Kulan Xasaasiya Oo Dhexmaray Madaxdhaqameedka Gobolka Gabiley Iyo Gudoomiyaha Xusbiga Wadani+R,Gabiley oo Qaaday Jidkii Mucaaridada.Maxayse ka Yidhaahdeen Ansixinta G,gabiley | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Kulan Xasaasiya Oo Dhexmaray Madaxdhaqameedka Gobolka Gabiley Iyo Gudoomiyaha Xusbiga Wadani+R,Gabiley oo Qaaday Jidkii Mucaaridada.Maxayse ka Yidhaahdeen Ansixinta G,gabiley
June 9, 2015 - Written by Editor:

Bulshada Reer Gabiley Oo Lafilayo in Ay Mucaaridadii Ugu Adkayd Kala Horyimaadaan Xukuumada Siilaanyo Iyo ,Madaxdhaqameedka G,Gabiley& Hogaanka Xusbiga Wadani Oo Shir Xasasiya Yeeshay.kana hadlay sidii loo ansixin lahaa gobolnimada Gabiley

HARGAYSA(Wajaalenews) Madaxdhaqameedka Gobolka gabiley oo kulan layeeshay Hoganka xusbiga wadani iyo shacabka reer gabiley oo qaday jidkii mucaadinimo.

kulankii madaxdhaqameedka gabiley iyo wadani (1) kulankii madaxdhaqameedka gabiley iyo wadani (3)

Madaxdhaqameedka gobolka gabiley oo uu hogaaminayo Suldaanka Guud ee gobolka Gabiley Suldaan Ismaaciil suldaan cabdiraxmaan ayna weheliyaan cuqaasha waxgaradka iyo badi hogaanka dhaqanka ee gobolka gabiley ayaa maanta kulan qado sharafa layeeshay Gudoomiyaha  xisbiga mucaaridka ah ee wadani ahna gudoomiyaha Golaha wakiilada kulan oo aan warbaahinta loo ogalay ayaa wuxu ka dhacay huteel MAANSOOR

 

ILO xogo gaal oo u dhuun daloola kulan kan ayaa wajaale news U xaqiijiyay in kulanka qado sharaftu  ahaa kulan hordhaca looguna gogol xaadhayo  sidii  bulashada reer gabiley ugu soo digi rogan lahaayeen xisbig WADANI

Madaxdhaqameed ayaa gudoomiyaha Golaha wakiilada ahna G, xusbiga wadani kala hadlay Ansixinta Gobolnimada gabiley oo xukuumadu ku fashilantay

kulankii madaxdhaqameedka gabiley iyo wadani (4) kulankii madaxdhaqameedka gabiley iyo wadani (3)

Waxa kale oo ay hogaanka dhaqanku xusbiga wadani u sheegeen in hadii ay ka shaqeeyeen gobolnimada gabiley  xisbiga wadani haysto golihii hawshani u taalay

Reer gabiley ay ku qiimayndoonaan hada sida ay uga hawlgalaan arintaa

Dhanka kale gudoomiyaha golaha wakilada ayaa soo dhaweeyay sidii looga shaqayn lahaa ansixinta gobolnimada gabiley iyo Taageerada  uu ka filayo reer gabiley uu ku tilmaamay in ay yihiin jidkii guusha.

 

Qaban qaabada shirka ayaa waxaa hormuud ka ahaa masuuliyiinta beesha suber awal kaga jira xusbiga mucaaridka ah ee Wadani oo ay hormuud ka yihiin xoghaya guud wadani Maxamed cabdilaahi Uurcade

xildhibaan bashiir tukaale, muj boobe yuusuf ducaale xildhibaan siciid cilimi rooble, GEN Maxamed xasan (Jidhif) Aadan Ruush iyo xubno kale oo miisaan ku leh gobolka gabiley.

Kulanka qado sharafta ah ayaa daarnaa sidii hogaanka dhaqanka ee gobolka gabiley iyo xusbiga wadani uga wada hadli lahaayeen mustaqbalka taageero xoogan oo ay u huraan xusbiga mucaaridka ah ee wadani

Xogaha aan helayno ayaa tibaaxay in isbarasho kadib si adag loo falan qeeyay doorka ay reer gabiley ku yelan lahaayeen wadani

dhanka kale xukuumada siilaanyo ayaa iyadu gabi ahaanba lumisay Taageerada shacabka gabiley iyo siyaasiyiintoodaba  mudadii ay xilka haysanya kula kacday bahdila siyaasadeed curyaamin gobolka oo xaga horumarinta ah

Xiligan ayaa guud ahaan gobolka gabiley aanay xukuumada kaga jirin cid miisan leh bulshada wax taageero ah xukuumada uga keeni karta

Arintan xukuumadu kula dhaqanto reer gabiley ayaa mujinaysa in ay quus ka joogta taageero danbe oo ay reer gabiley ka hesho.

COMMENTS
LINKS