Distoorka S/Laand Muxuu Ka Qabaa Muddaaaharaadka Muwaaaddiniiinta. Abwaan: Ibraahim-rashiid CismAan Guure (aboor). | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Distoorka S/Laand Muxuu Ka Qabaa Muddaaaharaadka Muwaaaddiniiinta. Abwaan: Ibraahim-rashiid CismAan Guure (aboor).
May 11, 2015 - Written by Wariye:

Waxxa  wax  aad  loola  yaaabo  ah in  ay maaalinba  maaalinta  ka  danbaysa  Xukuuumadda Siiilaanyo  ay  Wasiiirradeedu  ku  kacayyaan  soo  saaarista  AMARRO  KU  LIDDI  AH (oo ka soo hor-jeeeda) DISTOORKA  QARANKA S/LAAND.

Waxxaynnu  ognahay  in  uu  XISBIGA  WADDANI  ku  baaaqay  Muddaaaharaad  selmiya  in  uu ka qaban  dooono  dalka  S/laand  oo  dhan (gobol & Degmoba), si  uu  diiiditaan  ugu muuujiyyo  in aanu  raaalli  ka  ahayn  MUDDO-KORDHIN  dheeeraad  ah  oo  loo  sameeeyyo Xukuuumadda Siiilaanyo  ee uu  gabbalkeedu  sii  dhacayyo, oo  dooonaysa  in  loo  sii kordhiyyo  in  ka  badan muddadii  ay  hore  u  go’aaamisay  Guddida  Dooorashooyyinka. Dowladdu  waxxay  run  ahaaantii ka  warwareegeysa  kana  baqaysaa  in  ay  dooorasho  xor ah oo  xalaaal  ahi  dalka

ka  dhacdo, iyaga  oo  og  in  ay  ku  guuul-darraysanayyaan.

Xisbiga  Waddani  wuxxuu  muddaaaharaadka  uu  ka  qaban  dooono  dalka  qoraal  ahaaan ugu gudbiyyey  WASAAARADDA  ARRIMAHHA  GUDAHHA. Haddaba  waxxa  ayaaan-darro  ah  in  uu Wasiirka  Daaakhiliga  ee  Dowladda  Siiilaanyo  Md. CALI  WARAN-CADDE  uu  si  cad  oo badheedh ah  u  diiidey  in  uu  muddaaaharaad  kaasi  dalka  ka  dhaco. Sababta  oo ah  ma rabo in Dowladdiisa lagu dhaleeceeeyyo muddaaharaad kaas.

Go’aan  kaas  uu  Wasiir  Waran-Cadde  ku  dhawaaaqay  waa  mid  baaal-marsan  kuna  liddi ah Distoorka  Qaranka  S/laand  ee  aynnu  u  qorannay  in  aynnu  isku  xukunno. Haddii  aan arrintan aad  ugu  soo  dhowaaado: ‘Muxuu  Distoor  keeennu  marka  ugu  horraysa  ka  qabaa XUQUUUQDA MUWAAADDINKA  reeer  S/laand?  Muxuuse  ka  qabaa  shiccibku  in  uu muddaaharaaado?

Distoorka  Qaranka  S/laand, Qaybtiisa  Saddexaad  waxxay  qeeexaysaa: XUQUUUQDA MUWAAADDINKA  &  XORRIYAADKA  AASAASIGA AH. Qodobka 32-aadna  wuxxuu  sheegayyaa:

* Xorriyadda  Muddaaaharaadka.
* Cabbiritaanka  ra’yiga.
* Xorriyadda  Saxaaafadda  & War-baaahinta  kale.

Qodobka  27-aadna  wuxxuu  sheegayyaa  Xuquuuqda uu  leeyyahay qofka  muwaaaddinka  ah ee laga  xayyuuubiyyo (ama laga duuudsiyo) Xorriyaddiisa.

Sidaas  awgeedna  Dowladda  Siiilaanyo  ma  cabbudhin  karto  Cabbiritaanka  ra’yiga dadweynahha &  muddaaharaadka  selmiga  ah  ee  uu  Distoor  keenna  S/laand  u  oggol yahay  shacbigeenna. Mana  aha  in  ay  mas’uuliyiiinta  Dowladdu  ku  kacaan  in  ay  xukkunka dalka  af-duuubaan  oo  ay marka  ay  dooonaan  SHARCIGA  KA  TALLAABSADAAN, si  sharci-darro  ahna  u  adeegsadaan awooodda xilalka  loo  igmaday  ee  ay  ummadda  u  hayyaan.

Ugu  danbayntiina  waxxaanu  u  canbaaraynaynnaa  Wasiirka  Arrimahha  Gudahha  Md. Cali Waran-cadde. Waxxaannuna  ugu  baaqaynnaa  in  uu  ka  waaantoobo  JEBINTA SHURUUUCDA DALKA, oo uu  ku  dhaqmo  Distoorka  inoo  yaaalla  ee  aynnu  u  qorannay  in  aynnu  isku xukunno………Mahadsanidin.

DHAMMAAD.

COMMENTS
LINKS