Dhacdooyinka guul wade yaasha Akhri oo ha qoslin
Sanadkii 1972 waxa la sameeyey ciidamadii guul wada yaasha markii la dhameeyey qorshihii iyo nidaamkii ay ku shaqayn lahaayeen, ayaa xaflad si weyn loo habeeyey lagu qabtay garoonka weyn ee magaalada Muqdisho waxaana ka qayb galay hogaankii xisbigii hanti wadaaga kacaanka Somaliyeed oo uu hogaaminayey jaale Siyaad, markii damaashadkii iyo qud badihii dhamaadeen ayaa waxa is taagey oo hadalay nin ka mid ahaa kaadiradii xisbiga oo yidhi; “Jaale madax weyne waxa la ilaabey mashaharkii iyo gunadii,oo miisaaniyada ka maqan” ka dibna jaale Siyaad ayaa yidhi; dadka ayeynu uugu darnay oo raaciney wixii dadkii iyo guul wadayaashii kala qabsadayna waa ka war haysaan, isla xiligaa waxa magaalada Hargeysa laga sameeyey afar xaafadood oo loo bixiyey hanuunta dad weynaha sida Gacan libaax, Guryo samo, Iftin iyo Juune waxaana xarumahaas ka hawl geli ciidanka guul wada yaasha oo dadka ku xidhi jirey. hadaba gacan libaax waxa gudoomiye looga dhigey nin aad loo hadal hayn jirey lana odhan jirey Maxamed Cabdi, ninkaasi markuu subaxii soo baxo wuxuu soo gashan jirey dharkii gaarka u ahaa guul wadayaasha oo ahaa shaadh iyo surwaal dooga ama cagaara jeebada sare ee shaadhka wuxuu sudhan jirey sawirkii jaale Siyaad qof kasta oo ka soo hor baxa wuxuu ku odhan jirey jaale salaan jaale Siyaad qof kasta isagoo baqanaya ayuu salaamaa ninkaasi markuu gurigiisa galo ayuu iska furaa sawirkii jaale Siyaad dabeeto intuu sawirka candhuuf ku tufo ayuu isku odhan jirey, “bal waxaanu maantoo dhan umada la dhex soconey eega” markaasuu ku joogsan jirey sawirka ugu dambayntii gabadh u shaqayn jirtey ayaa sheegtey ka dibna waa la xidhay. Waxa maanta hargeysa ka buuxa dad maalintii oo dhan sita sawirada iyo calaamadaha Axmed siilaanyo iyo xisbiga Kulmiye aadna u taageersan kacaan beeleedka Axmed siilaanyo oo habeen kiina aad u cadhaysan oo caayaya isla markaana ka waramaya hab dhaqanka Axmed siilaanyo iyo kacaan beeleed kiisa
Qalinkii: Mujaahid Cali xaraaro