Dhismaha iyo dib u hagaajinta Xafiisyada Dawlada ama Xukuumadu waa waa arin aad iyo aad u muhiim ah Oo loo baahnaa arintaana waxaa Hirgaliyay Xukuumada talada dalka manta haysa Ee uu Xisbiga Kulmiye Mujaahid Axmed Siilaanyo Oo talaabadaa ku guulaystay waana mid sumcadwayn u ah qaad dhismeedka xafiisyada dawlada sida casriga ah Ee loo dhisay hada kahorna waxaa si toos ah loo xasuustaa kahor intaan la dhisin meelaha amaba xafiisyada Dawlada Somaliland Sida wasaarada iyo Hayadaha kale dawlada qabkii foosha xumaa ee ay u dhisnaayeen Wasaaradaha iyo Dhamaanba xafiisyada daawlada inyar mooyaane kuwasoo ahaa Gabi ahaanba qaar aan ku munaasib ahayn in lagu magacaabo wasaarado amaba meel xafiis dawladeed ah Dhismayaasha Oo duug ahaa awgeed iyo qaar bur bursanaaba Sidaana waxaa hore wax uga qaban waayay dhamaanba Madaxweynayaashii horee Somaliland iyo Xukuumadahii kala duwanaa Ee soomaray inataba.
Balse waxaa alle mahadii ah Oo taa aqbali waayay inay xafiisyada dawladu sidaa sii ahaadaan Markii uu Kursiga fuulay Madaxweyne Axmed maxamed Siiraanyo Oo ah shaqsi ay ka go’antahay horumarinta iyo waxqabadka Bulshada Reer Somaliland iyo Shacabkii Soo doortay in loo fuliyo dhaamaanba waxii loogu balan qaaday taana midhaheedii waa la arkay manta Talaabooyin badan Oo waxtar ahna waxaa ku guulaystay inuu qabto Madaxweyne Siiraanayo iyo xukuumadiisa.
Dhismayaasha wasaaradha iyo Xafiisyada kale dawladu waa mid muhiim ah Oo lagu diirsan karo waxaana arintaasii ay Kor uqaaday Dawladniimada iyo astaamah lagu garto qaabka ay leeyihiin iyo waliba dhaqaalaha uu wadanku leeyahay waxaanay sharaf iyo karaamo u tahay in Masuuliyiinta Xukuumadu ay fadhiistaan kana arimiyaan Dhismayaal amaba Goobo u qalma dhanka amaanka, iyo Bilicda intaba kuwaasoo hada lagu diirsan karo cidkasta Oo dunida kasocotana lagu qaabili karo oo ay ka mafsuudayaan waxaanay qiimayn gaar ah utahay Xukuumada Somaliland ee curdinka ah horumarka ay gaadhay dib u dhiska lagu sameeyay Dalka muda aad iyo aad u kooban awgeed waxbadana la qabtay Dhismayaasha wasaarada dalku gaar ahaan caasimada Somaliland ee Hargeysa ilaa iyo hadda goobaha sida quruxda badan loo dhisay loona qalabeeyay dhanka amaanka iyo bilicda intaba waxaa laga xusi karaa,,, dhismaha Xafiisyada Wasaaradaha, Cayaaraha dhalinyarada iyo dalxiiska, Dhismaha cusub ee wasaaradaha Cadaalada, Wasaarada Arimaha dibada Somaliland, Wasaarada Duulista iyo gaadiidka Cirka Oo iyadu xusid gaar ah mudan iyada Oo loo raray goobtii ay Ku munaasibka ahayd Laga ag dhisay Madaarka Caakamiga ah Ee Hargeysa Airport, iyada Oo wasaarada Duulista hawada Somaliland loo dhisay qaab aad iyo aad u qurux badan Oo caalami ah layaabna leh iyada Oo ka kooban dhisma saddex dabaq ah Oo ay ku dhex yaalaan xafiisyo kala duwan Oo aad u badan.
Arintaasina waa mid mudan in si gaar ah loo xusuusto Oo aan la ilaawin marnaba sida ay wax uga badashay Xukuumada Madaxweyne Siiraanyo Mudadii kobnay ee xilka haysay waxaa Iyana Mudan in lasoo hadal qaado Dib udhiska wasaaradaha Maaliyada Somaliland iyo Wasaarada Waxbarashada, Wasaarada Arimaha gudaha Somaliland Oo loo sameeyay Iyana sidoo kale dhisme caalami ah Oo heerare ah iyadoo aanay fari ka qodnayn Dib udhiska dalka ay ku samaysay Xukuumada Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxaa kamid ah xagga kale Dhismayaasha Laanta Socdaalka Somaliland Oo ognahay manta muuqaalka ay leedahay inta uu leeg yahay dabaqa laga dhisay ee baaxada iyo Bilicda wayn Ee loo dhisay Xurunta laanta socdaalka Somaliland.
Waxaa sidoo kale la Hirgaliyay Oo dib u dhis lagu sameeyay Dhamaanba Jeelasha ku yaala Gudaha Somaliland sida kan Jeelka way ee caasimada Hargeysa iyo kuwa kale ee kuyaala Gobolada Somaliland waxaana taa sii dheer dhismayaasha Lamaaha wasaaradaha Dalka Eek u baahsan Gobolada dalka Oo Iyana qaar kamid ah la casriyeeyay wax badana lagu kordhiyay.
Talaabooyinkaasina waa qaar kamid ah waxqabadka Xukuunada Madaxweyne Siiraanyo waxaana mudan in la xuso Dhismayaasha wasaarada aynu Soo sheegnay u c Heerka calami ah waxaa taa sii dheer Xafiisyadaa La dhissay Ee dhawaan lagha hirgaliyay Dalka Jamhuuriyada Somaliland iyada Oo dhexdooda la dhigay qalab iyo aalado Casri ah Oo lagaga shaqeeyo Xafiisyadaasi Kuwaasoo fududeeya waxyaabo badan Oo ay kamid tahay dhanka amaanka waana wax alle mahadii ah mar hadii laga Raystay waayo sidoo ay ahaan jireen Xafsiiyada dawlada haday tahay dhanka qaab dhismeedyadooda iyo waliba qalabka dhexyaala ee shaqaalaha iyo madaxduba ay qaranka ugu hawlgalaan.
Hoodo ayaan
hood.ayaan90@gmail.com