WAJAALE NEWS

Dareenkii Shacabka oo ka Itaal Roonaaday, Xildhibaanadii Dheemaalistayaasha Macal Qabadka Ahaa.

Haa guul shacab ayay ahayd, dareenkii shacabkuna waa guulaystay, Gollaha wakiiladuna sakaa wuxuu u muuqday golle shacab, Xukuumaddu hore ayay u iibisay, karamaddii, sumcaddii iyo milgihii shacabka oo ah qaranimada somaliland, iyadoo kaga soo xadraysay madalaha lagu muransiinayay Reer somalia, woxogaa shilimaada way ku helleen, oo daarahaa wasaraduhu ka mid yihiin, balse sumcaddii, jiritaankii iyo xidhiidhadii dublamaasiyadeed ayay somaliland ku wayday, Waxay xukumaddu wareejisay oo ay iibisay. laydhkii magalada hargeisa iyo barbara.. dabcan si buuxa ayay u iibisay. balse lagu magacaabay public private partnership…, waxay iibisay oo ay wareejisay.. guryihii shacabka oo loo kala dheereeyay… Wasiir xirsi, haa gurigaa OXFAMTA diiwaanka hantida dawladda ha la iiga saaro aniga…….. Qarankan waa la dhaxal wareejiyay gabigiisaba……… xog ururimihii ugu dambeeyay waxay sheegayaan in somaliland ay tahaymid ka mid ah waddamadda ugu saboolsan caalamka, Shirkadahan shidaalku waa qawlaysato, miirtay dhiigii umadda, masuuliyadda xukuumaddu waa ilaalinta shacabka iyo shuruucda oo ay ku ilaaliso muwaadiniinta iyo ganacsatada.. Waa laba shaadhlayaal,,,,, waa wasiir ganacsade ah iyo ganacsade dawlad ah, kuwa baa’bay waa shacabka.. shirkadahani waxay kordhiyeen shidaalkii xili aduunyada ay foostadu ahayd raqiis.. waa manaxayaal, waxay wareejinta haamaha shidaalku horseedaysaa.. in ay maceeshadu kacdo, sixir bararkuna cirka maro. shacabkuna ay saloolmaan……. waan ku hambalyaynayaa cid kasta oo ka dhiidhiday , si dareen nool lehna uga falcelisay wareejinta haamaha shidaalka barbara………..

Haamaha shidaalka barbara, madaxwaynuhu wuxuu xadhiga ka jaray tiraba saddex jeer, sidoo kale goob kasta iyo fagaara walba waxay kaga goodiyi jireen waxqabadaka balaadhan iyo tacabka ay galiyeen hamaha shidaalka. in markaliya lagu sheego qaar daloola oo aan awoodin in ay kaadin sameeyaan waxaan u arkaan hantidii umada oo la qudhunsanayo si loo xalaashado boobkeeda…..

Ulboocaynta xukuumaddu maaha haamaha shidaalka, balse waa sidii dakada barbara loo dhaxal wareejin lahaa, loona boobi lahaa, iyadoo shares kala duwan ay ku leedahay xukumadu, gollaha baarlamaanku wuxuu ahaa maanta golle shacab……… waanan hambalayaynayaa talabadaa ay afka dhulka ugu dareen qawlaysatidii macal qabadka ahaaa.

 

Danta guud nin xoogow,

bal xageed aduu tagi,

xabaalahana noo sheeg

qiimaha xaraashkiyo

intay xoolo gooyaan.

 

QALINKII;SIYAASI MAXAMED CABDIKARIIM

Exit mobile version