Jimicsigu Wuxuu Kaalin weyn Kaga Jiraa La Dagaalanka Balwadaha Iyo Helitaanka Caqli Wanaagsan. Wasiir xirsi | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Jimicsigu Wuxuu Kaalin weyn Kaga Jiraa La Dagaalanka Balwadaha Iyo Helitaanka Caqli Wanaagsan. Wasiir xirsi
July 15, 2015 - Written by Editor:

“Dhiirigelinta Dhalinyaradu waa Mudnaan Muhiimad weyn leh”

Waxaa farxad ii ahayd in aan shalay boqolaal dhalinyaro ah kala qaybgalay dhamaadka tartan kubada cagta ah oo ka socday garoonka Xawaadle ee Caasimada Hargeysa.

ww

Hadaba, kahor intii aanu bilaabmin kulanku ayaan dhalinyarada kala hadlay muhiimada cayaaraha iyo sida jimicsigu uu kaalin wayn uugaga jiro dhismaha jidhka iyo dabcan caqliga qofka waxaanan sidoo kale isla garanay in sunaha kubadu tahay in maalina guushu ku raacdo maalina walaalkaa raacayso ee aanay ahayn cadaawad iyo colaad.

Waxaan aaminsahay in qofka dhalinyarada ah ee isticmaala jimicsiga iyo spoortiga qaybihiisa kala duwan uu marwalba ka caqli iyo jidhba wanaagsan yahay qofka isagu ku mashquula balwadaha noocyadeeda kala duwan.

 

Intii kulanku socday ayaad arkaysay dhalinyarada oo soo bandhigaya farsamooyin iyo xirfado aad u heersareeya sidoo kalena muujiyey bislayn spoorti oo aad u soo jiidanayey dhamaan daawadayaashii soo buux dhaafiyey garoonka.

Waxaan sidoo kale bogaadinayaa dhalinyaradii soo qabanqaabisay wareegan mudada badan socday oo runtii muujiyey dhabar adayg iyo masuuliyad dheeraad ah waana astaan wanaagsan oo muujinaysa hogaamin wanaagsan,

Dhiirigelinta iyo barbar joogida dhalinyaradu waxay muhiimad weyn kaga jirta xukuumada tallada haysa sidoo kale in loo sameeyo qorsheyaal horumarineedna waa mudnaanta dawlada.

 

Dhalinyarada Somaliland meel ay joogaanba waxaan u rajaynayaa mustaqbal iftiin badan.

 

Wa Bilaahi Tawfiiq

COMMENTS
LINKS