DAAWO; Aabaha Qoyskii Gulufka Lagu Qaaday Ee Xaafadda Jig-jiga Yar Oo Markii U Horeysay Ka Sheekeeyey Dhacdooyin Murugo Leh. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
DAAWO; Aabaha Qoyskii Gulufka Lagu Qaaday Ee Xaafadda Jig-jiga Yar Oo Markii U Horeysay Ka Sheekeeyey Dhacdooyin Murugo Leh.
August 19, 2015 - Written by Editor:

“Ilmaha Yar  Ee Gu’gii Tobnaad Immika Galay Markaan Meydkiisa Arkay Waxaan Aaminsanahay In Aanay Xabbad Qudhi Ku Dhicin Ee Baas Lagu Furay Oo Ay Rasaastu Wejiga Illaa Lafta Madaxu Hawada Ka Baxday”

mujaahid-axmed-japan

“Taliyaha Saldhiga Koodbuur Iyo Saraakiil Kale Ayaa Markii   “Ninka Guriga Dhisanayaa Ma Adigaa?” I Yidhaahdeen Ii Raaciyey “Waxaa kuu fadhiya janankii yo Maayarkii  iyo dhinac  kugu haysta dhulka, Ee ina keen”, Markaan Is wada Raacnayna   Meel Aad U Kadeedan  baa La I Dhigay [Igu Xidhay]”

********************

“Wallow  Aan Hore U Qabay Tabobar Oo  Aan Qaatay Tabobarkii U Horreeyey Ee Ciidammada Ee 1966-kii,    Ibraahim Koodbuur Baa   Macalin Ii Ahaa, Hadana Markii Aan SNM Galay Waxaan Ahaa Qaybtii Sahanka Ee Xaruntoodu Dibiile Ahayd”

************************

Hargeysa (Wajaalenews)- Muj. Axmed Maxamed Xasan (Japan) oo ahaa Aabaha qoyskii dhawaan Ciidammadu galeen ee  degennaa xaafadda Jig-jiga yare e magaalada Hargeysa ayaa ka sheekeeyey dhacdooyin naxdin leh oo ku taxan qaabkii loo galay iyo dhimashadii iyo dhaawacii loo geystay caruurtiisa. Axmed Japan oo kamid ahaa Lixdii Mujaahid ee sahanka Ceelalyada ah u  ahaa ka dhextooskii  ay SNM cadawga kaga xoraysay Magaalada Hargeysa ayaa shalay  sheegay in aanay haba yaraatee jirin  ku haysatay dhulkiisa  isaga oo wax laga xumaado ku sifeeyey in dhibaatadii loo geystay aan cid qudha oo dawladda ka mid ahi ka taciyey  kana raalli gelin.

https://youtu.be/7oWmB7BFhHQ

Weriye Aadan Cabdi Ciidle oo shalay Mujaahidka ku booqday gurigiisa ayaa Xogwaran  dheer oo uu dhinacyo badan kaga warraystay waxa uu kaga warramay qisooyin aanu samir u yeelan Karin oo naxdin iyo murugo isugu lammaan oo la xidhiidha falka lagu weeraray iyo sida  xambaarsan. Ugu Horeyn isaga oo ka  jawaabaya sida wax u dhaceen waxa uu yidhi “ “Magacyagu waa Axmed Maxamed Xasan, Axmed Jabbaan-na Waa la I yidhaahdaa, Awoowo-na waa la igu naanaysaa”. Sidaa ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “halkan waxaan degennaa ilaa 1993-ii, immikana ibtiladu waxa ay ka dhacday, waxaan is idhi suulli cusub, kadib markii suulliyadii hore iga buuxsameen, suuligii markaan qotayna waxaa  la ii keenay nin kormeere ah oo dawladda hoose ka tirsan oo wuxuu qaatay alaabtii kadibna geesaha ayaanu isla galnay, markaan arrinkan arkayna waxan goostay inaan jeexo [seexo] dhulka bal waxa halkan ku jiraa ha soo baxaane, kadibna markaan bilaabay baa ciidan ii yimi oo jooji bay igu yidhaahdeen, aniguna qoraal miyaad sidataan baan ku idhi, iyaguna maya bay yidhaahdeen oo way iska noqdeen oo qoraal ii keena baan idhi.  Markaa go;aan maxakamadeed oo igu dhacay  ma hayo,  fulin la ii sheegay oo igu soo maqnayd ma  garanayo, joojin dhisme oo Maayarku keenay ma garanayo,  Semen iyo yeedhis la ii yeedhay  oo waxan la iga weydiiyey ma hayo. Markuu dhowr jeer ciidankii igu soo noqday ayaan ku idhi aniga ii geeya maayarka oo maalintii masiibadu dhici doonto ayaa  haddaaya oo kale [xilligii waraysiga laga qaaday oo hadh-gal ama duhur ahayd] la ii geeyey maayarka, ninka guriga dhisanayaa ma adigaa ayuu maayarku I yidhi iyo haa baan idhi, maxaad ku dhisanaysaa buu I yidhi,  ‘degenaan aan deganahay, sharcigiisii oo aan haysto iyo lahaanshiisa oo aan leeyahay baan ku dhisanayaa” ayaan ku idhi,  kadibna ‘sharcigii dhulka  ma haysataa iyo berri isu keen keen buu yidhi oo dhismahana jooji, aniguna waxba iguma aha ayaan ku idhi”.

