Gulufka Sheekh Bashiir waxa soo raacaya dhaqdhaqaaqii siyaasiga ahaa ee Xaaji Faarax Oomaar iyo gaylankii Sheekh Xasan Barsame ee Gobolka
Markii Daraawiishtu jabtay, waxa uu hakad weyni ku yimi gaylankii Soomaalidu ay ugu jirtay gaadhitaanka gobannimo. Geyiga Soomaalida kama uu hanaqaadin halgan dambe oo hubaysani, marka laga reebo gaylankii Sheekh Bashiir Yuusuf ee Togdheer iyo kacdoonno dad ku dhinteen oo ka dhacay Muqdisho sida dhacdadii Dhagaxtuur ee Xaawo Cismaan (Xaawo Taako) ku naf waydey. Isma uu se taagan kobocii dareenka waddaniga ahaa iyo maansadii la halmaalaysay ba.
Gulufka Sheekh Bashiir waxa soo raacaya dhaqdhaqaaqii siyaasiga ahaa ee Xaaji Faarax Oomaar iyo gaylankii Sheekh Xasan Barsame ee Gobolka Hiiraan ilaa koonfurtana ku sii ballaadhanayey intii aan la qaban. Maxamuud Xarbi iyo raggii la socday waxa ay gaylan siyaasadeed ka wadeen Djabuuti.
style=”font-size:16px;”>Dagaalkii labaad ee adduunku intii uu socday iyo dhammaadkiisii ayuu hanaqaadayaa dareenka waddaniga ah iyo wadciga siyaasiaga ah ee Soomaaligu. Waxa aasaasmaya axsaabtii siyaasiga ahayd ee gobannimo doonka. SYL 1943, dagaalka ka dib na SNL, USP iyo NUF.
Dagaalku xilligii uu socday dadyow xor ahaa waxa ay waayeen xornimadoodii oo waa la qabsaday (Yurub u badnaa), markii uu dhammaadayna waxa xoroobay dadyow in badan la gumaysanayey (Aasiya u badnaa), taasina waxa ay kicisay oo ku baraarugay dadyow badan oo weli ku sii hadhsanaa gacantii gumaystayaasha (Afrika u badnaa). Soomaalidu waxa ay ka mid ahayd dadyow baraaruggaasi saamaynta weyn ku yeeshay oo kacay.
Cirka waxa xilliyadaas isku shareeraya maansadii waddaniga ahayd ee halganka. Suugaanyahankii xilligaas waxa uu ka wada sharaabay oo isku tufay tahliisha waddaniyadda. Xoraynta Soomaali dhulalkeeda la kala haysto iyo israac midnimo oo gogol lagu wadaajiyo, ayaa hadafka halganka xornimo-doon iyo ujeeddada maansadiisu ba ay ku wada biyo-shubayeen, waxa na maansadaas dawliskeeda hayey, hal-abuurka ay ka mid ahaayeen:
1. Maxamed Xaaji Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas)
2. Cali Xuseen Xirsi
3. Xaaji Aadan Axmed Xasan (Afqallooc)
4. Cismaan Yuusuf Cali Keenodiid
5. Cabdillaahi Suldaan Timacadde
6. Cabdillaahi Qarshe
7. Xuseen Aw Faarax
8. Qaasim Hilowle
1. Ka kacaay ka kacaay
Kol horaynu jabnee
Ka kacaay ka kacaay
Kooraley la gubyee
Ka kacaay ka kacaay
Kun faceen la dilyee
Ka kacaay ka kacaay
Kiniisado la dhisyoo
Kufrigii badayoo
Kama Kama yimidee
Ka kacaay ka kacaay!
2. Dhulkaayagaa waa u dhalanayoo
Waw dhimanaynaa dhulkaayagaa!
3. Dhallintii waddankiyo
Dhulkaannu nahoo
Dhulkaannu nahoo
Inaannu dhisanniyo
Inaannu dhimanno
Maantaan waxba nooga dhaxaynayneey!
