|
|||||
WAJAALE NEWS
Ethiopian Airlines Oo Dalka Keentay Dad Laga Soo Tarxiilay Sucuudiga.
August 26, 2015 - Written by Editor:Hargeysa,(Wajaalenews) Shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airlines ayaa dalka keentay dad lagu qiyaasay ilaa 40 qof oo ah dad Soomaaliyeed oo laga soo mastaafuriyay dalka Boqortooyadda Sucuudi Carabiya. Sida ay u sheegeen wajaalenews ilo xogogaal oo ku sugnaa Madaarka Hargeysa, Dadkan ayay Boqortooyadda Sucuudigu u mastaafurisay dalka SOmalia, balse la keenay Somaliland, isla markaana ay xukuumadda SOmaliland aqbashay in dalka lagu soo dejiyo. dadkan ayaa maanta laga soo dajiyay madaarka cigaal waa markii ugu horeysay ee ay xukuumadda Somaliland aqbasho dad laga soo mastaafuriyay dalka boqortooyadda Sucuudi Carabiya, balse dadka ay Boqortooyadda Sucuudigu soo mastaafuriso waxa la geyn jiray dalka SOmalia, laakiin aqbalaadan ayaa laga cabsi qabaa inay furto wado cusub oo ay boqortooyadda sucuudigu dad badan u soo mastaafuriso. haddaba, mar aanu Isku daynay in aan wax ka weydiino taliyaha laanta socdaalka ee madaarka ayaanay noo suurto galin In aan helno.
Wajaalenews desk Hargeisa office Email;wajalenews@gmail.com
Related posts:Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa ku qaabiley wefti bal... Daawo Madaxweyne Siilaanyo Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Labada Gole Baarlamaan Iyo Guurtida & Wakiilad... Daawo:Xildhibaanadii u Codeeyay Talyaanle Oo Bedka Soo Dhigay In Cadaalad Daro Golaha ka Dhacday Sh... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|