|
|||||
WAJAALE NEWS
“Cali Warancade Tolow Yuu U Hanjabayaa, Waa Hadii Aan La Is Aqoon ”. Muj. Xamarje
June 30, 2015 - Written by Editor:Hargaysa(Wajaalenews)-Siyaasiga Axmed Xaaji Cabdilaahi ‘Xamarje’ oo ka mid ah Saaraakiisha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI,ayaa su’aal galiyay suura-galnimadda inay fusho hanjabaad uu Maanta Wasiirka arimaha gudaha Somaliland u diray Xisbiyadda Mucaaradka ah iyo Beesha caalamka,Xili ay si weyn u sii kala fogaanayaan Beesha Caalamka ee Somaliland ka taageerta taabo-galinta Dimuqraadiyada Somaliland lagu majiirto iyo Xukuumadda uu gadhwadeenka ka yahay Madaxweyne Siilaanyo. Xamarje, oo qoraal kooban dhigay barta uu ku leeyahay Xidhiidhka Bulshadda ee Facebook-ka ayaa sheegay inay suuragal tahay inay dhacdo hanjabaad ina Waran-cadde haddii aan lays aqoon siduu hadalka u dhigay. Dhinac kalena,hogaamiyaasha Xisbiyadda Siyaasada Somaliland ayaa si toos ah ugu eedeeyay Xukuumadda inay ku badhi furtay Heshiiskii ay wada galeen ee ee lagu soo af-jarar Khilaafkii Siyaasaddeed ee ka dhashay Muddo-kordhintii ay Golaha Guurtidu u sameeyeen Xukuumadda Iyo Wakiiladda. Related posts:Waraysiga Jendayi Frazer Waxa Uu Markhaati Uyahay In Maraykanku Uu Doonayo In Somaliland Ay Noqoto W... Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo Ka Hadley Maayarka Cusub ee Dhawaan Lagaga Dhawaaqay Magaalad... Tababar Gabiley Uga Socday Degmooyinka Ku Cusub Mashruuca Dawladaha Hoose Oo Lasoo Gabo Gabeeyay. COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|