|
|||||
WAJAALE NEWS
Maxamuud Xaashi Kuu Yahey Waxeynu Ku Garaneynaa Cadaalada Darada Dhibta Iyo Tacadiga Ka Muuqda Ex Shaqaalihii Duulista Hawada
September 5, 2015 - Written by Editor:Anigoo ah Muwaadin u dhashey dalka Somaliland gaar ahaana kasoo jeeda Gobolka Sanaag,khusuusana Degmada Ceel-Afweyn Magaciisuna yahey Sadaam Nuux Xirsi waxaan maqaalkeygii kan ka horeeyay kaga hadley Beenta qaawan ee Wasiir Maxamuud Xaashiga duulista Hawadu kula dhaqmo, waxgaradka, odoyaasha,madaxdhaqameedka,aqoonyahanka,dhalinyarada iyo biri mageydada Gobolka Sanaag kasoo jeeda gaar ahaana, Beesha Muuse Abokor mudantooda ugu badan ee aan gayin been iyo dhuumaaleysi iyo af macaan oo lagu majara habaabinayo iyadoo runta gabi ahaanba loogu tagayo marka uu albaabka Gurigiisa garaacayo oo kaliya waxaan maanta kaga hadlayaa qormadan dhibta tacadiga iyo hagardaamooyinka uu gaadhsiiyay guud ahaanba shaqaalaha ka howlgala ama howlgali jirey Wasaarada Duulista Hawada iyo madaarada shaqeeya ee dalka oo uu hada qaarkood siyaasad qariban albaabada ugu laabay sida Madaarka Berbera, isagoo qortey xaqiiq ahaan shaqaale cusub oo isaga sigaar ah ugu adeega oo ku foogan kana shaqeeya kaliya Ex shaqaalihii Wasaarada Duulista Hawada oo uu garba duubay khubardii iyo Waayo aragii ka shaqeyn jirey hadey ahaayeen Maamul hadey ahaayeen, shaqaale farsamo iyo haday ahaayeen, shaqaale caadi ah intaba.
Waxa aynu wada ogsoonahay in uu shaqada ka fadhiisiyay boqolaal muwaadiniin ah oo seeska kasoo bilaabay Wasaarada Duulista Hawada iyo Madaarada Berbera iyo Hargeysa,waxa kale oo aynu ognahay in uu xilalkii kawada qaadey dhamaan Maamuladii madaarada ee waayo aragnimada iyo khibrada u lahaa shaqada duulista Hawada waxa aynu ognahay in uu u garbo duubay guud ahaanba dadkii aqoonta ulahaa howsha duulista toban inan oo yaryar oo mid walba loo qorey mushahar aan ka yareyn kun dollar iyo dheeraad halka gunooyinkii laga sii jarey ragii kusoo dhabar jabey Wasaarada Duulista iyo Madaarka iyadoo la gaadhsiiyay heer aanay maanta Somaliland joogin oo ah ha hadlina, ha la istaagina shaqaale kale, hala sheekaysanina shaqsiyaad kamid ah shaqaalihii hore, haka hadlina dan Wasaaradu leedahay hasoo hadal qaadina dhibta iyo dulmiga jira waxa uu gaadhsiiyay in qof kasta laga saaro bahda oo hadhkiisa iska ilaaliyo, waxa la gaadhsiiyay in karaamada sharafta iyo xuquuqda laga qaado shaqaalaha Wasaarada Duulista hawada.
Gabagabadii wax kasta oo maanta ka taagan Wasaarada Duulista hawada oo mareysa in shaqaale tira badan oo ah kuwa kusoo jirey shaqada mudo dheer ay bogooda gaajo ka dayaan halka, toban inan iyo toban gabdhood oo Xogheyni ahi ku biidhi kasaan habeen iyo maalin shaqaalaha ku dul qaataan mushahar kheyra caadi ah oo aan loo sineyn, loo iibiyay baabuur halka kuwa kale badhkood lug ku tagaan oo kaga soo rawaxaan oo ay u dheer tahey hadidaad cagajugleyn ganaax iyo guno joojin, isagoo rufiyaanimada tobanka inan ku gowracay xuquuqda shaqaalaha muwaadiniinta ah, oo mid walba sharafta lagaga rifo gudaha Madaarada iyo Wasaaradaba.
Sikasta oo ay tani tahay ma aha in uu maanta xil kale iyo hadal kale raadiyo waxa ugu filan wax kasta oo uu is bido nabsiga horyaala ee uu ka galay shaqaalaha Wasaarada oo aan xaga illaahay waxba ku aheyn in aanu habeeno usoo dhixin ee uu kusoo dheereeyo, kaas oo maalin aan dheerayn korkiisa laga arki doono maxaa yeelay nin waliba bulshada waxa uu gashado ayuu ku leeyahay wuxu mudan doonaa Taariikh madow, iyo bogag cambaar leh oo aan abid ka hadhin xataa ilmaha ilmihiisa tacadiga iyo dhibta shaqaalaha uu gayeysiiyay mudadii shanta sano aheyd ee uu hayay xilkaasi oo qof kasta dhafoorkiisa iyo wajigiisa ku taala, gumeysi iyo gumayn aanay gayin shacbiga Reer Somaliland,waxaanan qormooyinka dambe kusoo bandhigi doonaa raadadka markhaati ma doonka ah ee ka dhacay Duulista Hawada iyo shaqaalaha tacadiga mutey.
Wab ilaahi Towfiiq
Sadaam Nuux Xirsi Hargeysa Somaliland Sadaamnuxxirsi@hotmail.com
Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|