WAJAALE NEWS

İna Muuse Diiriye, Alla Doori Afkana Waa Yaqaan Waa Se Ka Agnaan.!!!

Nin gumeysi habayoo

isticmaar habeeyoo

la hal maalay baad tahay

Hamrashada xaq-dhawrkiyo

haasaawahoodana

nin u heellan baad tahay.

Markay heedhe waalaha

hirwo kuu tuntumayaan

hebed minaw san baad tahay

Halgan iyo waddaninnimo

inaad heerto mooyee

weligaa dab uma hurin

…..Abwaan Hadraawi

Waxay ahayd 23/09/2015. markii badhsaabka Gobolka Tog-dheer Maxamed Muuse Diiriye oo wax laga waydiiyay xadhiga Suldaan Mawliid Cali İbraahin (Sabayste), ku tiraabay in suldaanka loo xidhay Edeb-daro, Akhlaaq xumo iyo inuu talada beeshii Cumaamadatay ku shaqayn waayay. İyada ka jawaabi maayo Aflagaadada uu suldaanka kula dul dhacay oo waxa siiyay damiirkiisa kursi ilaaliska u naafaysan Edeb-daro iyo Anshax xumo ka wayna ma garanayo, danbina loo raaci maayo oo hadii dhagax kugu dhaco dambi looma qabsado isagoo kugu dhacay waxaase danbiga loo qabsadaa qofkii soo tuuray, ina muuse na waa dhagaxaa. waxaan se waydiinaya Maxamed Muusaw ma waxan talada beesha ahayn difaacida Maktabadda Gaandi ee xukuumadu xaraashka la damacsantahay, miyaanay talada beeshu ahayn garab istaaga iyo u hiilinta mujaahid Axmed Jaban oo gardaro inta dhulkiisii loogu qabsaday Ubadkiisiina lagu laayay, Miyaanay talada beesha ahayn in Hantida umadu ay ku jirto Gacanta dawlada. intaas ma wax aan ahayn buu suldaan mawliid ku hadlay oo aan talada reerka ahayn. waa hadii beesha aad taladeeda sheegaysaa tahay tan cumaamadatay Suldaanka, oo aanay ahayn beesha Bariga Burco ee aad Badhasaabka u tahay. Gabagabadii Maxamed Muusaw Adeer timaadada dhawr, Rasmigana yaanu kaala macaanan ma Raaguhu.

 

Siyaasi: Mustafe İid Maxamed

Hargeisa-Somaliland

Exit mobile version