|
|||||
WAJAALE NEWS
Xeer Ilaaliyihii Guud Ee Dalka Masar Oo Maanta Qarax Lagu Dilay.
June 29, 2015 - Written by Editor:Qaahira(Wajaalenews)- Wararka laga helayo magaalada Qaahira ee xarunta dalka Masar ayaa shaagaya in Xeer ilaaliyihii Guud ee wadanka Masar Hisham Barakat lagu dilay qarax ka dhacay magaalada caasimadda ah Qaahira. Xeer ilaaliyihii Guud ee wadanka Masar Hisham Barakat ayaa qarax lala beegsaday isagoo maraya meel u dhaw kuliyad Boolis oo ku taala degmada Heliopolis ee magaalada Qaahira, kadib markii qarax xoogani haleelay gaadhigiisa. https://youtu.be/6eo4xo4iXZE Wasiirka caddaaladda Masaarida Ahmed al-Zind, ayaa wakaaladda AFP u xaqiijiyay geerida xeer ilaaliye Barakat oo qaraxa dabadii cisbitaalka loola cararay.
Hisham Barakat ayaa dhowr jeer oo hore loo diray farriimo hanjabaad ah, iyadoo lagu eedaynayo xukunadda uu inta badan uu ku soo oogo dadka ka tirsan xarakada Ikhwaanu Muslimiinka Masar ,ma jirto cid sheegatay ama lagu eedeeyay qaraxaasi lagu diliy xeer ilaaliyaha guud.
Hisham Barakat ayaa xilkaasi loo magcaabay markii xukunka laga tuuray madaxwayne Maxamed Mursi, militariguna ay la wareegeen maamulka dalkaasi, wakhtigii uu xilka hayay xeer ilaaliyaha Masar Hisham Barakat,waxaa uu xukumay kiisas badan oo la xidhiidha ururka akhwaanul muslimiin iyo dilalka lagu xukumay saraakiishii ururkaasi oo uu ka mid yahay madaxwaynihii hore Maxamed Mursi.
Related posts:Xisbiga Waddani Oo si Diiran Loogu Soo dhaweeyay G/gabiley Iyo Tageerayaal Ka soo Diga Rogtay Xisbul... DAAWO; Xukuumada Iyo Asxaabta Mucaaridka ah Oo Ka Dareen Celiyay Go,aamadii Kasoo Baxay Shirkii Naba... Dawladda Ingiriiska Oo Muwaadiniinteeda Uga Digtay Inay Ka Qayb-qaataan Colaada Ka Taagan Gobolka So... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|