|
|||||
WAJAALE NEWS
Saddexda Xisbi Qaran iyo Xukumadda Oo Heshiis Rasmi Ah Ka Gaadhay Wakhtiga La Qabanayo Doorashooyinka Somaliland
May 28, 2015 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Saddexda Xisbi qaran iyo Xukumadda Somaliland ayaa ku heshiiyay in doorashada Madaxtooyada iyo Wakiilada la qabto 15-k bisha December ee sanadka 2016-ka, waxaana laga noqday go’aankii golaha guurtida ee ahaa in doorashada la qabto sanadka 2017-ka. https://youtu.be/HIPeiokKCIg Kulan saacado badan qaatay oo saddexda xisbi iyo Xukumadda ku dhex maray qasriga Madaxtooyada Somaliland ayaa lagu soo bandhigay caawa heshiiska oo ay isla wada qaateen dhamaan dhinacyada. Heshiiskan ayaa imanaya kadib wada hadalo maalmihii u dambeeyay u socday saddexda Xisbi iyo Xukumadda oo lagu lafo gurayay muranka ka dhashay mudada 22-ka bilood ah ee guurtidu u kordhisay Xukumadda iyo Wakiilada.
– COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|