WAJAALE NEWS

Ma Waxa Aad Galaysaa Jaamacadda?Qallinkii: Maxamed Cabdi Cali hayaan.

Naftu inay hillowdoo,

Hamidoo hawaawido,

Hiiigsataa waxaanay hayn,

Waa himiladadeedee,

Hir makay ka gudubtaba,

Mid kalaa u hilaacee…

(Abwaan. Xasan Sh. Muumin)

Noloshu waa safar. hir markaad ka gudubtaba mid kale aad hiigsanayso. Waa aad u qalantaa heerka maanta aad joogto waayo, waa natiijada wadarta falalkii aad hore u qadimatay.  Ardayda  dhammeysay dugsiga sarre ama cid kasta oo ay ka go’an tahay in ay  weysada u biyaysato waxbarashada  jaamacadda  doorashada laan-aqooneeda ay ku  takhasusayaan ayuu maqaalkeenani daaran yahay.

Xulashada tashasus kugu habboon:  Doorashada waxa aad mustaqbalkaaga noqon doonto waa arin aad u muhiim ah una baahan ka feker, lafagur iyo kaadsiinyo badan, waliba u baahan in aad tixgaliso arimo dhawr ah oo la xidhiidha shakhsiyaddaada, shaqada aad jeceshahay, xirfadda aad u leeyahay iyo ku habboonaanteeda intaba. Geeddiga la rarayo waa in sahankiisu kob biyo iyo baad leh soo arkay haddii kale waa Ala i wada nebaa i wada. In aad doorato takhasus gaar ah oo kugu habboon waxa ay macnaheedu tahay in aad xaddiday wixii aad mustaqbalka dunidan kaga qayb geli lahayd.

Waa maxay ujeedada aad u bilaabayso takhasuska?  runtii waa su’aal muhiim ah. Wax wal oo la qabanayo waa in ay u jeedadiisu cadaataa. Ma waxa aad hawshan u gelaysaa in aad shaqo ku hesho, in aad aqoontaada iyo fekerkaaga ku balaadhiso, in aad dalkaaga wax ugu qabato, in aad shahaado ku qaadato, in aad waalidkaa oo jaamacadda kula raba aad qanciso, in aanad saaxiibadaa ka hadhin iwm.

Daacad uga jawaab su’aashan sarre hana khiyaamin naftaada. Afartaa hore iyo qayrkood haddii ay ujeedooyinkaagu yihiin waa si wanaagsan. Haddii se labbada dambe iyo inta la halmaasha aad niyada ku hayso  laf ayaad toobin ku haysaa, ee candhuuftaada dib u liq. Beddel ujeedooyinkaa guracan.

U jeedadii ma kuu cadahay?… yaa?…. haa, haa way kuu caddahay oo shaqaad ku rabtaa saw ma aha? mise shahaado ayuun baad rabtaa? mise… mise..? aduu way kuu cadahay ujeedaddaadii.  Waa si wanaagsan,  haddaba takhasus ka dooro laan-aqooneedka faraha badan ee jaamacaddu bixiso.

Ardaygu marka uu bilaabayo jaamacada waxa uu waraystaa ardaydii ka horaysay ama waxa ay fiiriyaan dadka shaqada wanaagsan haysta kulliyadda ay barteen, ama waxa uu arkaya ardaydii oo meel u badan, ama saxiibkii oo kuliyad galay. Taa waqti badan ha ku lumin, ujeedooyinkaagu ha ku hagaad adiga.

Saddexdan su’aalood ayaa muhiim ah in aad ka jawaabto marka aad takhasus dooranayso.

  1. Awood ma u leedahay in aad baratid takhasuskan aad dooranayso?
  2. Ma jeceshahay in aad barato kuliyadan?
  3. Ma ku helaysaa fursado shaqo?

Aan mid mid u eegno su’aalahan. Su’aasha koowaad ee ah awood ma u leedahay in aad baratid kuliyadan aad dooranayso?    Waa su’aasha ugu muhiimsan waana ukunta takhasuskaaga.  awoodu waxay noqon kartaa xagga dhaqaalaha, waxay noqon karta xaga seeska aqoooned ee aad u leedahay laan-aqooneedan aad dooratay. Haddii aad doonaysid in aad barato caafimaadka balse aanad ku fiicnayn biologyga iyo chemistryga way kugu adkaanaysaa in aad doorato caafimaadka.  Sidoo kale haddii aad doonayso in aad barato engineering balse aanad si fiican u aqoon xisaabta iyo physigiska, waxaa laga yaabaa in marka aad fahmi waydo, dhexda kaga hadho ama aad iska bedasho kullayaddiiba sida arday badan ku dhacda.  Waanay kugu adkaanaysa in aad ka midho dhaliso hammigaaga iyo higsigaaga ku salaysan kuliyada engineeringka.

Awoodda xaga dhaqaalaha tusaale ahaan haddii  kulliyadda aad doonayso aan laga helayn waddankaaga, waxa aad u baahan tahay dhaqaale aad ku doonato jaamacad kale. Haddii aanad heli karayn dhaqaalahaas lagu safraayo ee aad wax ku soo baranysid, waa ay yaraanaysa in aad iyana ka midho dhaliso hammigaaga iyo higsigaaga ku salaysan kulliyadda aad rabto in aad soo barato.

Su’aasha labbaad waa rabitaankaaga.  Qofkasta oo nool waxa uu leeyahay rabitaan isaga u gaar  ah, dadka kalana uu kaga duwan yahay. Tusaale, anigu waxa aan ka helaa cilminafsiga iyo dhaqaalaha. Waana mid dabiici ah oo dadka iskaga abuuran.
Sidee loo ogaadaa rabitaankaaga?
Waxa aad ku ogaan kartaa waxa aad jeceshay ama aad danaysid, akhriska, tusaale soo qaado dhawr kitaab oo midba mowduuc ka hadlayo , akhri, qaarkood waa aad ku caajisaysaa, qaarna dhanka kale ayuun baad uga bixi doontaa, dareemi maysid goor aad dhamaysay. Haddaba waxa aad ogaatay waxa aad u bogayso inaad samayso.
Waxa kale oo lagu ogaan karaa inaad xaadirto muxaadaarka, dowrooyinka iyo kulamada lagaga hadlaayo arimahaas. Ama waxaad waraysan kartaa dad khibrad u leh, waydii takhasusyada iyo waxa ay kala yihiin, waxaad fahmaysaa midka niyadaada soo jiidanaya.

Shaqo ma ku helaysaa takhasuska?  kadib markaad dhamayso daraasada ma heli doontaa fursad shaqo, mase samayn kartaa barnaamij adiga oo ka faa’iidaysanaya macluumaadka aad xanbaarsantahay. Dadka qaar waxay isku dayaan inay la yimaadaan hal abuur la xidhiidha takhasusukooda si ay u sii kordhiyaan aqoontooda. Hadaba, ilaa intee ayaad aaminsantahay inaad shaqo heli ama aad halabuur samayn ku samayn karto takhasuskaaga? Waa arin muhiim ah si aad u xadido takhasuska aad galayso.

Intaa waxa raaca in aad la tashato cid aad bidayso in ay aqoon iyo waayo aragnimo.  Sidoo kale waa in aad salaad istikhaaro ah tukataa inta aadan go’aanka gaadhin si Alle ku waafajiyo.

Waxa aan u rejaynayaa ardayda guul adduun iyo mid aakhiro.

Qallinkii: Maxamed Cabdi Calihayaan.

E-mail:Hayaanb502@hotmail.com

Alleen: 4488569.

Wa bilaahi tawfiiq.

 

Exit mobile version