|
|||||
WAJAALE NEWS
Liiska 20 Kooxood Ee Aduunka Ugu Lacagta Badan Iyo Sida Ay u Kala Horeyaan.
July 15, 2015 - Written by Editor:Hargeisa(wajaalenews)-Liiska 20 kooxood ee aduunka ugu lacagta badan oo ay soo saartay Forbes oo qiimayn ku samaysa arimaha dhaqaalaha aduunka ayaa soo saartay qiimayntii ugu danbaysay ee kooxaha aduunka ugu qiimaha badan, waxaana booskeeda kowaad sii xejisatay kooxda Real Madrid oo sanadkii saddexaad oo xidhiidh ah qiimayntan kaga jirta kaalinta ugu saraysa. Real Madrid ayaa qiimaynta Forbes ee dhaqaalaha kaalinta kowaad kaga jirtay tan iyo sanadkii 2013 kii markaas oo ay kaalinta kowaad kala baxday kooxda Machester United. Hantida Real madrid ayaa lagu qiimeeyay 2.87 billion Yuro, waxayna Real Madrid wax yar ka saraysaa kooxda ay sida wayn u xifiltamaan ee Barcelona. Barcelona oo qiimayntan kooxaha kubbada cagta kaalinta labaad kaga jirta ayaa hantideeda lagu sheegay inay tahay 2.78 bilyan yuro.Barcelona ayaa lacagtii abid ugu badnayd ee ay koox kubbada cagta ahi hesho soo gashay sanadkan ugu danbeeyay oo ay ku guulaysatay saddexdii koob ee ay u tartamaysay.
Kooxda Manchester United ayaa kaalinta saddexaad ku jirta iyada oo hantideeda lagu sheegay inay tahay €2.73 bilyan yuro. Inkasta oo ay Man United kaalinta kowaad hore ugu jirtay saddex sano ka hor ayay hadda kaalintta saddexaad kaga jiirtaa qiimayntan ugu danbaysay ee Forbes.Waxa kale oo qiimayntan 20 ka kooxood ee ugu sareeya ku jira 8 kooxood oo horyaalka Ingiriiska ah.
1.Real Madrid €2.87 bilyan yuro Hargeisa Office Wariye Abuu Maxfuud
Related posts:DAAWO; Gudoomiyaha Xuquuqal Insaanka S/land Oo Booqday Maxaabiista Laga soo Qabtay Maamulka Somaliy... Daawo Akhriso Sawirada Xaflada Ururka Dhalinyarada ee Beesha Subeer Awal Ku canbaareeyeen Xadhiga Gu... DAAWO;-Wafti Culus Oo ka Socda Dalka Eritrea Oo Maanta Si Diiran loogu Soo Dhaweeyay Caasimada Soma... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|