WAJAALE NEWS

Xanuunada Ay Keento Buurnidu iyo Sidaad iskaga ilaalin Lahayd Cayilka Ama Buurnida.

Waa maxay cayil ama buurnida xad dhafa ka ahi ?
Hargeisa(wajaalenews)-Cayilka xad dhaafka ahi waa cudur. Waana marka qofka baruurta fara badani korto ee qofka culayskii noqdo xad dhaaf.
Waxa ugu wayn ee keena cayilkan cudurka ah waa qofka oo cuna cunno badan iyadoo dhaq-dhaqaaqisuna yar-yahay.
Cudurka cayilku wuxuu wax yeelaa Wadnaha, Sambabda, Xubnaha Laabma, iyo Lafaha. Cudurka cayilku waxa laga yaabaa in aad is dhaawacdo oo xubnahaaga laabma iyo lafaha wax is yeesho waxaana laga yaabaa in uu ku dilo ood u dhimato.

Sidee laysaga difaacaa cudurka cayilka?
• Adigoo dhaq-dhaqaaqa badiya oo lugeeya, ciyaara kubada cagta, tan gacanta ugu yaraan sedex goor todobaadkii .
• Adigoo cuntada yareysta waliba cuntada nafaqada leh (proteins).
• Ha ka dhergin cuntada kaliya ku gaajo bax markaad gaajo baxdo is kaga kac cuntada.

Samee Dhaqdhaqaaqa Jidhka: (jimicsiga jidhka)
• Lugee! Maalin walba marka aad ugu yar tahay 15 daqiiqo.
• Ciyaar ciyaaraha fudud.
• La ciyaar ama la bardoodan caruurtaada.
• Haraacin wiishka guriga ee kor jaranjarda.
• Baska ka deg hal busteejo ka hor inta aan la gadhin taada si aad u yara lugayso.
• Yaree TVga daawashadiisa oo socsoco marka xayaysiisku soo galo.
• Gaadhiga kaga tag meel suuqa ka fog si aad u lugayso xoogaa.
• U lugee markaad waxyaabaha yar-yar soo iibsanaysid.

Mar kaad dhaq-dhaqaaqa badiyso waxay kaa caawisaa :
• In ay kaa yarayso khatartii cudarada Sonkorta, Wadnah Joogsiga iyo Faaliga.
• Inay debciso xubnahaaga laab-laabma
• Inay xoojiso dhaq-dhaqaaqaga
• Inay kaa ilaaliso lafaha is gala marka dadku gaboobo
• Inay kaa ilaaliso lafaha khafiifa ee dil-dilaaca (osteoporosis)
• Inaad noqoto qof faraxsan oo aan diiqo aheyn.
• Inay kaa dhigto qof isku kalsoon oo hanawayn.
• Inay kaa ilaaliso wel-welka iyo welbahaarka.

Cuntooyinka aad iska ilaalinayso.

Cuntooyinka qaar badan ayaa waxa ay keenayaan in uu jidhku helo baruur ama ay kugu siyaadiso culuyska jidhka.

Dhamaan waxaad iska ilaalinaysaa cuntooyinka leh fatska iyo proteinka oo jidhka siinaya am aka caawinaya in uu helo baruur waana cuntooyinka dhamaan dufanka leh ama baruurta oo ay ugu horeeyaan Caanaha iyo Hilibka iyo dhamaan wixii dufan leh.

 

Exit mobile version