WAJAALE NEWS

Lama Yaabani Wareejinta Haamaha Shidaalka Ee Berbera, Balse Waxaaan Ka Walaacsanahay Tallaabada Ku Soo Xigi Doonta! …

(Hoombaro Libaax Bay Soo Waddaa)! W/Q: Maxamed Cabdiraxmaan Sharma’arke (Hisoori)

Marka laga shidaal qaato wixii tegay, ee lagu eego waxa jooga, waxa hubaal ah in la saadaalin karo waxa iman doona. Hadaba marka aad u fiirsato xukuumaddan dabo ka werwerka qabta ee walaftay, sida aanay dalka iyo dadka midnaba dan uga lahayn, waxa muuqata in aanay cidnaba u danaynayn, kaliyaatana ay ka baqanayso gaajo malaha iyada gaar loo tusay, oo mustaqbalka ku soo fool leh. Iyada oo sidaas ah, hadii laga yeelo oo lagu daawado qaabka aan cabsida iyo gabbashadu ku jirin ee ay u wareejisay haamaha shidaalka, iyada oo aan marnaba xukuummaddu ixtiraamin go’aankii golaha wakiillada, iyada oo aan dan ka lahayn

bulshada rayidka ah iyo dhibaatada ka soo gaadhi doonta wareejinta haamaha shidaalka iyo iyada oo aan aqoonsanayn waxa ay iibsanaysaa in uu yahay dhaxalkii ummaddani ay lahayd, ayaa waxa aan aad ugu naxay tallaabada tan ku xigta. Tolow ma magaalada Berbera oo dhamays tiran ayaa la iibin, tolow ma dalka ayaa la iibin…, lama garanayo waxa ku xigi doona, laakiin waxaa hubaal ah in uu waxaasi ka yaab iyo argagax badanyahay tallaabadan maanta lagu wareejinayo haamaha shidaalka.

Inkasta oo ay xukuumaddu aaminsantahay in aanu jirin dareen bulsho oo si midaysan uga hor tegi kara arrintan, hadana waxa waajib ah in la helo dad ka soo hor jeedsada tallaabadaas gurracan ee ay qaaday, waana in ugu yaraan bannaan-baxyo iyo isku soo bax lagaga hor tagaa. Arrintani waxa ay faa’iido u tahay in la joojiyo ugu yaraan tallaabada dambe ee sida sharci darrada ah loogu iibsan doono hanti ummadda ka dhaxaysa, isla markaana koox tiro yar oo gaar ah lagu naaxin doono.

Muwaadin kasta mas’uuliyad ayaa ka saaran difaaca danta guud iyo waxa ay ummaddu wada leedahay, Hadaba, hadii laga aamuso, waa inoo tallaabada tan ku xigta iyo baroorta dadka ka soo yeedha!

Allaa mahad leh.

W/Q: Maxamed Cabdiraxmaan Sharma’arke (Hisoori)

Sharmaake91@gmail.com

Exit mobile version