WAJAALE NEWS

Casaabadu Maxay Ku Falaysaa Muddo Kordhin Laba Sanadood Iyo Ka Badan Ah?Cali Guray

Mid waynu wada garan karnaa oo lacag urursigii iyo boobkii hantida qaranka oo u sii socota. Tan kale ee ka muhiimsani waa inqilaab kulmiye oo ilaa heer ay casaabadu doonayso inay samaysato kulmiye kale oon ahayn ka hadda hira oo casaabadu ay iska leedahay. Way is mood siinayaan lakiin lama hubo masiirka labada askari. Waxay u badan tahay in inta la isticmaalo ugu dambaysta iyaga laftoodana debadda looga tuuri doono. Laakiin samaynta kulmiyaha cusubi siday ula sahlan tahay lagama yaabo inay noqoto. Golahan wasiirada kii in uu damiirkiisu nool yahay ama aan loo arkin in aanu la jaan qaadi karin qorshaha casaabaddu wadato oo dhan bustahoodu wuxu noqonayaa dibadda. guurtida iyo wakiiladana lacag baa u haysa waana loo hayaa.

 

Mudadan ay qabteen guurtida inta aynu hubno hal muddo kordhin ayaa uga dambaysa oo ilaa November 2017 ah, taas oo cudur daarku yahay inta laba doorasho aynu sanadka gudihiisa wada qaban lahayn ay hal mar doorashooyinka isugu wada geyn. Oo murdiso intaa ma ku qanci doontaa mise inta ay sii arkayso weel ay guntiisa wax ku sii hadhsan yihiin iyo dad ogol dulinimada waa la dul joog uun

Exit mobile version