WAJAALE NEWS

WAA KUMA MURASHAXA XISBIGA KULMIYE?

Hordhac

Maqaalkan waxa qoray oo xaquuqdiisa leh Mohamed Hagi Mohamoud. Waxa aan ogolaanshiyo ka haystaa in aan qalinkayga ku qoro

Sameysankii Madasha Wadatashiga 

Wali Mucaaridad xoog badani ma jirto oo si dhab ah culays siyaasadeed ugu keeni kara Xukuumadda Madaxweyne Axmed Silanyo. Ka dib doorashadii aan lagu wada qancin ee dhacday 2012 ee Golayaasha Deegaan Somaliland. Sidaas oo ay tahay haddana sameysankii Madasha oo markii hore isku magacaabay Gole Siyaasadeed waxa ay noqdeen cidii ugu horeysay ee si toos ah uga hortimaada Siyaasadda Xukuumadda. Inkasta oo ay lahaayeen iin wayn oo siyaasadeed, sababtuna ay tahay yaga oo u badnaa rag dan iyo masaalax ay lahaayeen oo ay ka waayeen Xukuumadda ama Ururaddii siyaasadeed ee ay ku doonayeen in Xisbiyo isku badalaan oo aan u soo Biixin. Badidooda marka aad eegto Xukuumadda waxa ay uga horyimaadeen labada ammuurood oo masaalax siyaasadeed ah kaliya, waana ta keentay in qayladooda inta badan dadku aaney tix-gelin badan siin. Lakin dhinaca kale marka aad eegto Xukuumaddu waxa ay u aragtaa culays weyn oo soo fuuley, waxaaney ka qabaan baqasho siyaado ah oo kaliftey in khalkhal gudaha ay ku keento, maantana waa cabsida ugu badan ee haysa, waxa intaa u dheer Cali Guray oo neef qabad ku noqday. Waxa aan sidan u leeyahay cid wal oo xukuumadda ka tirsan oo aan arko waxa ay hadalka ka bilaabaan Cali Guray iyo Madasha Wadatashiga.

 

Siyaasadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE

Madaxweyne Axmed Silanyo kama soo Biixin balantii Xisbiga ay wada galeen ee ahayd in uu ninba meeshiisii ku ekaado. Wallow qolooyinkii laga tagey badidoodu marka laga reebo hogaanka Xisbigu ay weerarka gaadmadda ah ku horeeyeen ee ahaa in sababta looga tagey ay ahayd in aanu Madaxweyne Silanyo caafimaad ahaan fiicnayn. Axmed Silanyo sharci ahaan waxa uu xaq u leeyahay in uu isa soo taago marka ay shanta sano u dhamaato. Laakiin ma doonayaa in uu isa soo taago mise cid kale ayaa dabada ka riixaysa? Tani waa su’aal dad badan oo siyaasadda falanqeeyaa ama dalka u dhuun daloola ay is waydiinayaan. Si kastaba ha ahaatee Silanyo waxa uu dareensan yahay in Guddoomiye Muuse Biixi iyo Maxamed Kaahin ay dagaal adag la galeen xiligii uu doorashadda u cararayey, gaar ahaan doorashaddii 2010. Sababta ay u doonayeen in uu Silanyo waayo doorashadda waxa ay ahayd yaga oo si fiican u dareensanaa in haddii uu waayo aanu fursad kale lahayn oo uu ku soo laabto yaguna si rasmi ah Xisbiga u dhaxlaan.

Waxa kalifayey in ay tan sameeyaan waxa ay ahayd way ogaayeen in aanu Silanyo marnaba talada dalka qaybtooda siineyn, hadhowna uu dib uga eryan doono Xisbiga, isagoo adeegsanaya ciyaalkiisii siyaasadda uu ku soo darsadey oo ay labada Mujaahid si fiican u ogaayeen. Siyaasadda Madaxweyne Silanyo ee maantu waa wajiyo badan marka ay noqoto Xisbiga KULMIYE, waxaana is garab yaala laba arrimood oo ay mid uu dhaboobi doonto. Waa ta hore e, Madaxweyne Silanyo ma kaga dhabeyn doonaa siyaasadda ku fadhida in uu ka takhaluso labada Mujaahid? Taasi hadda miyaaney adkayn oo aaney noqoneyn in uu Xisbigu burburo gabi ahaantiiba haddii uu sidaa ku adkaysto, marba haddii uu hore u tijaabiyey oo ay dhawr jeer ka fashilantey. Arrinta kale marba haddii ay doorashaddii dib u dhacdey in uu la heshiiyana ay qasab ku tahay si muddo kordhintu ugu suurowdo, tani ma noqon doontaa mid heshiis dambe oo ay isku aaminaan Madaxweynaha iyo labada Mujaahid uu ka dhalan karo? Akhriste labada ammuurood waxa ay ku xidhan yihiin kaliya ma aha Madaxweynaha ee waa cida haysa mafaatiixda Madaxweynaha oo yeelsiin karta ama diidsiin karta sida Xisbiga dantiisu ku jirto.

 

Siyaasadda Muuse Biixi                                             

Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu kaga duwan yahay dhamaan siyaasiyiinta hadda joogo, marka laga reebo Cabdiraxman Cirro iyo Gaboose hanka joogtada ah iyo hamadda in uu dadka iyo dalka hogaamiyo. Arrintani ma aha mid dhib yar, waxa jira siyaasiyiin badan oo mudakar ah aqoon iyo karti ku filan haysta, lakin nasiib daro uu ka maqan yahay hanka wax doonista (Political Ambition). Inkasta oo siyaasiyan hanka sadexdan siyaasi isku mid yahay haddana waxa ay ku kala gadisan yihiin habka iyo farsamadda siyaasadda loo maro (Political Strategy) oo ah farsamadda guusha soo dhaweysa. Hase yeeshee taa u galimaayo waayo mawduuca maqaalku kuma saabsana arrintan. Guddoomiye Muuse Biixi waxa uu si fiican u fahmay siyaasadda Madaxweyne Silanyo oo uu muddo soo hoos joogay, waxa kale oo si fiican u bartay caruurta siyaasadda u fulisa Madaxweynaha oo badhkood hoos ahaan ula shaqeeyaan una keenaan warka intiisa nuxurka ah. Waana halka uu Muuse ka liici la yahay waayo waxa uu og yahay arrin wal oo Madaxtooyadda laga soo jaro, si kasta oo xadhkihiisa la iskugu dayey in la jaro, Muuse waa uu liici laayahay. Waayo waxa ay is hayaan waa dawlad ma aha shakhsi caadi ah. Haddana waa ay inoo muuqataa in uu wali isagu Xisbigii ka talinayo. In uu Madaxweyne Axmed Musharax noqdo waxba kama qabo Muuse waayo waa uu ogyahay in uu Axmed Guuleysanayo haddii ay ku tartamaan isla markaana uu khatar galin karo kursigiisa. Lakin waa mihim ah in aynu fahamno in aan cid aan Madaxweyne Silanyo ahayni aaney Muuse Xisbiga KULMIYE dhexdiisa kula tartami karin si walba haddii ay noqoto, aan ka ahayn in gabi ahaanba uu Xisbigu burburo. Wabilaahi Tawfiiq.

 

Dhamaad

ALLAA Mahad & Mudnaanba leh,

TELL: 063-4000578

(SIYAASI MADAX-BANAAN)

AHMED RASHEED

HARGEISA SOMALILAND

 

 

Exit mobile version