|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Oo Ku Biidhikaasey In Ay Kaga Takhalusayaan Wasiirnimada Xirsi Xilkana Laga Qaadayo.
September 2, 2015 - Written by Editor:Wajaalenews(Hargeysa)-Sida laga helayo ilo udhow dhow Gudoomiyaha Xisbi Xaakimka Kulmiye Mujaahid Muuse Cabdi Tibaaxeen ayaa, badka soo dhigay in uu ka takhalusay xubno uu ku sheegay in ay kamid yihiin kuwa caqabada ku ah musharaxnimadiisa isagoo ku bariistey bushaaro uu gaadhsiiyay, guud ahaanba taageerayaashiisa iyo Shakhsiyaad badan oo kamid ah dhinacyada Siyaasada Somaliland kuwaas oo uu ugu bushaareeyay in ay ku guuleysteen in ay kaga takhalusayaan Wasiirnimada Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan, oo xilka laga qaadi doono.
Fariintan bushaarada ah oo Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, si shakhsi shakhsi ah ugu gudbiyay qaar kamid ah taageerayaashiisa iyo shakhsiyaad gaar ah ayaa, kusoo beegantey kadib markii uu Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan uu shaley ku wargaliyay kulan beeshiisu isugu yimaadeen Caasimada Hargeysa badheedhaha damaciisa oo uu ku shaaciyay in uu u taagan yahay Murashax mustaqbalka ku tartami doona Murashaxnimada Xisbiga Kulmiye dhexdiisa ee jagada Madaxweyne marka la gaadho Shirka Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye ee loogu tartamayo jagadaasi, isagoo ku xudun xidhay hadii aan Madaxweyne Siilaanyo Murashax noqonin.
Sikasta oo ay arintani u muuqato hadana dad badan ayaa, xiligan u arka in Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi wakhti xaadirkan, uu olole ugu jiro sidii loogaga takhalusi lahaa Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan marka loo dhabo galo bushaaradiisa uu saaka ku waabariistey, ee ah in laga saaro Golaha Xukuumada oo uu awood badan ku lahaan jirey, inkastoo aan la hubin midkooda xiligan ku awood badan Qasriga Madaxtooyada. sikastaba ahaatee warkan ayaan wali si rasmiya uga soo bixin gudoomiye muuse waxaana lasugudoonaa halka ay biyo dhigato hirdan hoose ee xisbiga kulmiye
farxaan mahamed sugaal hargaysa somaliland Farhan@gmail.com
COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|