Hordhac:-
Jihaadka alle agtiisa ugu qaalisani waa ka kalmad xaqa oo laga horyidhaahdo hogaan umadadeed, isla markaasna waxaynu soo bandhigaynaa hal qodob oo si qayaxan uga hor imanaya shareecada islaamka , waana qodobka 7 aad faqradiisa 3, ee Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland, qodobkaasina oo u dhigan sida tan:-
“Heesta Qaranku waa mid muujinaysa bartilmaameedyada Dastuurka, caqiidada ummadda, hab-dhaqmeedka wadatashi, waxanayna yeelanaysaa miyuusik u gaar ah oo ka duwan kuwa dalalka kale, waxaana lagu soo saarayaa xeer”
Sida inooaga cad qodobkani waxaa uu sheegaayaa in qarankani yeesho hees qaran oo la raacinayo miyuusig U gaar ah oo ka duwan miyuusikada wadamada kale.
Hadaba mucda qoraalkani wuxuu ku salaysan
yahay weedha dambe ee qodobkan, kaasi oo si cad u banaynaya in la dhagaysto heesaha ay la socdaan miyuusakadu, taasina ay tahay mid ka hor imanaya shareecada islaamka, maadaamo ay shareecadu xaaraantimaysay isticmaalka iyo dhagaysiga heesaha ay la socdaan miyuusikadu,
Shareecada islaamku Miyey xaaraantimaysay mise wayXalaalaysay dhagaysiga Heesaha
ay la socdaan Miyuusigu?
Halkan waxaynu ku soo bandhigi doonaa qaabka iyo daliilka sheegaya xaaraantimaynta la xaarantimeeyey isticmaalka heesaha ay la socdaan miyuusigu, Waxaynu soo horaysiin doonaa Aayadaha quraanka kariimka ah.
1- Alle SCW wuxuu Aayad qur’aana ku yidhi :- (…… Dadka waxaa ka mida kuwo ku badalanaya xaqii iyo diintii ilaahay soo dajiyey hadalo baadila, iyadoo dheeldheel iyo jees-jees ka dhiganaya, waxaana sugaya qofka sidaa yeela cadaab darran………. Ilaahay aayadihiisa marka lagu dul akhriyo, way jeesanayaan sidii mid aan maqlaynba, waxaabad moodaa in dhagahooda xagar ku go’an yahay, ka sidaa yeela waxaad ugu bushaaraysaa cadaab aad iyo aad u xanuujiya…)
Hadaba ilaahay kitaabkiisa marka la fasirayo qof walba uma fasiran karo sida uu doono ama sida uu jecal yahay ee qur’aanku isaga ayaa is fasira, waxaana loo daba fadhiisanayaa umaddii goob-jooga ka ahayd markii uu qur’aanku soo dagayey, kuwaasi oo ahaa Asxaabtii rasuulka SCW, aynu ugu horaysiino caalimkii Tafsiirka qur’aanka kariimka ee Nabi Maxamed Ammaaniyonabadgelyada Eebbe korkiisa ha ahaateeugu duceeyey in uu noqdo caalimka umadda ee mufasirka qur’aanka kariimka, waana ibnu Mascuud, wuxu yidhi isagoo sharaxaya aayadan kor ku xusan “ Allaha xaq lagu caabuda aan jirin isaga mooyaanee lahwul xadiithka aayada ku jiraa waa Heesaha, isagoo waliba saddex goor dhaartaa ku celiyey”.
Aynu ku xigsiino Xadiithyada Nabi Maxamed Ammaaniyonabadgelyada Eebbe korkiisa ha ahaatee, waxaa laga soo wariyey:–
1- Anas ibnu Maalik wuxuu nabi Maxamed Ammaaniyonabadgelyada Eebbe korkiisa ha ahaatee ka soo wariyey in uu yidhi :-“ laba codbaa nacladan aduuun iyo aakhiraba, midi waa miyuusiga la tunto marka la nimcaysan yahay, midana waa baroorta dhacda marka ay masiibo timaado”.
xadiithkani waxaa uu inoo cadaynayaa in codka iyo qofka qaadayaaba ay nacladan yihiin oo laga fogayeey naxariista Alle.
2- Nabi Maxamed Ammaaniyonabadgelyada Eebbe korkiisa ha ahaateewaxaa laga soo wariyey in uu yidhi :-“ Aakhiro samaanka waxaa imanaya dad xalashada Zinada, xariirta, khamriga, iyo Miyuusiga”.
Akhriste Aayadahan iyo Xadiithyadani waxay inoo cadaynaaa in heesaha ay miyuusikadu la socdaan ay xaaraan yihiin, sidoo kalena Nabi Maxamed Ammaan iyo nabadgelyada Eebbe korkiisa ha ahaatee waxaa uu Heesaha ay la socdaan miyuusiga la simay cabista khamriga, xidhashada dharka xariirta ah (raga), taasi oo uu Dastuurka Somaliland xalaaleeyey, Maadaama qodobka 7 aad faqradiisa sadexaad ay bananayso isticmaalka heesaha ay miyuusigu la socdaan, taasi oo shareecada islaamkuna xaaraantimaysay dhagaysiga iyo isticmaalka heesaha ay la socdaan miyuusigu, isla markaasna waxaa halkaas inooga soo baxaysa in Qodob ka mida Dastuurka Jamhuuriyada Somaliland si qaawan oo qayaxan uga hor imayanayo shareecada islaamka, , banaynayana wax Alle xaaraantimayeey.
Gabogabo.
Waxaan soo jeedinayaa cid kasta oo awood u leh in ay gacan wayn ka gaysato sidii loo sixi lahaa qodobkaasi iyo kuwo kale oo fara badan oo aan wakhtigu ii saamixin in aynu halkan kaga bogono, qodobadaas oo ku jira Dastuurka Somalilanda iyo shuruucda kale ee wadanku leeyahayba, isla markaasna waa in hiil iyo hoo’ba lala garab istaago shakhsi kasta oo hawshan u xusul-duubta, Waxaynu ayidsanahay hadii qodobada shareecada islaamka ka horimanaya meesha laga saaro in wadankeeno noqdoono mid ku suntan Barwaaqo, nabad iyo caanaba, Hadii Eebe Idmo.