WAJAALE NEWS

“Ina Aw Siciid Haddii Uu Joojin Waayo Waxa Uu Beesha Ka Dhex Wado Isagay Dambarsandoonta”Nasra Cabdirahman

Hargeysa (Wajaalenews) Nasra Xaaji Cabdiraxman oo ka mid ah Muwaadinad  reer Somaliland ah ayaa ganacsade Maxamed Aw Siciid ugu baaqday in uu Dhex u noqdo Musharixiinta u tartamaya Xisbiga Kulmiye.

Nasra Xaaji Cabdiraxman oo Qoraal kooban oo Arrintaasi kaga hadlayso Wargeyska Waaheen soo gaadhsiiyey ayaa waxa uu u dhignaa siddan. “Aniga oo ah Nasra Xaji Cabdiraxman waxan baaq u dirayaa Ganacsade Maxamed Aw Siciid oo runtii Musharixiintii Beesha ee Xisbiga Kulmiye ka sharaxan mid ka mid ah la Saftay, Arrintaasi uu ku kacay Maxamed Aw Siciid waa arin runtii nasiib darro ah, waayo isagu waa nin Ganacsade ah waxna Haboon in uu Dhex u noqdo Nimanka Ilmadeeradii ah  ee Xisbi Kulmiye dhexdiisa ku tartamaya, Inkasta oo marka Xaqiiqda laga hadlo aanay uba oolin Maxamed Aw Siciid Arrinta Xisbiga Kulmiye, waayo Saddexda Musharax ee Beesha waxa kala saaraya Golaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye,  waxa kale oo la ogaa Maxamed Siciid sidii uu u kala Qaybiyey Beesha Wakhtigii uu socday Shirkii Beesha isaga oo wakhtigaasi kula dhex jiray Fidmo iyo kala Qaybin beesha, tan maanta uu wadaana waxay la mid tahay tii uu awalba beesha uu ku kala qaybinayey, lakiin haddii uu joojin waayo waxa uu beesha ka dhexwaddo isagaa Nin Ganacsade ah oo ay Dambarsandoonta”Ayey tidhi Nasra Xaaji Cabdiraxman

 

 

Exit mobile version