WAJAALE NEWS

Guriga Dad Badan Ayaa joogay, Balse Wuxuu la Mid Ahaa Mid Laga Guuray Barri Hore Qalinkii Nimco Baashe Cabdi

Waxay Ahayd Lix Habeen ah,  saacadu waxay ku eekayd.  10:30 Habeenimo, Waxaan soo galay Guriga oo Albaabku Furan Yahay.    Maan ogayn cid ku jirta, waayo in badan ayaan guriga ka maqnaa.  Xataa maan garaneyn cid soo jeeda, iyo cid huruda midna. Laakiin dadka ku nool waxay can ku ahaayeen in fiidka la seexdo. Aayar ayaan soo galay,  waxaan islahaa waa la seexday ee shanqadha aayar. Gurigu waa meel wayn in badan ayaad u sii kala soconaysaa,  halka u horeysa iyo halka u dambeysa.  Waxaan soo socdo oo aan is gundhiyaba, soo galay gudihii guriga.   hadafkeygu wuxuu ahaa inaan toos u galo guriga qolka aan ka daganahay,  Aniga oo shanqada iyo jabaqda aayaraaya.  Illeen waxaan isleeyahay dadku yaanay toosin hurdo macaan ayay ku jiraane,  waxaan soo socdaba waxaan arkay.  illaa afar qof oo gudaha daarada fadhiya,  waan salaamay laakiin cid iga qaaday may jirin,  maxaa yeelay dadkan imaba arkaan. in aan qof ahay iyo in aan xawayaan ahay. Maaha dad araga naafo ka ah, mana aha dad aan waxba arkayn.  kuligood waa wadda dhalin yaro  qof ciroobay ama da noqday kuma jiro waa xoog cararaaya.  Maxaa sababbay in ay i  arki waayaan?   Maxaa kalifay in ay ogaan waayaan guriga waxa soo galay in ay tuug yihiin iyo in kale?  Haddii uu tuug soo galo iska daa in la ogaado inuu soo galee,   xataa waxa guriga yaala oo dhan hadduu gurto cid ogaanaysa ma leh dadkan guriga jooga.  Waayo?   Qofkasta isaga iyo naftiisa ayaa isku mashquulsan,  waxaad moodaa arday itaxaan ka shaqeynaysa  weliba itaxaankii aduunyada maahee waa kii Akhira.  Waa ay isku wada dhawyihiin laakiin qofna ka ku xiga ma eegaayo.  Maxaa yeelay tiisii ayaa cuslaysay,  marka aad aragto jawiyada dadka.  Waa ay kala duwan yihiin, qof waxaa muuqaalkiisa ka muuqata  farxad iyo nuur is gaadhay. Waxaad moodaa in uu tv daawanaayo oo sidii carruurta yar yar marba wax u soo baxayaan oo ay kolba ku farxayaan  laakiin kuwan waxay kaga duwan yihiin  maaha dad tv daawnaaya waxyaabo kale ayay daawanayaan  balse anigu ma arko.  Hadaad la hadasho qof kuu jawaabaya ma leh,     muuuqalkoodu daqiiqad daqiiad ayuu isu badbadalayaa,  mar waa dhoolo cadayn aad odhanayso tolow dadkan wada farxsan ma maalintii ay dhasheenbaa waa maxay waxaan oo farxad ah ee quruxda waddata,  hadana in yar kadib  waa ay is badalayaan.   oo waxaad moodaa dad geeridii waalidkooda loo soo sheegay, sida ay u buuftaamayaan waa xanaaq xanaaq ka tagay,  Xididada  wajiga oo dhan ayaa wada kacsan,   halka marka ay faraxsan yihiin meel walba ay  dagan tahay.  aniga oo yaaban oo is leh tolow umadan yaad u damiinataaa,   ayaa waxaan maqlay  laba isku leh  sawirkii waan soo dhigee.  iga soo macaaneee  kkkkk yaaab,  Tolow Maxaa la Macaanaynayaa.   waxay igaga dhigeen kadaroo dibi dhal,  markii hore ee marna la farxayay marna la murugoonaayay.  ayaanba la yaabanaayee,   waxaan la iska soo macaanaynayaana waa mid xagee iga soo galay.   xataaa heer waxaa la gaadhay lagu murmo hadalo ay ka mid yihiin,  “maxaa kugu dhacay, ee aad iiga soo shidi wayday meesha, waa caadi hadaad diiday markaaga uun arag.”  Qof ayaa sidaan ku tiraabay,  halka uu qofka kale ugu jawaabay Hadal dagan oo ah sidana.  “saaxiib waan kaa soo iftiimiyeee bal eeg.” Wakhtigu uu is gurayaa,   mar walbana saacad ayaa dhacaysa.  Halkaas marka ay sheekadu marayso,  ayaan isku dayay in aan ogaado  dhalinyartan.   Bal Waxaa ay ku soo jeedaan  ee ay hurdadoodii iyo naftoodiiba ku illaabeen,  Waxaa ii soo baxay in waxaan uu yahay  wax afka Qalaad lagu Yidhaa Facebook,  Afka Hoooyana Wajiboog.  Mahadsanid Akhriste,  Intaas waxaan ku soo koobay.   qoraal aan ku jilaayay dadkeena facebook isticmaala,  iyo sida uu danahooda u seejiyo.

Exit mobile version