laba Askari Oo ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Isku Dilay Jiida Hore Iyo Dilalka Ciidanka Dhexdiisa Noqday Tusbax Furtay. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
laba Askari Oo ka Tirsan Ciidanka Qaranka Oo Isku Dilay Jiida Hore Iyo Dilalka Ciidanka Dhexdiisa Noqday Tusbax Furtay.
June 22, 2015 - Written by Editor:

LAASCANOD(Wajaalenews) Askari ka tirsan ciidanka qaranka jamhuuriyada soomaaliland ayaa dil tooagasho ah ku dilay askari ay isu guuto ahaayeen. labadan askari ayaa ka tirsanaa saldhiga todobaad ee magaalada laascaanood ee xarunta gobolka sool.

Taliye shaqale

falkan dilka ah ayaa dhacay maanta galinkii hore wararka aanu ka helayno dhacdadan ayaan wali aanay noo suurtobin in aan helno magaca marxuumka iyo askariga dilka gaystayba

dilkan ayaa sida wararku sheegayaan ka dhashay maron labadan askari dhexmaray

Arintan ayaanay wali ka hadal masuuliyiinta ciidanka qaranka ee jiida hore iyo maamulka guudba

Dilalka ka dhex dhacaya askarta ciidanka qaranka ayaa mudooyinkii u danbeeyay noqday wax aan xadidnayn iyada marba marka kasii danbaysa ay kasii darayso cadaawada ka dhex aloosan ciidanka qaranka taasi oo hadii wax laga qaban waayo noqon doonta mid saamayn wayn ku yeelata guud ahaan daganaanshaha soomaliland.

Tan iyo markii xilka uu la wareegay tiliyaha ciidanka qaranka soomaliland GEN, Ismail Shaqale ayaa waxaa kasii darasay xaalada ciidanka qaranka iyada oo uu lakawsaday ciidanka qaranku dabeecad aan hore loo arag tan iyo intii ay isbadalayeen taliyayaashii soomaray ciidanku.

dabeecadan ugubka ah ayaa ah in askartu noqdaan kuwo dhexdooda isu beegsanaya taasi oo inta badan keenta inay is toogtaan.

xaaladan uu ciidanka qaranku galay ayaa sumcad xumo iyo dhabar jab ku noqonaysa Haykalka dawlad nimo taasi oo lid ku ah hadafka ciidanka ee ah in ay difaacaan wadankooga una horseedaan bulshada dhawrsanaanta dawlad nimo.

dilalka ciidanka dhexdiisa ayaa kowsaday dilkii foosha xumaa ee labada sarkaal loogu gaystay deegaanka qorugulud taasi oo aan wali lahayn askarigii gaystay waxaana dilkaa dabadii dhacay ilaa shan dil oo kale dhamaana aan wax talaabo ah laga qaadin

Todobaanka gudihii ayay ahayd markii dil nooca oo kale ah loogu gaystay midka mida saraakiisha ciidanka qaranka ee magaalada ceerigoobo

isku soo wada duub oo taliye shaqale ayaan wali wax talaabo ah ka qadin dilalkan ciidanka qaranka kusoo noqnoqda. halka madaxwayne siilaanyo uu umuuqdo madaxwayne ka seexday kuna fashilmay u kuurgalida ciidanka qaran oo iyagu ah difaaca qaranka marwalba heegan ugu jira ilaalinta cadawga somaliland

 

LASCAANOOD OFFICE

WAJAALENEWS DESK

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

 

 

 

COMMENTS
LINKS