WAJAALE NEWS

Xigashada Xuquuq Sii;Qalinkii Maxamed Sadiiq.

Xigashada Suugaan, qoraal iyo sawir nooc kasto ka mida hadaanad curin oo aanad caddayn xaggaad ka keentay qaadashadeedu waa xatooyo, hanti kasta oo aanad lahayn qaadashadeedu siday tuugo u tahay ayaa hibo curineeda la xadaana tuugo u tahay, sida xoolaha marka cidaan lahayni u qaadato loo yidhaa habbel waa tuug, ayaa hibooyinka curineed ee qofkale maankiisa kasoo maaxata qaadashadeeduna ay u tahay tuuganimo, ma sahlana denbi yarna maaha xatooyada fikirada maskaxaha dadka  kasoo fula hadaan la xusin oo aan la siin xuquuq xigasho denbi iyo gef yar maaha, dalkeenase danbi iyo gef midna kama aha waa xalaal mubaaxa markaad eegto sida aan xil laysaga saarin ee aan qofka ku kaca loo waajib marin wayse iman ayaan lays xisaabshaa.

Waxaan uga socdaa  mareegaha bulshadu wax ku qorto waxaad ku arkaysaa qormooyin iyo qoraalo qof xuquuda curinteeda lahaa oo qof kale magaciisa ku  muuneeyay, hadda waa qoraal dhan oo ciwaanka laga bedelay oo la kordhigay ciwaankale, oo qof xaday hantidiisi ka dhigtay magaciisina far waawayn ku xardhay.  Tuugadaasi way badantahay waxa jira dad aan uba aabbo yeelin oo waxay ka helaanba xafsiiya oo la booba markiiba magacooda una dira mareegaha maanto dhana dadku leeyiihn hebeloow waxaad qortay qormo belo ka dhacday cajiibsanidaa iga walle ishaad ka riday oo halkeedad dhigtay.

Suugaantu way hadal daysay oo lama kala laha maxaa hees la sitaa maxaa gabay la sitaa, maxaa maanso la sitaa, hadda ciddi curisay qaarkooda markaad dhadhamiso midhaha qabbay kugusoo odhanayaan oo xasuustaadu judhiiba way soo tuuraysaa, haddana ninkii soo dhigay maxaa ammaan nooceed ku dhacaysa.  Alla hebel abwaan weynbaad noqtay, eeshcalaa hees, waad ka baxsatay saaxiib, xishood maba jiro oo hal mar qofkaasi odhanmaayo anniga maaha ee waan soo xigtay. Marka sidaa xaal yahay  ee qofna aanu sheegayn xigashada  saw xatooyo maaha oo tuug qofka sidaa yeelay maah. Haa waa tuug afar kaboole ah oo aan ixtiraamin xuquuqdii walaalkii, ma jeceshay In aqalkiina la xado oo tuug gurto alaabta u mihiimsana, hubaashii ma jeclid, hadaba qoraal la xado amma fikir la qaatan wuxuu la mid yahay sida aqalkiini oo la xaday, u damqo sida aad uga damqato hantidaada oo la xadaayo.

Shalay galabay ahayd markaan anigoo casarkii mushaaxaya bartayda facabook-ga aan si lama filaan dhaayaha ugu dhuftay qormo aan tiraba saddex jeer akhriyay oo aan ku saddex jeer noqday xiisaheed, hab dhigaalkeeda macnaheeda iyo hufnaanteeda aan arkay wiil magacii ka bedel oo qormadii dhamaanteed wada xaday, qormadu waxay ahayd sheeko faneed uu curinteeda leeyahay Ibraahin Hawd qoraaga qalinka tolmoon, amakaag weynaa bal amuurtan daya waxaan aad ula cajabay sida ninkaasi u fadhataystay xuquuqda qalinkaa, macnaha dulucda erayada iyo boggaga  ay ka koobantahay sheekadu waa tii uun waxb isama asal doorin, waxa keliya ee la bedelay magaca qoraha iyo ciwaanka sheekada. Waxaanu u waraystay si walalnimo wiilkii anigo damqaday kana xun sida wax u dhaceen iyo xuquuqda qoraalka la duudsiyay ismuu dhibin ee si kooban wuxuu iigu hal ceshay “ qoraaladu way isku eekaan karaan waxa laga yaaba qoraalkan aad sheegayso iyo kaygani inay isku eegyhiin laakiin sheekadan anna leh saaxiib” cajiib hada waa isku mide garo qorlaakan uu yidhi kayga ayay isu eegyihiin,  si aan hiif ku jirin waxaan ugu sheegay qoraal aanad lahayn hadaad xigato inaad xusto halka aad ka keentay iyo cida aad kasoo ergisatay ayaa sharafta iyo wanaagu ku jiraa  oo adna lagugu dhawrayaa xuquuqdaada.

