|
|||||
WAJAALE NEWS
Madaxweyne Siilaanyo Oo Laba Safiir U kala Magacaabay Dalalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta Iyo Shiinaha
June 30, 2015 - Written by Editor:WAR-SAXAAFADEED Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-3383/062015, ku magacaabay laba danjire oo cusub, Somaliland u fadhiyi doona Dalalka China iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Madaxweynuhu:- Markuu Arkay: Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (r) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markuu Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiiladda Somaliland u fadhiya dalalka dibaddu u leeyihiin dhismaha Qaranka; Markuu Arkay: In baahi loo qabo magacaabista iyo buuxinta jagada Wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalalka China; iyo Isu-tagga Imaaraadka Carabta. Markuu Ka Fiirsaday: Kartidooda, aqoontooda iyo hufnaantooda shaqo; Markuu Ku Qancay: In ay hanan karaan xilkan loo magacaabay; Wuxuu go’aansaday In Mudane, Cabdi Maxamuud Saleebaan Ciise (Mingiiste), laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka China In Mudane, Baashe Cawil Cumar, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya Dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta. ALLAA MAHAD LEH Axmed Saleebaan Maxamed (Dhuxul) Related posts:Siyaasi Cabdiraxmaan Cadami oo Ka hadlay isbedelada Siyaasadeed ee ka Socda Wadamada Geeska Afrika i... Rabshado ka Dhacay Garoonka Ciyaaraha Magaalada Burco Oo Sobobay Dhimashada Hal Askari Iyo Dhaawaca ... Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada Jsl Oo Soo Saaray Wareegto Uu Ku Joojinayo Bixinta Ruqsadaha Dugsiy... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|