4. Soomaaliyeey toosoo
Toosoo isku tiirsada oo
Kolba kiinna taag daran taageeraa weligiin!
5. Ninkii ku ladnaa ha leelee
Ilaa lixdankaan laxaamaday!Ayaa lagu dagaal galay.
Xaaji Aadan Axmed Xasan (Af-qallooc)
Hal-dhaagan/ Togga Midhisho – Ceerigaabo
(1871 -1986)
Dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Dunida waxaa gobolka Togdheer ka oogmay dab uu shiday halgamaagii dulmiga nebcaa ee xaqa jeclaa Sheekh Bashiir Yuusuf. Magaalada Burco ayuu Sheekhu dharaar cad ka bilaabay badheedhihiisa aan gabbashada aqoon. Culimadii diinta ayuu shiriyey, una sheegay in lagu dhaqaaqo ficilkii dadka iyo dalka lagaga xorayn lahaa gumaysiga muddada dheer loo “gees iyo gafuur”xidhnaa. Dood iyo lafogur dheer ka dib, badiba culimadu arrinkaas Sheekha way uga garaabeen, hase yeeshee waxa ay u soo jeediyeen in aan cudud iyo xoog lagu muquunin karin gumaystaha dalka haysta, balse ay taas ka fududdahay in ay Qur’aanka ku akhriyaan oo Alle ka baryaan inuu gumaystaha ka kiciyo. Sheekh Bashiir oo liqi la’ mawqifkaas culimada, ayaa soo qaaday bakeeri ama bilaale oo dhex dhigay culimadii, una sheegay in ay soddonka Jis ee Qur’aanka hareeraha kala fadhiistaan oo ku akhtriyaan bilaalahaas, kuna jebiyaan. Markii ay ku akhriyeen ee waxba jabi waayeen, ayuu Sheekh Bashiir qaaday bakooraddiisii oo yidhi “Bismillaah”, oo baguugaha ka dhigay bilaalihii, una iftiimiyey culimadii in “Bisinka iyo ficilku wada socdaan”. Bisin aan ficil lahayni waxba ma taro. Burco gudaheeda ayuu Sheekh Bashiir guluf ka heenseeyey. Markii lagaga tag roonaadayna waxa uu ciidamadiisii la galay buurta la magac baxday Buurdhaab ee ku taalla degmada Caynaba.1947 ayaa Sh. Bashiir Yuusuf lagu dilay isaga oo mintidaya dagaal ka dhacay Buurdhaab. Meydkii Sheekha waxaa la keenay magaalada Burco, lana soo dhigay meel dibad ah, loona diiday in la aaso.
Xaaji Aadan Af-qallooc dhacdadaas ayuu ka tiriyey gabaygan dhaxalgalka ah ee la magaca baxay Dilkii Sheekh Bashiir. Waa gabay tiiraanyo, baroordiiq, calaacal, guubaabo, hogatus iyo taariikhayn ah oo ku saabsan dilkaas Sheekh Bashiir, sidaas foosha xun ee meydkiisa loola macaamilay iyo sida liidata ee dadkii magaalada Burco maalintaas ku sugnaa isha miirta uga dhigayeen ee aanay xitaa wax ficilo ah uga samayn hagardaamayntii dhafoor taabashada ahayd ee meydka Sheekh Bashiir. Gabaygu waxa uu Soomaalidu ku boorrinayey in ay fadhiga ka kacdo, kuna dayato shucuubta caalamka kale ee gobannimadooda “shanta farood iyo calaacasha” kaga dhacsanaysa kuwii addoonsanayey ee midiidinnimada ku sandullaynayey.
