Bismilah.
#Somaliland waxay u bahantahay farsamo yaqaan!
Bari baryaha kamida ayaa waxa shaqayn waayay mishiinkii ugu waynaa ee warshad kamida warshadihii dalka, Mulkiilayaashii warshada ayaa iskuugu yeedhay dhamaan farsama yaqaan kii magaalada lakin waa la wayay cid hagaajisa,
xili quus la joogo ayaa waxa la sheegay inuu magaalada ku noolyahay nin odey ah oo waligiiba farsama yaqaan ahaa oo aan waxba baran,
mulkiilayaashii waxay dalbadeen in ninkaa la keeno, waana looyeedhay waanu yimid xiligii loo baahnaa.
siduu u socday wuxuu dultagay machine kii xumaa, alaabyar oo uu sitay ayuu dube kala soo baxay machine kii ayuu ku foorarsaday laba jeer ayuunu ku dhuftay, wax walbana sidii la doonayay ayay noqdeen, siday wax u dhacayaana waxa eegaya mulkiilayaashii.
ninkii wuxuu usoo gudbiyay biil ah $10,000.
Way xanaaqeen waxay ku yidhaahdeen fadlan biilkaaga ku soo muuji alaabtii aad ka badashay iyo wixii kaagalay kharash,
aayar ayuu qaaday, wuxuna kusoo qoray sidan
#ku_dhufashada_dubaha $1
#Garashada_meesha_dubaha_lagu_dhufanayo $9,999
Udeedada sheekada aan uga socdaa waa
(Somaliland waxay ubaahantahay nin garanaya meesha dubaha lagu dhufto Afartan Mujahid maaha, horumar iyo wax wada qabsi ayay u baahantahay iyo waliba midnimo)
Mahadsanidiin
Abdirahim Midnimo