|
|||||
WAJAALE NEWS
Qarax Ka Dhacay Safaarada Talyaaniga Ee Magaalada Qaahira.
July 11, 2015 - Written by Editor:Qaahira (Wajaalenews)-Qarax xoogan ayaa ka dhacay banaanka hore ee safaarada dalka tayaanigu ku leeyahay magaalada Qaahira ee dalka Masar,Qaraxan ayaa sababay dhimashada Hal qof halka dad kalena ay ku dhaawacmeen. Saraakiisha ammaanka ee dalka Masar waxay sheegeen in qararaxa uu gaystay baabuur bam lagu xidhay, kaasi oo khasaaro weyn u geystay banaanka hore ee dhismaha. Dowladda Talyaaniga ayaa sheegtay in aanay oggolaan doonin in loogu cagajugleeyo weerarka.Dadka dhaawaca ah ayaa waxa ku jira booliis ilaalo ka hayay goobta. Ciidamada ammaanka ayaa waxaa si joogto ah u weerarra kooxo hubeysan tan iyo markii la afganbiyay Madaxweynihii Islaamiga ahaa Maxamed Morsi, sanadkii 2013.
Related posts:DAAWO; Gudidii Nabadaynta Beelaha Koonfurta Gobolka Sool Oo Ka Hadlay Dagaalka Dib Uga Soo Cusboonaa... DAAWO : Xildhibaan Ibraahim Axmed Haybe Oo Si Adag Uduray Gudoomiyaha Xisbiga Wadani Cirro Sheegayna... Xeerka Tamarta Somaliland Xeer No;18/2018 Iyo Habraaca Uu Dhigayo In Loo Soo Magacaabo Komishanka Ta... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|