Markii uu Xaajigu gabaygan tirinayey waxa uu ahaa 80-jir ku dhowaad. Ingiriisku xabsiga ayuu dhigay. In uu xasilloonida khalkhalinayo ayaa lagu eedeeyey. Muddo yar ka dib Xaajigu xabsiga ayuu ku indho darreeyey. Culays badan ayaa gumaysiga lagu saaray in Xaaji Aadan jeelka laga sii daayo. Cadaadiskaasi waxa uu maamulayaashii gumaysiga Ingiriiska Somaliland uga wakiilka ahaa ku sandulleeyey in Xaajiga xabsiga gudihii indhaha loogu jeexo, halkaasi oo uu ku ladnaaday, araggiina ugu hagaagey. Waxa uu yidhi:
Duhur baa Bashiir lagu shannaqay daar agtiinna ahe
Damal la hadh galaa bay jebsheen waqay dulloobaane
Dahriga iyo laabtay rasaas kaga daloosheene
Isagoo dam iyo dhiig leh oo maro ku duuduuban
Dadkii uu nebcaa iyo kufraa daawasho u yimide
Dacsad iyo ihaaniyo cag baa loogu sii daraye
Meydkiisa daahira markii dibedda loo jiidey
Nimankii dilkiisii qirtiyo idinka duunkiinna
Kolkii aaska loo diidey waad wada dul joogteene
Ma damqane jidhkiinnii kolkaa waad ku digateene
Nasab haddaad Durriyaddii tihiin kama dareerteene
Ma duugoobin Qayb-diid lafuhu waana duxayaane
Duur looma gelin geesigii dirirta weynaaye
Dar kaloo ciyaar lagu diliyo daw-gal baa jiraye
Oo aan deero deero u hirdiyin sida digaaggiiye
Isaga oo dulmiga aad qabtaan dood ka celinaaya
Da’dii uu ahaa Faarax baa jeelka loo diraye
Haddeeruu siduu diley arwaax dibedda meeraaye
Loo diid durriyadduu dhaliyo duunyaduu dhaqaye
Gobannimo duqii Cali Bahdoon doonisteed dhimaye
Telefoonna waatuu dawakhay doorkii uu yimiye
Dacwad iyo wuxuu hadal yiqiin idinka daw waaye
Wax badan baa karbaash lagu dirqiyey duqiyo wiilkiine
Nin gadhkii cammuud loo daroo dabada loo xaydey
Oo ulo dubkiyo jiidhka suga lagu dalliigaayo
Oo kuman dadkiisii ahaa daawasho u joogo
Oo aan la diidine farxaan lagu dareeraayo
Waa dabac idiin gooniyaan duulla waafiqine
Bahal cadarku dilayaa jira oo digo shifaysaaye
Idinkana daliilkiyo wacdigu waydin didiyaane
Af-daleela iyo baad shubtaan Diin la iibsado’e
Dib intaw shakiyi ceebihii daahirka ahaaday
Maa laga dagaallamo naftaad dib ula maagteene
Dulli inaad tihiin buu hubsaday Diinta caasiyaye
Dahab buu ku iibshaa dhulkaad dir u lahaydeene
Hore haddaad u diritaan haddadan idinba daareene
Doqonniimadiinnii horay daraf ku haysaaye
Dambarsada haddaa xaabadii laysu soo degaye
Ummadaan xorriyad doonan oo daafac noqon wayda
Dadku inuu addoonsado horaa loogu daabacaye
Dabka naarta fulahaa wax gala ugu dambaab weyne
Dacaska iyo ceebtaad qabtaan baa idinka diimoone
Dunjigi Aadan ubadkuu dhalaad ugu dambaysaane
Wixii aad ku dacafteen qalbigu saw iskama daayo
Dib maxaa idiin celinayoo hore idiin diidey
Maruun maad ku dayataan khalqiga libinta doonaaya
Dabka qaade Sharaqii wax badan daadunka ahaaye
Turki inuu Bulqaariya deguu daarka ku hayaaye
Wax badan buu dariiq inuu ka helo doonay Malatoofe
Dardaniil ka xidhey Ruushankay deris ahaayeene
Ka duuduubey Faransiis dhulkii Suuriyuu degaye
Dergedii Lubnaan iyo ka guur degelkii Beyruude
Deeq kama ahaannine bir baa daanka loo sudhaye
