|
|||||
WAJAALE NEWS
Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Oo Shacabka Somaliland Ugu Hambalyeeyey Munaasibadda Ciidal-Adxa
September 23, 2015 - Written by Editor:Ujeeddo: Hambalyada Guddoomiyaha ee Ciidal Adxa Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ka wakiil ah Guddiga Fulinta, Golaha Dhexe iyo taageerayaasha xisbiga waxa uu hambalyo u dirayaa guud ahaan ummadda Islaamka ee daafaha dunida ku nool, gaar ahaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland munaasibadda Ciidal Adxa awgeed ee sannadka hijriga 1436. Guddoomiyuhu waxa uu Ilaahay ka baryayaa inuu munaasibadda Ciidal Adxa ee sannadkan kiisa kale innagu gaadhsiiyo caafimaad, barwaaqo iyo amni buuxa. Ugu dambayn, Guddoomiyuhu waxa uu leeyahay shacabka Ciid-Mubaarik, kullu Caam wa-antum bikhayr. Aamiin Aamiin Xafiiska Warbaahinta ee xisbiga KULMIYE
Related posts:Madaxwayne kuxigeenka Ismaamulka Somalida Itoobiya Oo ka Warbixiyay Shir Magaalada Jig jiga loogu Qa... Maayarka Berbera Oo Ka Soo Jeeda Xisbiga UCID Oo La Sheegay In Laydha Kulmiye Qaadatay Iyo Xukuumadd... Gudida Joogtada Ah Ee Golaha Wakiilada Jsl Oo Shaaciyay In Ay Darsayaan khasaarihii Ka Dhashay Bana... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|