Sida xeerarkoodu qeexayaan , Boqoradda Carabtu ’ Arab Sheikhs & Kings “ waxay iska leeyaheen Dadka, Dalka, Hantida & khayraadka ku jira dalalka ay xukumaan. Marka ay safaro u baxyaan, waxa horgala dhamaan Wasiirdda xukuumadda . Waxa dabayaaca hawl-wadeenada waawayn muhiimka ah . Waxa hakad gala dhamaan adeegyadda bulshada , waxaana la xidhaa wadooyinka iyo isu-socodka gaadiidka.Marka oo Boqorku mashruuc furo ama dhagax dhigo, waxa warbaahinta dawladu baahisa in kharashka ku baxay mashruucaas uu ku deeqay Boqorko, kana bixiyay jeebkiisa. Waxa sifooyinkaas oo kale lahaa Keligood-Taliyaal ay ka mid ahaayeen Saddam Xuseein ,Qadaafi iyo Xusni Mubaarak.
Waxa dhabahii ku taagan Madaxweyne Siilaanyo.Tusaale ahaan , Gobolka Las-Anood waxa la gaadhsiiyay “Ambalance “ ay ku deeqday Hay-adda samafalka “ Red Crescent Society”. Warbaahinta Dawladdu waxay faafisay in Madaxwyne Siilaanyo u soo iibiyay ‘Reer Las-Anod” . Goobahii uu dhagax dhigay,wuxuu sheegtay inay tahay deeqo ka yimid jeebkeesa.Waa cashuurti danyarta iyo hantidii qaranka ee la xaraashay.
Daba yaaca-yaada waxa ka dhex muuqday nin dheer oo ku tilmaaman Wasiirka Arrimaha Dibedda.Wuxuu gabay hawshii qaranku u egmaday . Waxa ku haboonayd inuu ka dhex ololeeyo Shirarkii Madaxda Afrika ee Addis Ababa. May haboonayn inuu ka dhex muuqdo dugsi hoose oo laga furay “Gunburta Waraabe Gujis “.Isku soo wada duubo, kharashka iyo baatroolka ku baxay safarka Madaxwayne Siilaanyo & Dabayaacyada, waxay dabooli lahayd gargaar ,gurmad, iyo biyo-dhaamis la gaadhsiiyo Goboladda Galbeedka ee abaartu ku habsatay “ Gabilay, Awdal & Selel”.
Wuxuu yidhi Luggooyo, oo ka hadlaaya bulshada aan weli baran sida loola xisaabtamo Madaxda iyo wax ka bedelka qaab nololeedkooda :
Haddii aan wuxuun laga qayirin qaabka nolosheena,
Qarnigaa dhamaadiyo ka xiga qaa’im iyo daa’m,
Qadoodi iyo waa lama huraan qax iyo eedaade.
Drs. Hoodo Yusuf. // yhoodo@yahoo.com.