Dejla iyo Furaat ferenjigii kama dekeeyaane
Dahraan iyo ka kace ceelashay wada degmaysteene
Dirir iyo jihaad Maxamed Rida uga dambaysiiye
Wuxuu Faysal taarka ugu diray daawo iyo jaare
Ingiriis wuxuu damacsanaa Reer Hindiya diidye
Sidii Gaandi doonaayey baa haatan daahira’e
Daarihii Bunjaab iyo ka kace dahabkii hoos yiille
Daymada haddeer bay indhuhu dib u jalleecaane
Damaashaadku waa Maxamed Cali loo dabbaaldegaye
Masarna door horaa laga diriyo dawgii khoorriga’e
Iskanderiya kama soo degaan ducuflihii gaale
Dakhiirad iyo saabaan wixii dirirta loo keenay
Faaruuq u dacaree in ay dabar ka qaataane
Dusha kuwii alaabada ku sidey debeshka loo dhiibto
Waa kaa bagaasigi dallacay dacayda weynaaye
Imminkay Maraykan u dirteen Looyar daafaca’e
Tanuun baa darxumadaw hadhaye duni xalaalowdey.
Dad oo idili soo eri ninkii daallinka ahaaye
Diyaarado wax lagu soo guriyo mayl wax lagu daadsho
Daad-xoorta oo idil halkaa lala damcaayaaye
Dekedaha maraakiib shixnadan baa ka soo degiye
Waa dooyo nimankaa u kacay Dig iyo Ceel-dhaabe
Gadhle dhagaxa uu doonayaa waa dusmiyo xeele
Danta iyo qasdigu waa horseed laga dambeeyaaye
Dabayshiyo ayaxu waa tusaha laysku dagayaaye
Wax daliila maabkuu diruu soo duwaay yidhiye
Dawlaabta boqol fayl ka badan daafta waxa yaalle
Inay duuddu dacar yeelatuu doonayoo helaye
Wax dawanan dariiqiyo halkay debec ku fooftaaye
Daliig cawsa meel aan qornayn deelka laga waaye
Dacasha iyo xayn-booradaa buug ku daabacane
Dabin baa sitaar looga dhigay man iyo doomaare
Daaqa iyo biyaha waa la xidhan eegga dabadeede
Halka Daawad xeradeedu tahay gaaladaa degiye
Dad shaqeeya mooyee miyaa laga dal waayaaye
Dad-guuraagu goortuu madhaad dabar go’aysaane
Nin dayuurad iyo moodhar laa beer idiin dirane
Durgufkiinna soo hadhi waxaan diidayuu garane.
Wax badan baan dammiin dhega la’aa daasaddaw tumaye
Ama ninay indhuhu dam is yihiin ‘day waxaa’ idhiye
Caammiye nin daadihinayuu diidayaan ahaye
Dab baan moodey gaaraabidhaan daymadii hore’e
Dambas iyo ramaad baariddaan naar ka deyayaaye
Dacar iyo unuun baan macaan ugu dudaayaaye
Doofaar ilkihii baan u filay dur iyo yaaquude
Dawliilka waxaad shaabahdaan dad iyo iinsaane
Waxnaad khuluqa daawo u tihiin habar-dugaageede
Ninkii idinla dawsaaba waa diidayaa nolole
Dooy baad tihiin aan qalbiga nuur ku soo degine
Danniyo xumaan waxan ahayn kuma dedaashaane
Hadba kii idiin daacadaad dabin u qooshaane
In kastoo dabiib maahiroo duxa ah loo keeno
Dello ma leh dubaaqiyo wadnuhu nimay dillaacaane
Dulli baad ahaydeen taniyo daayinkiin abide
Dardar iyo kulayl waxaan la imid dacastey laabtiiye
Waxyi hadduu idiin soo degoo laydin deeqsiiyo
Oo Nebigii soo daahiraan idin daweeyeene
Dinnadihiyo idinkuba horaw damac xumaateene
Midna derejo kuma haysataan labada daaroode
Gobannimo daleel lagama helo daar adoo galaye
Haddaad doono leedahay naftaa diiq la geliyaaye
Waa mur iyo deebaaq waxaad dib ugu aydaaye
Mar haddaan waxaan doonayiyo dawladnimo waayey
Dantay weeye inaan aammusaa eegga dabadeede
Dulligaa ku jira noloshu waa idinku deelqaafe.
