Waxaynu ka soo waranay garasho iyo gudoon iswaayay. Garasho iyo gudoon waxa isugu dambaysay kadib 26jun 2010kii, markaas oo isbadal aynu u codaynay. Ayaa waxa yimid wax la yidhaahdo isaseeg, u dhexeeya mudnaan iyo waxqabad. Waxqabadku sidiisaba wuxuu ka dhacaa saddex meelood oo mudnaan kala leh. Waxana la isku yidhaahdaa, udub dhexaadka isbadalka. Marka aynu qoraalkan ka bogano waxaynu fahmi doonaa, asbaabta keentay isaseega mudnaan iyo waxqabad iyo waliba natiijada ka dhalatay. Bal aynu mawduuca sii gudo galno.
Guud ahaan isbadalku wuxuu ka dhacaa saddex meelood oo kala duwan.
Meesha koowaad ee isbadalku ka dhacaa waa diinta. diintu isma badasho ee iyadaa wax bedesha. Waxay bedeshaa habdhaqanada aan ku haboonayn hanaan wanaaga akhlaaqeed ee qofnimo, qoysnimo iyo qaranimo ee umadaha islaanimada ku abtirsada iyo kuwa aan ku abtirsaninba. Halkaasi waa meesha koowaad ee laga shidaal qaadanayo marka la rabo isbadal dhab ah iyo qiimayn dhab ah. Dawlada soomaaliland ee maanta talada haysaa door intee leeg bay ka qaadatay arintaas.
Waxaan aaminsanahay, in ay ku fashilantay qodobka koowaad ee udub dhexaadka isbadalka. Waayo manhajka diinta ee dugsiyadu wuxuu u baahanyahay in dib u eegis lagu sameeyo oo waaqica la waafajiyo. Macalimiinta dugsiyada gaarka ah iyo kuwa dawliga ahba diinta ka dhiga, waa in wasaarada diintu kulan iyo kormeerba la wadaagto. Wasaarada warfaafintu sida ay samaysay si lamid ah, waa in wasaarada diinta iyo awqaaftuna ay samayso. Wasaarada warfaafintu waxay qabataa tartan lagu soo xulo badanaa fanaaniintii mustaqbalka, laakiin wasaarada diintu talaabadaa miyay ka hurudaa? maxaa ka hor taagan ee u diiday inay qabato tartan xaga khudbadaha ah oo loo qabto culimada soo koraysa. si loo muujiyo in aynu leenahay fanaan da’yar iyo sheikh da’yar labadaba.
Meesha labaad ama mudnaanta labaad ee isbadalaku ka dhacaana waa dadka. Waayo nabigeena (C.S.W)markii ugu horaysay ee risaaladu ku soo degtay talaabadii uu qaaday maxay ahayd? waxay ahayd furashada quluubta dadka. Muxuuna ku furtay? Diinbuu ku furtay. Wuxuuna gaadhsiiyay darajada ah in dadku aduunyaba ka saahido. Laakiin inaga dawladnimadeenu waxay ku salaysantahay laba shay. Awood qaybsi iyo khayraad qaybsi oo afka qalad lagu yidhaah (power sharing and resource sharing) si faqri looga baxsado. Hadaba isbadalkii dalka ka dhacay kaalin intee leegbuu ka qaatay horumarinta qofka muwaadinka ah.
Lasoco qabtaa 2 Aad
Gar.Maxamed C/kariim Axmed
solaado@gmail.com