WAJAALE NEWS

Ma Ka Riday?Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

Geyigu waa barwaaqo guunyadu waxay joogtaa barqo dharag, baashaad jaleecdaba waxa is barkan daaqsinta iyo biyaha.

Amintu waa habeenimo waana dayax shan iyo toban jooga ,waxa cirka sharaxay iftiinka dayaxa iyo siraadka xidaha , dhulkana dhalaalka xareeda iyo dhererka daaqsinkaa isku tolay waxanay marnaba dhagtu ka xiiso goynayn raamsiga xoolaha iyo dhawaaqa raha ku jira bogcadaha biyuhu fadhiyaan waxaana intaas dheer neecawda macaan ee udugu ku ladhan yahay iyo jabaqda ay dhirtu samaynayso.

Hadii xoolihii la maalay oodihii kadimadana lagu tiirshay cawayskiina iska dhamaaday , qof waliba oo qoyska ka mid ahina hurdo u qalqaalsaday nabdigana dhulka si fiican u dhigay ayuu Oday Mooge oo Iska ciidan yaraa maqal sanqadh u baxday hadiiba uu soo baxay wuxuu arkay waraabe la sii dhacay Wankii ugu Weynaa xoolaha wuu ka daba orday oo eryaday waa oday Da’a jooga oo gaadhi maayee habeenkii oo dhan ayuu toocsanayay bahalkii waraabaha ahaa oo sita wankii , waxay noqotay inuu gaadhi waayo awoodii iyo oradkiina tahli waayo odaygii Mooge isagoon waxba wadin daalna u idlaaday ayuu dib isaga soo huleelay wuxuu dib u soo socda wuxuu soo gaadhay  rugtiisii iyo xoolihii  oo islaantiisii Muumino ooddii u sii jiiday meeshii waraabuhu xerada ka soo halabsaday isla jeerkaasna wadnaha farta ku haysa oo leh tolow kii oday ahaa isna miyuu bahalkii ku daray xageed bal waakaase u kacdaa  ayuun buu halkaas ka soo yeedhay naa Muuminooy bi’I waaye bal Biyo ila soo gaadh ee bidaa huurtay ma dhaawac ayaad qabtaa naa waa nabad qabaaye biyaha ila soo gaadh wadnahaa i heemaya sidaan u toocinayay waraabihiiye, Muumino waxay u carartay xagii haantii biyuhu ku jireen oo ay dhaglaydii ag taalay la tiigsatay markii ay biyihii siisay ayay ku bilawday ee Wankii mee miyaanad ka soo ridin? Oo hadaanad ka soo ridin maxaad intaas oo dhan noogu maqnayd, wadaadkii Mooge ismaba dhibine wuxuu aayar ku tiraarabay ma orod baa igu jira ilaa caawa intii itaalkay ahayd waan toocinayay bahalkiiye, Muuminoo xanaaqsan ayaa tidhi oo maxay taraysaa waan toocinayay hadaanad wankiiba wadin?  Intuu qosol iskala jiiday Mooge ayuu yidhi dee waxaan tusayay meesha inuu raggii lahaa ilaashanayo oo aanu dib ugu soo noqon Karin!!!!!

 

Qalinkii: Liban Ismail Abdilahi

Email: liibaanhanad79@gmail.com

 

Exit mobile version