WAJAALE NEWS

Waxaan Ku Xusuustaa Shirkii Ururka SNM Ee Magaalada Bali Gubadle Iyo Sidii looga eryey Axmed Siilaanyo;MUJ Cali Xaraaro

Sanadkii 1990 bishii Ramadaan waxaan ku xusuustaa shirkii ururka SNM ee ku qabsoomay magaalada bali gubedle iyo sidii loo eryey ama lagaga xayuubiyey axmed siilaanyo xilkii jeer maanimada ururkii SNM. Tiro ku dhow shan boqol oo ergey ayaa ka qayb galay shirkaas axmed siilaanyo oo aanay maskaxdiisa ku jirin xilka ayaa lagaa qaadi doonaa ayaa iska yimi bali gubedle isla saacado gudahoodba wuxuu ogaadey arinka meesha loo fadhiyaaba inuu isaga yahay ka dibna wuxuu markiiba bilaabay shaqadii uu yaqaanay oo ah reer hebel reer hebel ku dhufo iyo hebel hebel ku dhufo hase yeeshee waxba way uuga socon waayeen sababtoo ahayd labadii garab ee uu axmed siilaanyo u kala qaybiyey ururkii SNM ayaa ku heshiiyey xil ka qaadista axmed siilaanyo una arkay sida qudha ee lagu bedbaadi karaa inay taa tahay hadii kale inuu xaalku kasii xumaan doono marka la eego dhibta iyo kala fogaansha ururkii SNM ayey ka muuqatey bur bur iyo kala yaac ku yimaada ururkii SNM haduu axmed siilaanyo sii joogo intaas ka dib labaatan nin oo iskugu jirey odayaal aqoon yahano saraakiil ayaa loo saaray axmed siilaanyo iney ku qanciyaan inuu xilka iska casilo geed hoostii ayey uugu yeedheen axmed siilaanyo waxaanay u sheegeen shantaa boqol ee qof oo weliba soomani waxay halkaa u fadhiyaan inay tahay inaad iska casisho xilka jeer maanimada ururka SNM waxa kaloo ay raaciyeen maadaama hooyada iyo aabaha dulcad iyo daroor wadhani ay aaminsan yihiin intaad adigu xilka hayso inaanay gurya hoodii dib uugu noqoneyn sidaa awgeed inaad ka tagto ayaa haboon dabeeto axmed siilaanyo wuxuu yidhi waayahay laba cisho isiiya diriba dhaba ayaan kasoo noqonayaa ka dibna waa laga diidey oo waxa loo arkay inuu baxsanayo ereyadii maalintaa axmed siilaanyo lagu yidhi waxa ka mid ahaa hadaad naga aqbali weydo sidaa aanu kaa dalbanay intaanu ku xidh xidhno ayaanu siyaad bare kuu geyn si fiicana haloo wada jabo dabeeto axmed siilaanyo markuu arkay halka xaal marayo wuu aqbalay is casilaadii waxaanu kaga dhawaaqay shirka dhexdiisii intaas ka dibna waxa la bilaabay tartankii doorashada waxaana la doortay AHN Cabdiraxmaan Axmed Cali oo noqday jeer maankii ururkii SNM iyo ku xigeenkiisii Xasan Ciise Jaamac dadku kala ayaan roone bishii Ramadaan ee ku xigtey dalkii ayaa la xoreeyey dadkina guryahoodii ayey u hooydeen somali land oo xora ayaa lagu soomay sidii dadku rumays naayeena way noqotey ku darsoo gudoomiyaha shirku wuxuu ahaa Muuse Biixi Cabdi Faras oo harta sheekha ka cararay laba iyo toban biloodna degenaa bali gubedle xaalad nabad gelyadiisa awgeed ahayd ayuu halkaa u joogey isla markaana dhinaca siysaada si aad u xun ayey iskaga soo hor jeedeen isaga iyo axmed siilaanyo

Exit mobile version