Wasiirka Duulista Hawada Oo Maalmihii U Dambeeyay Noqdey Maayarka Caasimada Hargeysa iyo Fadeexada Ka Taagan Dhulka Uu Qeybiyay Ee Masalaha | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Wasiirka Duulista Hawada Oo Maalmihii U Dambeeyay Noqdey Maayarka Caasimada Hargeysa iyo Fadeexada Ka Taagan Dhulka Uu Qeybiyay Ee Masalaha
May 7, 2015 - Written by Editor:

Hargeysa(Wajaalenews)-Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa, maalmihii u dambeeyay la sheegay in uu faraha la galey howshii Maayarka Caasimada Hargeysa oo wakhtigan socdaal ugu maqan dalka dibadiisa islamarkaana, qeybiyay baloogyo dhul ah oo kamid ah dhulkii kasoo hadhey xayndaabka Madaarka Caasimada Hargeysa ee loo yaqaan gaas(M),ee masalaha.

Waxaana la sheegay in howlawdeenada Agaasimayaasha ka ah Wasaarada duulista Hawada Somaliland,iyo maamulka madaarku ay isku badeleen

maalmahan u dambeeyay Agaasimayaashii Qorsheynta dhulka iyo

joomitarada D/hoose ee Caasimada Hargeysa, iyadoo ay halkaa ka baxdey awoodii Maamulka caasimadu kadib markii, xubno Wasiirada Madaxweynaha kasoo jeedaa ay u awood sheegteen Maayar kuxigeenka iyo Maamulka

D/hoose ha ugu horeeyo Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi,ilaa iyo hada

howshaasi waa mid socota oo qorshaheedu ka socdo Xarunta Wasaarada

Duulista Hawada Somaliland, ee kutaala nawaaxiga Madaarka Caasimada,

iyadoo dhulkani kamid yahay dhulkii ay deganaayeen dadkii ku ahaa

nawaaxiga madaarka ee uga guurey intii xaeyndaabka madaarku qabtey

taas, oo intii xayndaabka ka baxsaneyd ee dadka danayarta ahi

deganaayeen uu yahay dhulka uu qeybinayo Wasiisrka Duulista

Hawadu,wararku waxa ay intaa ku dareen in arintan ay Wasiirka ku

wehelinayaan xubno kamid ah Gudidii lakala direy ee Beesha Ciidagale

kuwaas oo Maxamuud Xaashi u howl fududeeyay Qorshahan uu ku qeybinayo

dhulkii danyarta,dhulkan oo ah dhul intiisa badani sharciyaysan yahay

oo D/hoose ee Caasimada Hargeysa sharciyaysay islamarkaana, uu hore

Madaxweyne Siilaanyo uga soo saarey Digreeto Madaxweyne.

 

Wararka kale ee Warbaahintu  ka helay qorshahan cusub ee Wasiirka

Duulista Hawadu ku faragaliyay shaqadii  Maayarka Caasimada,ayaa la

sheegay in ay qeyb ka yihiin shirar hoose oo Madaxtooyada ka bilaabma

kow iyo tobanka habeenimo wixii ka dambeeyay, shirarkaas oo ay inta

badan goob joog ka yihiin Wasiirka Madaxtooyada Xirsi Cali Xaaji Xasan

iyo Kan Duulistu islamarkaana,shakhsiyaadka kooban ee

dhaqdhadhaqaaqiisa la socdaa ku macneeyeen in ay ku saleysan yihiin

arimo dhinaca beesha Madaxweynaha iyo sidii looga faa,ideyasn lahaa

mudada kooban arimo badan oo dhulka la qeybinayaa qeyb ka yihiin.

 

WAJAALENEWS DESK

HARGAYSA SOMALILAND

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

COMMENTS
LINKS