboon  inaad siiso wakhti ay ku lafo-guraan erayadda faaqidaada ah,  kana fogaato wixii ku kalifaya  go’aan ay gaadhaan iyo  wixii dareenkoodu soo jiidanayo, waxaana fiican inaad siiso caddeymo xaqiijinaya wixii aad tidhi inay run iyo xaqiiqo ay ahaayeen.

 

Qoraa Maxamed Faarax Qoti

Exit mobile version