Qofba si u arag Khalad iyo Sax midkay doontaba ha noqotee, Su’aashuse waxay tahay maxaa laga ogyahay Mowqifka Xukuumadda iyo Musbadabeedkeeda hirdanku ka dhexeeyaa inay ku wada socdeen sannadkan qaabillada iyo Casuumadda loo fidiyey Muwaadiniinta Dibadaha ka soo laabtay ee Xilliga xaggaaga soo booqday dalkooda hooyo (Qurbo-joog), kuwaasoo sanad walba munaasibad lagu maamuso ay Xukuumaddu u samayn jirtay shantii sanno ee ay talada haysay.?
Arrinta kale ee meesha ku jirtaa waxay tahay maxaa indhaha bulshada loogu soo jeediyey Caweyskan, ma ujeedo siyaasaddeed, Maslaxad iyo dareen bino-aadannimo oo gaadhay heer la qarin kari waayo dhaliilsheeda, mise wacyiga adag ee lagu jiro ayaa Inkaaray?
Geesta kale, waxa jawaab cad u baahan doorka ay Sharfida iyo qiimeynta qurbo-jooggu ku leeyihiin Aafada Tahriibka ee sii kordhaysa, taasoo meesha ka saartay rajadii xoogsiga, Kalsoonida, Samirka iyo horumarka Dhalinyarada dalka. hadayse jawaabtu tahay haa oo way dhiiri-gelisaa Qurba-joognimaddu Masiibada Tahriibka Dawladdu ma raalibay ka tahay baro-kicinta Dhalinyarada iyo Xooga Mustaqbalka ee nasiibka u helay inay dalkooda ku barbaaraan, waxna ku bartaan?
Dhamaan su’aallahan oo dhami waa kuwo ka soo burqanaya Quluubta /dareenka Bulshada indheer garadka ah, waxaanay ka dhasheen doodda iyo bullaanka ka curtay Xafladda ay dawladdu Casho-sharaf ugu sameysay galabnimadii Jimcaha Qurbo-jooga waddanka ku sugan , taasoo ka dhacday Hudheelka Guuleed ee Magaalada Hargeysa.
Dareenka lagaga fal-celiyey Munaasibaddaas,waxa uu daaha ka fayday inay si cad ugu kala qaybsanyihiin ama ku hirdamayaan Xukuumadda iyo saaxiib-beyaasheeda Xisbiga Kulmiye ee hanka Siyaasaddeed lehi la macaamilka iyo xidhiidhinta Qurbo-joogga oo ay sanadihii hore sidan si ka miisaan weyn oo aanay kala riixasho iyo kala dhaweysi toona ku jirin madal kula wadaagi jireen wakhtigan oo kale.
Sida muuqata, kana soo ifbaxday dooddaha hadheeyey kulankan, tartanka Siyaasaddeed ee ka jira Kulmiye dhexdiisa iyo dabcan Loollanka guud ee ka dhexeeya Asxaabta oo dhan ayaa sabab u ah fasillaadaha xaqiiqda taabanaya ee lagu dhaleeceeyey Munaasibadda, kuwaasoo marka Shaandhada la mariyo, lagana reebo dhamaan ujeeddooyinka dahsoon ee ku lamaan, maxsuulkoodu noqonayo fal-celin 80% laga garaabi karo.
Laba qodob ayaa ugu muhiimsan aragtiyaha lagu dhaliilay Xaflada Qurbo-jooga iyo Xukuumadda,waxaana hadii aan is-dultaago ay kala yihiin: 1- inaanay islahayn Xaaladda nololeed ee ay sababtay abaarta dalka ka jirta, sida ay ku dooddayaan sababtay Biyo la’aan, baro kac, dhaqaale bur-bur iyo halis noolle inta.
Qodobka labaad ee arrintan lagaga fal-celiyey, ayaa ah in Dhiiri-gelinta, qaabilaada iyo Sharaf u yeelida Dadka dibadaha ka soo xagaa-baxay hiyi-kicinayso Da’yarta waddanka joogta ee ka hadhay saaxiibadooddii qurbaha u haajiray, kuwaasoo la leeyahay ama siday tahayba markay arkaan sida loo kool-koolinayo saaxiibeyaashooda shalay dhibaatada badan ku mutay Tahriibku, sanaddo kaddib markay dalka dib ugu soo laabteen, uu ku dhacayo Buufis ama dal nacayb.
