|
|||||
WAJAALE NEWS
Xisbiga Wadani Oo Wasaarada Arimaha Gudaha Mar Kale Ka Dalbaday Muddo Haraad Salmi Ah
May 12, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews)Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani, ayaa markaleWasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ka codsaday samaynta Mudaharaad nabadgalyo oo uu ku diidan yahay Muddo kordhinta Xukumadda Siilaanyo loo sameeyay. Xisbiga oo hore u codsaday dibadbax ayaa Wasiirka arrimaha guduhu diiday isagoo ku sababeeyay arrimo amaan. Xukumadda ayaa Mudaharaadkii Isniinta la filayay ku baajisay Cudud islamarkaana xidhay badiba Masuuliyiintii qalqaalin lahaa Dibadbaxa. Warqadda Waddani ayaa lagu yidhi “Anagoo ka duulayna xaqa dastuuriga ah ee u Ogolaanaya Muwaadiniinta Isu-soo-bax salmi ah, oo aanu ku muujinayna mawqifkayaga iyo diidmadaya Xisbiga waddani kaga soo horjeedo muddo kordhinta ka baxsan wixii lagu heshiiyay ee ahaa wakhtigii Komishanka ka soo baxay. Sidaas darteed, Xisbiga Waddani isagoo ka duulaya dastuurka qaranka qodobkiisa 32-aad farqadihiisa 2-aad iyo 3-aad Ogolaanaya in Muwaadiniintu sameeyaan Muddaharaad Salmi ah, waxaanu ku wargalinaynaa wasaaradda arrimaha gudaha inaanu samaynayno mudaharaad salmi ah oo ka dhici doona guud ahaan Gobolada Jamhuuriyadda Somaliland, waxaanu rajaynaynaa inaad ka gudan doontaan waajibaadkiina oo ah ilaalinta amaanka isu soo baxayaasha”
Related posts:DAAWO; Warbixin: Dhiig-yacabkii Kornayl Tukke Ee Ka Dambeeyey Xasuuqii Gabiley Oo Ku Sugaya Maxkamad... Daawo Muuqaal; Fadhigii Khamiista Ee Golaha wasiirada Somaliland Oo Lagu Ansixiyay Siyaasadda Horuma... “Degenaanshiyo Iyo Nabada Oo Lagu Gaadho Horumar, Waxa Lagu Helaa Raacida Kitaabka Alle…”Sheekh Must... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|