Maxamed Ismaaciil Maxamuud (Barkhadcas)
Hargeysa
(1910-dii – 1963)
Basarce iyo Belaayocas na waa loo yaqaanney. Waxa uu ka mid ahaa hormuudkii halgankaas gobannimo-doon kuwii ugu fadallada cadcaddaa. Hargeysa waxa soo booqday 1959 Duke of Edinbrough. Wax la yidhi ha la soo dhoweeyo. Maxamed Ismaaciil ayaa walaal Aadan ku yidhi ku aan wax ka soo dhowaynee ina keen. Gabaygan buu ugu jawaabay.
Awawgay ninkii addoonsaday
Ninkii aabbahay indhaha tiray
Ninkii anigana i iibsaday
Haddaan arkayoonan ka aarsan karayn
Haddaanan Aadanow unuunka jarayn
Ninkaa araggiisa uurkaan ka necbee
Aan ooyee albaabka ii xidha!
Isagoo Iglan jooga buu i diloo
Ushuu soo fidshaa i iimaysoo
Waataa aramidii i oofa tirtaye
Itaal darri aan la eedaadee
Ninkaas araggiisa uurkaan ka nebcee
Aan ooyee albaabka ii xidha!
Bal ogow isticmaarku abidkii
Irridduu marinaayo awr raran
Irbad buu ku dayaa allaylkee
Raggan aan arkayee u abasaxayow
Nimowna ha odhan Soomaalaan ahee
Ordoo magacana ka iibsada.
Libaaxa Annayiyo Abaarso ka ciyey
Aburiin Lo’da joogta baa urisoo
Oodday jebisaa intay u dhacdoo
Amsaxuu ka guraa idiilkeed
Waakaa isticmaarkii iidaayee
Raggan aan arkayee u abasaxayow
In shaahiyo keeggu waa urugee
Iimawdaye axankaaga weynee!
Ugaadha ninkii gatee urursada
Ka soo arka baa adduun ka baxshee
Ninkaa imanaaya awgii
Waakaa isticmaarkii iidaayee
Raggan aan arkayee u abasaxayow
Ordoo magacana ka iibsada!
Cali Xuseen Xirsi
“Burco –Muqdisho”
(Horraantii 1910dii – 1960dii)
Afhayeenkii, gabyaagii ururkii dhallinyarada ee SYL, Cali Xuseen Xirsi waxa uu qofaynayaa shimbir murugaysan oo kaymihii ay ku noolaan jirtay ee ay ilmaha dhigan jirtay laga irdheeyey oo cidla’ ciirsila’ walhanaysaa. Isaga oo isna caloolxumo iyo ciil la luudaya, ayay shimbirtaas kulmayaan oo is wacaalo toyanayaan:
Fiin yahay adaa ololayoo oohin ciirsadaye
Haddii aan laguu iman waad aamusi lahayde
Maxaad aragtay waan kula qabaa uur-ku-taallada’e?!
Waxay tidhi “Ilaahay haddaad aad u garanayso
Oo aad Islaam tahay iddaa waan irdhaysnahaye.”!
Waxaan idhi “Qofkii i abhiyaa, wuu ammaan heliye
Ashahaadda iyo waan aqaan aayaddii Nebiye
Hayeeshee ilmada kaa dhacdiyo, umalka guudkaaga
In yar iiga sheeg waxaan rabaa, inan ogaadaaye”?
