WAJAALE NEWS

Maxaa Hortaagan Jawaabtii Salaadiintii Gobolada Galbeedka Somaliland Ay U Gudbiyeen Madaxweyne Silaanyo?Maxamed Muuse (Jeex).

Salaadiinta waawayn ee ka soo jeeda galbeedka somaliland oo mudo ku dhaw sanad Ayey jawaab ka sugaayaan madaxweynaha hadaba odayaasha dhaqanka ee beelaha samaroon weyne oo ah salaadiintii ugu waawynayd beelaha samaroon waxaan odhanlahaa inaad umadiina u raadisaan xaqooga waad ku saxsantihiin iniguu maraaya wadada toosan weliba waa inaad latashataan madaxweyne ku xigeenka somaliland abdirahman abdilahi ismail saylici oo ah siyaasi ka soo jeeda gobolada galbeedka waana masuulkii ugu wanaagsanaa ee abid soomara gobolada awdal,salal iyo gabiley.

Jawaabtii suldaanadu ay ka sugaayeen madaxweynaha maxaa hortaagan in la oofiyo dalabkii salaadiinta gobolada awdal,salal iyo gabiley, arintaasoo ahayd mid aad ugu muhiimsan dhamaan gobolada somaliland oo dhan ,haddii jawaab waafiya

madaxweynuhu ka soo bixiyona waxay wax ka taraysaa wadajirkeena isku duubnideena qaranimadeena walaalnimadeena wadani nimadeena wadalahaashaheena qaranka somaliland.

Madaxweyne hadaan nahay qurbojoogta reer somaliland gaar ahaan kuwa ka soo jeeda gobolada awdal,salal iyo gabiley waxaan jecelnahay somaliland waxaan taageersanaha somaliland qaranimadeeda waxakale oo aad aan u taageersanahay madaxweyne ku xigeenka s/land hadaba waxaan kaa sugaynaa warqadii salaadiintu ay Sida sharaftale ay kugu soo gudbiyeen saluugii dhinac walba taabanaayay hadaba shacbi weynaha goboladaa galbeedku gudo iyo dibadba waxaan kaa sugaynaa jawaab cadaysa wada lahaashaha somaliland.

Allaa mahadle
By maxamed muuse (jeex)

Exit mobile version