WAJAALE NEWS

Maxamuud Xaashi Kuu Yahey Waxeynu Ku Garaneynaa Cadaalada Darada Dhibta Iyo Tacadiga Ka Muuqda Ex Shaqaalihii Duulista Hawada

Anigoo ah Muwaadin u dhashey dalka Somaliland gaar ahaana kasoo jeeda

Gobolka Sanaag,khusuusana Degmada Ceel-Afweyn Magaciisuna yahey Sadaam

Nuux Xirsi waxaan maqaalkeygii kan ka horeeyay kaga hadley Beenta

qaawan ee Wasiir Maxamuud Xaashiga duulista Hawadu kula dhaqmo,

waxgaradka, odoyaasha,madaxdhaqameedka,aqoonyahanka,dhalinyarada iyo

biri mageydada Gobolka Sanaag kasoo jeeda gaar ahaana, Beesha Muuse

Abokor mudantooda ugu badan ee aan gayin been iyo dhuumaaleysi iyo af

macaan oo lagu majara habaabinayo iyadoo runta gabi ahaanba loogu

tagayo marka uu albaabka Gurigiisa garaacayo oo kaliya waxaan maanta

kaga hadlayaa qormadan dhibta tacadiga iyo hagardaamooyinka uu

gaadhsiiyay guud ahaanba shaqaalaha ka howlgala ama howlgali jirey

Wasaarada Duulista Hawada iyo madaarada shaqeeya ee dalka oo uu hada

qaarkood siyaasad qariban albaabada ugu laabay sida Madaarka Berbera,

isagoo qortey xaqiiq ahaan shaqaale cusub oo isaga sigaar ah ugu

adeega oo ku foogan kana shaqeeya kaliya Ex shaqaalihii Wasaarada

Duulista Hawada oo uu garba duubay khubardii iyo Waayo aragii ka

shaqeyn jirey hadey ahaayeen Maamul hadey ahaayeen, shaqaale farsamo

iyo haday ahaayeen, shaqaale caadi ah intaba.

 

Waxa aynu wada ogsoonahay in uu shaqada ka fadhiisiyay boqolaal

muwaadiniin ah oo seeska kasoo bilaabay Wasaarada Duulista Hawada iyo

Madaarada Berbera iyo Hargeysa,waxa kale oo aynu ognahay in uu

xilalkii kawada qaadey dhamaan Maamuladii madaarada ee waayo

aragnimada iyo khibrada u lahaa shaqada duulista Hawada waxa aynu

ognahay in uu  u garbo duubay guud ahaanba dadkii aqoonta ulahaa

howsha duulista toban inan oo yaryar oo mid walba loo qorey mushahar

aan ka yareyn kun dollar iyo dheeraad halka gunooyinkii laga sii jarey

ragii kusoo dhabar jabey Wasaarada Duulista iyo Madaarka iyadoo la

gaadhsiiyay heer aanay maanta Somaliland joogin oo ah ha hadlina, ha

la istaagina shaqaale kale, hala sheekaysanina shaqsiyaad kamid ah

shaqaalihii hore, haka hadlina dan Wasaaradu leedahay hasoo hadal

qaadina dhibta iyo dulmiga jira waxa uu gaadhsiiyay in qof kasta laga

saaro bahda oo hadhkiisa iska ilaaliyo, waxa la gaadhsiiyay in

karaamada sharafta iyo xuquuqda laga qaado shaqaalaha Wasaarada

Duulista hawada.

 

Gabagabadii wax kasta oo maanta ka taagan Wasaarada Duulista hawada oo

mareysa in shaqaale tira badan oo ah kuwa kusoo jirey shaqada mudo

dheer ay bogooda gaajo ka dayaan halka, toban inan iyo toban gabdhood

oo Xogheyni ahi ku biidhi kasaan habeen iyo maalin shaqaalaha ku dul

qaataan mushahar kheyra caadi ah oo aan loo sineyn, loo iibiyay

baabuur halka kuwa kale badhkood lug ku tagaan oo kaga soo rawaxaan oo

ay u dheer tahey hadidaad cagajugleyn ganaax iyo guno joojin, isagoo

rufiyaanimada tobanka inan ku gowracay xuquuqda shaqaalaha

muwaadiniinta ah, oo mid walba sharafta lagaga rifo gudaha Madaarada

iyo Wasaaradaba.

 

 

Sikasta oo ay tani tahay ma aha in uu maanta xil kale iyo hadal kale

raadiyo waxa ugu filan wax kasta oo uu is bido nabsiga horyaala ee uu

ka galay shaqaalaha Wasaarada oo aan xaga illaahay waxba ku aheyn in

aanu habeeno usoo dhixin ee uu kusoo dheereeyo, kaas oo maalin aan

dheerayn korkiisa laga arki doono maxaa yeelay nin waliba bulshada

waxa uu gashado ayuu  ku leeyahay wuxu mudan doonaa Taariikh madow,

iyo bogag cambaar leh oo aan abid ka hadhin xataa ilmaha ilmihiisa

tacadiga iyo dhibta shaqaalaha uu gayeysiiyay mudadii shanta sano

aheyd ee uu hayay xilkaasi oo qof kasta dhafoorkiisa iyo wajigiisa ku

taala, gumeysi iyo gumayn aanay gayin shacbiga Reer

Somaliland,waxaanan qormooyinka dambe kusoo bandhigi doonaa raadadka

markhaati ma doonka ah ee ka dhacay Duulista Hawada iyo shaqaalaha

tacadiga mutey.

 

Wab

ilaahi Towfiiq

 

Sadaam Nuux Xirsi

Hargeysa Somaliland

Sadaamnuxxirsi@hotmail.com

 

Exit mobile version