Labadan qodob marka si lilaahiya oo aan danno kale ku jirin loo faaqido , waa xaqiiqo jirta oo uu qof waliba ka garaabayo, xataa Masuuliyiinta Xukuumadda oo ay ugu horeeyaan Wasiirradii soo qabanqaabiyey Xafladaas.
Bal aynu eegno Jawaabta uu ka bixiyey Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse Su’aal laga waydiiyey labadan qodob, iyo garowshiyaha muuqda ee uu ka bixinayo arrimahan.
Cukuse ayaa mar lagu waraystay Telefishanka Kalsantv barmaamuj lagaga doodday qadiyadan aynu ka hadlayno yidhi : “Waa run weeye waa wax dhici kara inay dhalinyaradu u qaadato in dadka qurbo-joogaa aad loo dhiiri gelinayo” .
Qodobka labaad oo isna su’aal laga waydiiy ayuu kaga jawaabay: “Arrin waligeedba la qaban jiray loo joojin maayo xaalad mar timi ee iyadoo gurmadkii abaartu socdo ayaa Xafladana la qabtay”.
Hadalka Wasiir Cukuse wuxuu sawir ladifan ka bixinayaa saameynta togan iyo mida taban ee ay leedahay xidhiidhinta Qurbo-jooggu, waxaana la odhan karaa marka si sax ah loo fekerayo qodobka labaad ee uu difaacayaana ma haboonayn xilligan, hadii ay dhacdayna waxay ahayd in Dadka la casuumay Kaalmo ama taakulo gurmadka abaaraha lagu kabo la waydiiyo, taasina may dhicin inta aan ka warqabno.
Si kastaba ha ahaatee, Marka dhinac kale layska taago ee faham guud laga qaato ujeeddada iminka (Maalmahan) kor u qaaday dhaleecaynta iyo tashuushka lagu furay Xafladda qurbo-joogga, iyadoo daliil laga dhiganayo labadan qodob ee aan kor ku xusnay, waxa sida Iftiinka cad-ceeda u ifaya in hogaamiyeyaasha Siyaasadda, siiba Siyaasiyiinta Xisbiga kulmiye iyo Xukuumadda ka wada tirsan ee hirdanka Siyaasaddeed ka dhexeyaa ay isku dacaayadeeyeen arrintan, iyagoo uga faa’idaysanaya jallaafooyinka ay loollanka u isticmaalayaan ee ay isu dhigayaan.
Waxa muuqata in Kooxda soo abaabushay Xaflada oo uu ugu tunweynyahay Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Biixi Yoonis, kuwana weheliyaan Jaalleyaashiisa kale ee Xukuumaddu ay ku soo jiidanayeen Taageerada Qurbo-joogga oo ah gacan mar walba ay u baahanyihiin hogaamiyeyaasha ku tartamaya Siyaasadda, siiba ta madaxtinimada oo, xag dhaqaale iyo xag bulsho abuuris intaba.
Waxa kale oo soo baxday in taa cakiskeeda, ay fuliyeen Siyaasiyiinta kale ee Xukuumadda iyo Xisbiga kula jira xubnaha qabanqaabiyey Xafladda ee aan kor ku xusnay, kuwaasoo ay ku kala aragti duwanyihiin mabaadii’da Siyaasaddeed ee Mustaqbalka Kulmiye, gaar ahaana kuwa isku haya ama ku loollamaya Musharaxa Madaxweynaha ee Xisbigaas.
Haddaba marka arrimuhu sidaa yihiin sow lama odhan karo “Xafladda Qurbo-joogga Kulmiyaa isku fadeexaddeeyey” anigu Jawaabtaydu waa Haa. Idinkuna fikirkiina xorbaad u tihiin.
Wariye: Saleeban Cabdi Cali (Kalshaalle)
Hargeysa/ Somaliland
Email: Curad1986@hotmail.com / gobanimonews 2013@gmail.com