Roobab Lagu Qabow Saday Oo Galabta ka Da,ay Deegaano Kamida Gobolka Gabiley. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Roobab Lagu Qabow Saday Oo Galabta ka Da,ay Deegaano Kamida Gobolka Gabiley.
August 1, 2015 - Written by Editor:

GABILEY(Wajaalenews) Waxaa Maanta galinkii danbe ilaa caawa ku curtay roobab aad loogu qabowsaday deegaano badan oo ka tirsan gobolka gabiley kuwaasi oo qaarkood ay ka taagnayd abaaro ba,ani NIMCADAN ALLE  ayaa ah mid aad loogu diirsaday guud ahaan gobolka gabiley oo ay ka taagnayd abaaro dad iyo duunyaba saameeyay kuwaasi oo xiligan ku sugnaa xaalad qalafsan

roob

Roobabkan ayaa galabta ka da,ay deegaano badan oo ka mida gobolka gabiley  Ilaa caawana ka da,aya meelaha nimcadu sida fiican usoo gaadhay ayaa waxa kamida magaalada gabiley arabsiyo deegaanada ku xeeran magaalada kalabaydh ,gufada iyo deegaano kale oo kamida gabiley

 

Roobabkan ayaa imanaya xili gobolka gabiley ay ka bilaabantay Gurmadka biyo Dhaamiska kuwasi oo ay maanta bilaabeen maamulka gobolka gabiley oo uu hor kacayo wasiirka warshadaha

Dhanka kale bulsho waynta ku dhaqan guud ahaan gobolka gabiley ayaa maalintii khamiistii iskugu soo baxay ROOBDOON ay ILAAHAY KU WAYDIISANAYAAN IN UU SIIYO RAXMAADKIISA

sikastaba ha ahaatee waxa caawa  deegaano badan oo kamida gobolka gabiley ku naaloonayaan RAXMAANKA EEBE

 

WAJAALENEWS DESK

GABILEY OFFICE

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

COMMENTS
LINKS