|
|||||
WAJAALE NEWS
Muwaadin U Geeriyooday Laydh Qabsaday Oo Sedex Cisho Maydkiisu Yaalo Cisbitaalka Guud Hargaysa. iyo Ehelada Marxuumka Oo Baaq Udiray Xukuumada .
May 27, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews) ALLE Ha Unariistee Waxaa Sedex Cisho ka Hor Uu Laydh ku dhex qabsaday Badhtamaha Magaalada Hargaysa Marxuum IBRAAHIM AW MAXAMED XASAN oo ahaa muwaadin reer somaliland ah Dadiisuna ahayd 32jir Una geeriyooday laydhkaasi qabsaday Hadaba ehelada marxuumkan ayaa shabakada wararka ee wajaalenews u sheegeen in sobobta marxuumka loo aasi waayay ay tahay kadib markii shirkada laydhka qabsaday Marxuumka oo lagu magacaabo KAAH ELECTRIC Wali laga laaya ay qaadashada masuuliyada iyo khasaaraha nafeed ee uu gaystay laydhkoodu’ Eheleda marxuumka ayaa waxa kale oo ay noo sheegeen in ay arintan u gudbiyeen wasaarada Arimaha Gudaha qaybteeda Abniga Jananka Ciidanka booliska ,Laanta Danbi Baadhista Iyo Cidkasta Oo ay khusaysay Arintani’ Iyagoo sheegay in aanay Aasi doonin ilaa arinkiisa la cadeeyo Waxa kale oo ay baaq udireen xukuumada somaliland in ay Deg Dega Wax uga qabato arintan taasi oo Hadii ay wax ka qaban waydo sobobi karta Abni Daro Wixii ka yimaadana ay masuuliyadeeda qaadi doonaan Hayadaha shaqada ku leh Guud ahaan somaliland ayaa dhamaan shirkadaha bixiyada adeega laydhka ay xadhkahoodu daadsan yihiin suuqdaya dhexdooda kuwaasi oo marwalba galaafta qaarkamida bulshada somaliland iyadoo ay xukuumaduna waxtalaabo ah ka qaadin , kana ufikirin sidii aafada laydhka looga badbaadin lahaa dadwayanaha. MAGACYADA ODOYAASHA; CHIEF CAAQIL DAYIB CABDI CIIDLE CAAQIL MUUSE CIISE XIRSI CAAQIL MAXAMED CABDI QAWDHAN ODAY CUMAR
WAJAALENEWS DESK HARGAYSA SOMALILAND EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM Related posts:Dhambaal Furan Oo Ku Socda Gudoomiyaha Maxkamada Sare Si Muglehna U Iftiimiyay Afarta Caqabadood Ee ... “Maanta In Qof Ama Qabiil Reer Somaliland Ah Lagu Eedeeyo Koonfur Ayay Doonayaan Waa Xaaraan Iyo Gef... DAAWO;-Xisbiga Wadani Oo Ka Hadlay Xoolihii Uu Badnaa Ee Laga Soo Celiyo Dalka Sucuudiga Iyo Dhaliis... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|