WAJAALE NEWS

Sheekh Saleebaan Quraankii Ma Qaaciga (Heesaha )Ayuu Ku Doorsaday? (Qaybtii 1Aad)

Uma aan qaadan qalinka in aan cid ku sharaf dilo ama se wax aan jirin ku sheego.

Waxa se aan u qaatay wixii qallooc jira ama qaladaad muuqda in aan ku iftiimiyo si turxaan la’aan ah.

Waxa ay ahayd uun habeen hore markii aan furay fiidyawga guriga si aan u daawado ‘warkii 10-ka Habeenimo’ waxaa igaga soo baxay shaashada munaasibad socota oo lagu daah-furayo dhismaha shaybaadhka sifaynta shiidaalka, Haddiiba aan yara daawaday si aan bal u fahmo munaasibaddu waxa ay daaran tahay, cidda qaban-qaabisay iyo dulucda ay xambaarsan tahayba.

Waxa aan gar-waaqsaday ama se aan fahmay in ay tahay munaasibad lagu hawllanaa habeenno iyo dharaaro badan. Waxa aan yaqiinsaday in ay tahay xaflad la galiyay dhaqaale aad u badan iyo tamar dheeraad ah. Waxa ii soo baxday in ay tahay munaasibad la micno guuriyay.

Waxa aan arkay oo dareemay in ay tahay xaflad soo saartay shakhsiyadda dhabta ah ee Sheekh Saleebaan !

Akhriste marka aan ku leeyahay shakhsiyadda dhabta ah ee Saleebaan, ma aha micnaheedu in aan dhaleecaynayo balse inta ogaalkay ah Saleebaan wuxuu ka mid ahaa Culimada Magaalada Marsada ah ee Berbera , waxaana wadanka iyo dibaddiisaba jooga arday badan oo uu baray quraanka Kariimka ah,  isla xilliganna waxa magaalada wali ku taalla madarisadii uu dhalinta quraanka ku bari jiray. geesta kale wuxuu kamid ahaa Culimada gasha dacwadaha diiniga ah iyo culimada tujisa masaajidadaba, aniga laftigaygu waxa aan daawaday isaga oo salaad jimce tujinaya wefti Madaxweynuhu hogaaminayo,  hadaba su,aasha is waydiinta mudan ayaa waxay tahay: haddii Sheekh Saleebaan ku tilmaamsanaa wadaad haya Shaqo tii ugu wanaagsanayd, oo ah in uu dadka baro kalaamka Alle iyo Rasuulkiisa (SCW)  Maxaa Maanta ku Kallifay in uu Dalbado Fannaaniin Soo bandhigta Heeso?

La Soco Qaybta Dambe…………………..

Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

Email: Liibaanhanad79@gmail.com

 

Exit mobile version