|
|||||
WAJAALE NEWS
Gudaha ka Akhri; Maansada “SALDHIGII AQOONTA; Abwaan Sacad X,Maxamuud Gadhle
May 29, 2015 - Written by Editor:HARGAYSA(Wajaalenews)Maansadan waxaa curiyay Abwaan Sacad Maxamuud Gadhle Maansadan oo Abwaanku ugu magacdaray SALDHIGII AQOONTA Waa Maanso Wacdi iyo Waano ugu filan dhamaan wariyayaasha ka hawlan Shaqada Warbaahinta Waa Maanso uu ku suureeyay si saxana u tilmaami doonta Suxufiga waajibaadkiisa u guta si Xilkasnimo ah oo dareen Wadaniyadeed ka muuqato. Sidoo kale Abwaanku waxuu Suxufiga ama Wariyaha uga digayaa Wax kasta oo Dhaawacaya Sharafta iyo Milgaha Saxaafada isagoo Abwaanku Midhaha Maansadan ku tilmaami doono kaalinta u Bulshada kaga jiro Suxufigu Goodow suugaantii Todobaatan iyo sadexdii Haldoorkii sameeyee Weedhaheeda soo simay Maan galin safkoodii Sabibaan ahaayoo Sanqadhii baxaysiyo Waayaha lamaan socon Saakana xus wayniyo Sanad guuro wacanbaan Uga dhigay silsiladaas subcintayda maansadu waano weeyi soocoo wariyahay ku socotoo Saxaafada dhamaanteed Salaanbaan u dirayaa Marka xiga siciidoow Cadaaladu siday tidhi lama kala sareeyee Suuradiisa aadmiga Sadarada aqoontaa lagu kala suntaayoo lagu kala sifeeyaa Ma ogtahay siciidow Saxaafadii in ay tahay Saldhigii aqoontoo Qalinkuna sir leeyahay
Ma ogtahay siciidow Runtu inay sad wayntahay Saxan saxo udgoon tahay warka subag u yeeshoo Sixin iyo baruur tahay Suuqgayna noqotoo Sumcadoodu badatoo
Ma ogtahay siciidoow Suxufigii hogaansami Sabaduu ku nool yahay Saamayn ku leeyahay Cadaaladiyo sinaantiyo Samahana ka talin karo Nabadana ku sugi karo Ma ogtahay siciidoow Suxufigii hogaansami Sooma jeeste weeyoo Sahanbuu galaayoo Warar sugan ku keenoo Saadaasha gaarka ah Suuraynta faalada Sobobaynta kama tago Ma ogtahay siciidow In sagaashan qodoboo Warbaahinta u seessoo Salka loo goglaa jiro Saajinkii qoraalkow Yuu kula sabaynine Suuryo weeyi adagee Soonkooga haba lagalin Suubanaanta dhaqankana Soohdintooda dhawrooo Sodohaha ha faalayn Inkastoon sabool nahay Waajibaa ku saarane Haku raadin sooryoo Sii jeedka haku tabin Ha ka suulin garashada Dulmigana ha saacidin Ha ku galin dirsooc iyo Safashada qabiilkiyo Sunta qaranka dumisiyo Silbashada habawgiyo Ka ilaali silitada Saxaafadu xorweeyoo Ma taqaan safaadkee Sinji lagu amaaniyo Suubintaa u daranoo Wariyuhu silooniyo Sahwibuu ka qaadaa Colaadaha sokeeyaha Ha u qaadan soofoo Ha ku saydhin wararoo Boogaha ha sii sarin Salaadiinta talisana Dhaqankay sidaanoo Xurmo aada siiyee Ka ilaali saxarkoo Sadbursiiyo kula dhaqan Mar mar bay siqaano Hadal aan saluugiyo ku arkaa sitaatkee Sibiq wixii ku dhaafana Sajilaada haku darin Saacadaha qoraalkana Hala seexan garashada Siidhiga afuufoo Wacyi galinta siidaa Sixirada isdhaaafiyo Sarif bararka faalee Ka warayso sarif laha Siyaasada warkeeduna Saaxad weeyi daranoo Saxmad iyo wareer lee Balamihii siyaasigu Salaankani kusoo koray Su,aalaha kawaydii Sabaaluhu ma fiicee Sacabada ha hoos dhigan Sarbi lagu uleeyiyo Seef laga cabsoodaba Saxaafada ka dhiganee Haka baqo siyaasigu Sartu halkay ka qudhuntiyo Musuqana hasaamixin Xididada u saaroo Hala seegin goobaha Dhaliiluhu sinmeenoo Subaxdii timaadana Sanqashada masuulada Sanco weeyi cusuboo Suqduudkuu maraayiyo Saadkuu ishaaree ku sar tabinta waligaa Barnaamijkaad samaysaa Suuradaha quraankiyo Sunahana ha waafaqo Caalimkuna hakaa saxo Safiirada caadaankee Samafalka ku magac dheer Deeqbay sidaanoo Dadwaynaha silcaayay Sawirada ka qaataan Sanduuqoogan buuxee Suuldhabaale madhaniyo Siminaaro lagu cuno Soodhka soo faqaayee sandulaha wax qabadkaah sanka kaga tolaayaan horta suxufi waa adi ha sagsaaagin weedhaha ku sargoo halhaystayada waa saaf afbadanee yuu saawir kaa noqon
MURTIDII IYO MIDHIHII ABWAAN SACAD XAAJI MAXAMUUD GADHLE. Related posts:COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|