Muj. Axmed-Jabbaan wuu sii waday xog-warankiisa oo waxa kale oo uu ka sheekeeyay  go’aankii uu qaatay markii uu Dawladda hoose ka soo noqday, waxana uu yidhi “Markaan soo noqday  ayaa waxaan ugu imi halkan sibidh badan oo qoyan, runtii maayarkana kalamaan soo ballamin khasaaraha ii yaalla, dabadeed ninkii dhisayay baan ku idhi, heshiis baan maayarka la soo galay oo waan ballanay, sibidhna waa kan yaalla ee intaa immika taalla ee qoyan saaroo jooji dhismaha oo haddii shaqaalaha oo aan waqtigoodu dhammaan uu sibidhku dhammaado  iska fasax oo yoomkoodana sii”. “ arrinka oo halkaa maraya  ayaa haddana ciidan kale yimaadeen,  halkaas Indho-birta [meherad la deris ah dhulkiisa] ayay istaageen, haddana gaadhi kale oo ciidan ah baa u yimi oo taliyihii saldhiga Koodbuur iyo niman kale oo saraakiil ah baa yimi, aniguna bal waxa dhacay soo eeg baan is idhi oo waan utegey, dabadeed waxa ay I yidhaahdeen “ninka guriga dhisanayaa ma adigaa?” aniguna ‘Haa ‘ baan idhi. Haddana waxa ay I yidhaahdeen “waraaqahaagii miyaad haysataa?” “Haa baan ku idhi”. Waxa haddana ay  I yidhaahdeen “Waxaa kuu fadhiya janankii yo Maayarkii  iyo dhinac kale oo kugu haysta dhulka, markaa arrinku maanta ha innaga dhammaadee Faylkaaga soo qaado  oo ina keen”. Aniguna waan soo qaatay oo waanu is raacnay kadibna saldhiga dhexe ayaa la igu duway oo gudaha ayaa la I dhigay, weliba  taan kasii xumahay waxa ay ahayd meel aad u kadeedan oo meel qof weyn la dhigo ahayn baa la idhigay”. Ayuu Mujaahid Awoowo yidhi.

Intaa Kadib Maxaa Dhacay?.

Muj. Axmed MAxamed Xasan [Awoowo] waxa uu xog-warankiisan ku faahfaahiyey dhacdooyinkii is xigay ee markii la xidhay kadib lala beegsaday isaga iyo qoyskiisa waxaana uu yidhi “Isla daqiiqadii la I xidhayba  inta gaadhi ciidan ah la soo dhaqaajiyey  ayaa xaafaddii lagu bilaabay. Waxaas oo dhanna maan ogayne markii carruurtaydii gogol ii keeni waayeen  ee ay go’ ii keeni waayeen ee ay biyo ii keeni waayeen baan gartay in ay masiibo dhacday, laakiin miisaanka ay leedahay maan garanayn. 11:00-kii [habeennimo] ayaa la I soodaayay wax dhacayna maan ogayn ee dhexda markaan soo socdo ayaa la ii sheegay, kadib waxaan imi gurigaygii oo dhan walba albaabada iyo daaqadaha ay dabayshu garaacayso oo carruurtii aanu midna ka joogin oo midba meel u baxsaday”.

Muxuu Yeelay Kadib?

“Markii aan imi ee waxa dhacay arkay sidii baan caruurtii midba meel ka dhacay ku soo urursaday,  sidaas ayay wax u dhaceenna oo masiibadu u dhacday oo waxa ay ahayd masaa’ib, masaa’ibkana shaydaan baa ka adeega,  Caruurtaydii laba kamid ahina waa dhaawac oo dhakhtarka ayay immika ku  jiraan, waxase wax aad loola yaabo ah  ilmaha yar ee sagaal jir ah ee gu’gii tobnaad hadda galayay ee la eryaday  dhagaxa uu tuuraa cidna waxba ma yeello, usha uu qof ku dhuftaana waxba ma yeesho qofna, waxaanan aaminsanahay markaan meydkiisii arkay in markii la eryaday ee uu soo jeesta aanay xabbad qudhi ku dhicin ee  baaska lagu furay halkaas wejiga illaa lafta madaxa ay hawada ka baxday. Wax illaa heerkaas [cadaawada] gaadhsiiyey ma  garanayo. Geeridu waa xaq laakiin wejiga loo soo galay reerka ayaanan marnaba ka samrayn. Dhulkan bay noqotay, sharciga waan aqaannaa oo nin weyn baan ahay ee cid igu qabsatay oo igu haysata ma garanayo.