Waxay tidhi “Inkaar buu u go’ay odaygi Soomaale
Awlaaddii uu dhalayna waa sida adowgoode
Hadday ul iyo diirkeed yihiin rag iska eegaaya
Afrikadan ma joogeen nimaan aabbe ku lahayne
Ayax kuma dhaleen kaymihii ubaxa weynaaye
Anna aydii aan joogi jirey kama abraaree”!
Waxaan idhi “Irdihi nalaga qaad aad ahaan jiraye
Waataa la kala iibsadaan nala ogeysiine
Ooddaaba laga goynayaa Idhankii Laasoode
Meeshaad ilmaa dhigan lahayd uun kalaa degaye!
Waxay tidhi “Dhulyahow eheledaa ma laha iimaane
Ilaaleeyey oo dunida waa ugu il liitaane
Iyagaa ableyda isu sita iyo eebo xoog badane
Intay Ayro kala qaadayaan aarsan mahayaane
Qalbigii engegey waanaduu orod ku dhaafaaye
Goormaa inkaartani heshaye lagu alhuumeeyey?!”
Waxaan idhi “Arbiyo laguma oga geesi aynaba’e
Iniinaha kelyaha iyo wadnahay iini kaga taale
Aanada tolkood bawga roon uumiyaha kale’e
Maxaan ararta kaga daalayaa, edeg na loo gooye!”
Cismaan Yuusuf Keenadiid
Ceel-buur/Hobyo – Muqdisho
Bilowgii qarnigii 20aad – Horraantii 1970dii
Cismaan Yuusuf Keenodiid waxa uu ka mid ahaa gabyaagii xilligaas kuwii ugu garashada badnaa. Gabaygiisan waxa uu kula hadlayey Soomaalidii huruddey:
Maanyaridu Soomaali, waa maharaddeediiye
Maslaxaddeedii garanwaydey, iyo marinkii ku toosnaaye
Macnahay ku noolaan lahayd, maluhu siin waaye
Maamuus la’aan lagu waday, moodayaan nolale
Miisxumida haysiyo dulligu waw u macaan yahaye
Mabsuud weeye badidood waxay mudanayaan ceebe
Muslinnimada sida loo mudmudi kama masayraane
Meqaam xumida waxawgu wacan muran dhaxdoodaaye
Iyagaysu muuqanahayee moog adduunyada’e
Murtiday lahaayeen diliyo magaca kooda ahe
Muwaafaqo kolkii laga gefaa molotigood galaye
Anigaa ku midho dhaama ayaa malag u saarnaaye
Macriif umaba yeeshaan wuxuu baran masaalkoode
Macaamilada aadamigu ku jiro laga madoobeeye
Martabada adduunkiyo cilmigu umaba muuqdaane
Magan bay shisheeye u yihiin meel la joogaba e
Maalin noolba niman baa ku fala waxay muraadaane
Muquunay ku joogaan sidii maal la leeyahaye
Raggii madaxdu ka xumaato waa marin habaabaane
Kuwii maqaddinnada looga dhigay waa manfaco raace
Mar maxaad cuntaan kaliya buu yahay maqsuudkoode
Nin mushaharo eexaynahayaa waa miskiin dhabahe
Muddeec waxa ka dhigay inuu maarmi waa’ yahaye
Muddaafacana seeg iyo inuu maya yidhaahdaaye
Culimadana damac baa malgayoo mooyi say tahaye
Milladdiyo shareecada badh baa maal ku iibsadaye
Marsiis iyo fudayd buu ku dhacay maqane diinkiiye
Masalo-gaabkiyo ways hayaan kii mufti ahaaye
Ardaydaa mujaaddilo la geli macallinkeediiye
Midkii dhawr masalo soo bartaa maaro loo heline
Makastiyo intii caamo ahayd bay madax wareersheene
Hadba xaal muraad lagu wataa waa layna maqashiine
Waa waxaan minhaajkiyo tusaha meelna kaga oolle!