|
|||||
WAJAALE NEWS
DAAWO;Madaxweynaha jsl oo Laba Kormeer Ku Sameeyey Xeryaha Barakacayaasha Iyo Balaadhinta Dekeda+Xaalada Nololeed ee barakacayaasha
May 31, 2015 - Written by Editor:BARBERA(Wajaalenews) Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Silaanyo oo ku sugan magaalo madaxda Gobolka Saaxil ee Berbera ayaa saaka boqasho ugu tegay Barakacayaasha Yemen ka soo qaxay ee ku sugan gobolka saaxil. Madaxweynaha oo qaxoontiga soo dhex maray waxa uu kor u qaaday qaar ka mida caruurtii ku sugnayd kaamka qaxoontiga oo ah kaamka koowaad ee loogu talogalay dadkaasi isugu jira Barakacayaasha Soomaaliya u dhashay ee Somaliland ku qaabishay berbera una sii dhaafin doonto dalkooda hooyo ee Soomaaliya, Somalilandna la jaarka ah iyo sidoo kale Qaxoonti igu jira Ethiopian, iyo Yemen oo iyagu ku sii sugnaan doona Xeryaha Somaliland ugu talogashay barakacayaasha. Madaxweynaha oo ka dib kormeerkiisa barakacayaasha, kormeer kale ku soo maray Dekeda berbera oo wejigii labaad ee balaadhinta dekedu uu dhamaad ku dhawyahay lana filaayo inay usbuuca danbe ay soo gebegabawdo lana furi doona insha allaa, waxaana madaxweynaha halkaasi warbixin ka siiyey maareeyeyaha dekeda berbera Engineer Cali Xoor-xoor oo madaxweynaha socod lug ah ku soo mariyey guud ahaan barxada weyn ee uu madaxweynuhu hore u dhagax dhigay, waxaanu xusay in dalalkaarka ee ay Ethiopia ka mid tahay ay isticmaalidoonaan dekedan inteeda badan taasina ay sababtay in aynu yeelano deked balaadhan oo dadlka kalena ay in nala isticmaali karaan, marka todobaadka danbe la dhamaystirin tana ay sii socon doonto dekedu, isaga oo madaxweynuhu isu qiyaasay inta lagu daray iyo intii hore uu xadhiga uga jaray una mahadnaqay Maareeyaha dekeda sida qiimaha iyo kartidu ku dheehan tahay ee uu isaga xil saaray kobcinta iyo tayeynta dekeda. waxaanu madaxweynuhu ku soo laabtay Qasriga Madaxtooyada berbera ka dib markii uu labadaasi hawlood ee muhiimka ah saaka kormeer ku tegay.
Related posts:Daawo: Gudoomiyaha Xafiiska imtaxaanaadka Qaranka Somaliland Oo Waalidiinta Uga Digay Hay,ad Turkish... DAAWO; Munaasibad Balaadhan Oo Lagu Caleemo Saaray Ugaaska Guud Ee beesha Fiqi Cabdala (Cabdala ab... DAAWO; - Maayirka Magaalada Burco Oo Sheegay In Haddii Muuse Biixi Talada Dalka Qabto Ay Dhici Doo... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|