Axmed-japan  iyo Cahdigii  SNM Kaalintuu ku lahaa

Waraysigan oo shalay Weriye Aadan Cabdi Ciidle ka qaaday Muj. Axmed Maxamed Xasan  waxyaabaha kale ee uu ka warsaday waxaa ka mid ahaa doorkii uu Ku lahaa halgankii dib u xoraynta qaran ee SNM hormoodka ka ahayd ee lagula soo noqday sidigtii [xornimadii] fool hallowday 1960-kii, isaga oo ka jawaabay weydiin nuxurkeedu taariikhdaas ku dherernaa waxaa uu yidhi “ taariikhda aan ku lahaa markii uu halkanku bilaabmay, waxaan ahaa madaxa qaybtinta shidaalka ee  wakaalladii Bartoolka, gaar ahaanna waxaan ku jiray guddida tashiilka shidaalka ee gobolka, markaa rag badan oo saraakiil ah oo ay kamid ahaayeen Maxamed Xaashi Lixle, Axmed Maxamed Halac, Ibraahim Koodbuur baanu saaxiib ahayn  oo  isku mejlis ahayn. Markaa 1983-kii bilowgiisii ayaa anigoo wakaaladda Bartoolka ah kamid noqday xidhiidhka gudaha ee SNM. Markaas hay’ad walba SNM cid bay kulahayd, aniguna qaybtii shidaalka ayaan ahaa. Tabobarkaygii rasaastana wallow hore u qabay tabobar oo aan 1966-kii qaatay tabobarkii u horreeyey ciidamadda, oo  Ibraahim Koodbuur baa iigu Macalin Ahaa, Xalane  iyo  Ceel-jaallayaashiiba. Markii aan baxay ee aan SNM galayna waxaan noqday  qaybtii galbeed ee SAHANKA ee xaruntoodu Dibiile ahayd, illaa waqtigaas ilaa markii dalka lasoo galayna sahankii baan ahaa,  oo markii Hargeysa ay ciidammada SNM soo galaysay waxaan ahaa sahankii kasoo horreeyey  oo lix iyo toban nin oo lix ka mid ahi Hargeysa ku qornaayeen baan ahayn, lixdaasna waxaa maanta ka nool [Isaga], Cali Gurey, Khadar Cali Sabayse, Ina Awr-liqe (Cismaan), nin Maxamed-dhako la yidhaahdo oo immika naafo ah oo dibada ku maqan.   Nin Yuusuf Gadhle la odhan Jiray iyo Gacmo-dheere-na way dhinteen, Lixdaas baanu Hargeysa ku qaabilsanayn. Toban-na waxa ay qaabilsanaayeen Waqooyiga, sida Agabar, Laas-dhuurre, Geed-deeble iyo Hora- haadley oo Cadawga laga hubiyo. Tobankaas waqooyigana waxaan filayaa in maanta ay afar ka nool yihiin.

Waa Sidee Dareenkaagu?

“dee nin masiibadaasi ku dhacday waa la garanayaa dareenkiisu sida uu noqonayo waxase igaga daran dawladda waxaas oo dekannooyin ah inta ay gaysatay haddana aan samir iyo iimaan I odhanin ee aanu nin qudhi iiga iman ee ku qanacsan waxa ay samaysay in uu sax yahay. Samir iyo Iimaan alla ha kaasiiyo, waxanina khalad bay u dhaceen wax I yidhaahdo maan arag.  Aniga dalkan nabadgalyadiisa waan ku qasbanahay oo dalkaan u soo halgamay, oo maanta dalku wuu dhalaalayaa halkii awal gidaarrada nuurad laga marin jiray waxaa maanta la mariyaa Muraayad iyo marmar, waxaas oo qurux iyo dhalaal ahna aniga ayaa dhalay oo midhihii halgankayga, inay burburtana ma ogoli. Maanta xaafad walba kulliyad [Jaamacad] baa ah halkii awal hore Xamar loo tegi jiray” ayuu yidhi Mujaahidku waxaana uu intaa ku daray “Sideedaba qoriga looma qaato sokeeyaba ee waxaa loo qaataa Cadawga oo laabta lagag dhuftaa, markaa waxan jecelahay inaan sidii cadowga loola dagaalami lahaa aan shacabka loola dagaalamin, waxaanan farayaa dawladda in ay arrinkaas oo kale ka fiirsato”. Ugu dembeynna mar la weydiiyey waxa uu ka yeelayo khasaarihii naf iyo maalba lahaa ee soo gaadhay iyo cidda uu halkan farriinta uga dirayo waxaa uu yidhi “Wallaahi cid aan kala hadlo garan maayo,  ilmahaygii dhintayna wuu ii saqiiray, belaayo tan ka daranna waan soo arkay, iyaguna [Dawladda]  talo iigama baahna oo waa wada waayeel , iyagaanay u taallaa waxa ay yeelayaan iyo sida ay doonaan ee ay yeelayaan.” Ayuu hadalkiisa ku soo xidhay muhaahidku.

 

COMMENTS
LINKS