Haddi xaal sidaa kusii socdo oo xatooyada curintu badato cidna aanay waxba iska waydiin oo aan laba odhan qofka waxaanu lahayn sita waar xageed kasoo qaaday ee aad kasoo xadday, maxaa u diidaya qaar badan oo aan ilaalin xuquuqda qoraalka inay qaatan buuggagta maktabadah toonsan ee aynu hadda wada garanayani qorayaasha qoray, suurogal miyaanay ahayn in Baraarug “ Buug saddam Carab qoray”  la qaato oo cid kale sheegato, haa way dhacaysaa shaki la’aan haddi xaal sidaa sii ahaado oo aan la samayn wacyigelin iyo xakame lagu joojiyo xatooyada xuquuqda talo farahay ka baxaysaa.

Kobta sartu ka qudhuntay waa Facebook-ga waxaad mooda inaan waxba lakala lahayn, heeseey, gabooyow, maansooy, qoraaloow iyo halku dhig lama kala xigo, wajahad kasta waxa teedsan boqolaal curimood oo cid kale leedahay alle ha sahlo arinku waa khatar, nafayda iyo barbaarta kaleba waxaan ku waanin lahaa “xigashadu xaaran maaha oo waa lakala qaata qormooyinka manfaca leh, waxase xaaran iyo tuugnimo ah inaad qaadato hibo curineed aanad lahayn oo aad sheegato kuna faanto qoraalkeeda” gunnimo ka weyni ma jirto inaad xusi kari waydo xuquuqda qoraal aad xigatay waa badawnimo iyo maangaabnimo, dunida ilbaxa ah waa laga xishooda in qofku sheegto waxaanu lahayn inana waa wax iska caadiya.

Farta ku fiiq oo sheeg hadaad aragto qormo ama curin cidaan lahayni adeegsanayso, haka aamusin sawir qofka qaaday aan la xusin oo cid kale adeegsanayso  cadde oo toosh ku qabo tuuga qaata hanti aanu lahayn, waxaan jeeda qofka aan caddayn xigashada halka uu kasoo qaatay ee quudhi waaya inuu xaq siiyo walaalkii, marka aynu ku qaylino ee aynu nidhaa hebeloow tuducyadaa aad sidato ama qoraalka aad qaadatay hebelbaa leh ee xus waxaynu ka badbaadi doona dulmigaa hiilka waayay waxaanaynu baran doona xigashada haboon sida dunida ilbaxday ee asaageen maandhoow.

Mareegaha wararka qarkood waa kuwa u daran, waa isku wada war, isku wada faalo waxaad mooda in wariye kaliyi u shaqeeyo, hadda inanbaa ku dhabar jabay oo laba bas u raacay una qado seegay warkaa wada teedsan mareegaha ma arkaysid mid mid mooye meel la leeyahay waxaanu ka xiaganay  habel, miyaanay niyad jab ahayn maantoo dhan waraysigii inanku daba xiimayay ee masuulka laga qaaday tododbada jeer u jaray mareegta ku qoraysa war deg-dega. Haa waa tuugaysi badheedha oo aan laba qarsanayn lagana qajilayn intooda badani mareegaha waxay usoo kalahaan xadista mareegaha kale, tuugaan u aqaan kolhaddi aan la xusin wariyaha xogta soo qaaday. Dhaliisha ma wada laha alle ha barakeeye mareego badan oo ilbaxaa jira, kollayba warka waa la akhriyaya oo waad soo gudbisay maxayse ku jaban hadaad gabagabada ku qorto halkaad ka keentay xogta.

 

Maxamed Sadiiq.

Exit mobile version