Boqortooyada Sucuudiga oo Go’aan dhinac u Xaglinaya Kaga Jawaabtay Khilaaf u Dhexeeya Jabuuti iyo Imaaraadka Oo Safaaradaha kala Qaatay | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Boqortooyada Sucuudiga oo Go’aan dhinac u Xaglinaya Kaga Jawaabtay Khilaaf u Dhexeeya Jabuuti iyo Imaaraadka Oo Safaaradaha kala Qaatay
May 20, 2015 - Written by Editor:

Riyaad,(Wajaalenews) – Khilaaf dhexmaray wadamadda Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa la sheegay inuu ku keenay isbeddel siyaasadeed xidhiidhka u dhexeeya Boqortooyada Sacuudiga iyo Jamhuuriyadda Jabuuti, ka dib markii Waraaqaha Dal-ku-galka loo diiday Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti oo booqasho ku tegi lahaa Boqortooyada todobaadkii hore.

sucuudiga iyo jabuuti

Go’aanka Dowladda Sacuudiga hordhigtay Wasiirka Arrimaha Dibedda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, ayaa tilmaamaysa in Sucuudigu la saftay dalka Imaaraadka Imaaraadka Carabta, sida ay qortay wakaallada wararka Indian Ocean oo aanu warkan ka soo xigannay.

Khilaafka wadamadda Jabuuti iyo Imaaraadka ayaa la sheegay inuu ka bilaabmay dagaal gacan-ka-hadal ah oo dhexmaray Taliyaha ciidanka Cirka Jabuuti, Wahib Musa Qalinle iyo Safiir-ku-xigeenka safaaradda Imaadaarku ku leedahay Jabuuti Cali Al-Shihi oo taliyuhu wejiga ka dhirbaaxay.

Talaabada sharaf-dhaca ee loo geystay Wakiilka Imaaraadka ayaa la sheegay inay keentay inay dowladda Imaaraadka Carabtu albaabada u laabto Safaaraddooda Jabuuti 4-ta bishii May ee la soo dhaafay.

Dalka Imaaraadka Carabta, ayaa sidoo daad-gureeyey ciidamo ka joogay waddanka Jabuuti oo qeyb ka ahaa xulafada Sacuudigu horkacayo ee dagaalka kula jirta jabhadda Xuutiyiinta Yemen, waxaanay tallaabadani sii murgisay isbahaysiga waddamada Carbeed.

Khilaafka dhexmaray Jabuuti iyo Imaaraadka Carabta, ayaa lagu tilmaamay inuu fursad u yahay dalka Eritrea oo colaad dheer u dhexeyso Jabuuti, waxaana dhici karta inuu bilaabo iskaashi dhow oo la yeesho wadamadda Khaliijka Carabta.

Isbeddelka ku yimi Xidhiidhak dalka Jabuuti iyo labada waddan ee ugu qanisan Khaliijka Carabta, ayaa ku soo beegmay xilli Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele oo ka faa’iidaysanaya istaraajiyada dalkiisu ku yaal uu bilaabay inuu xidhiidh cusub la yeesho waddanka Shiinaha oo danaynaya inuu saldhig milatari ka samaysto waddanka Jabuuti, iyadoo ay hore u joogaan dalkaas Ciidamo ka kala socda waddamada Maraykanka iyo Faransiiska oo saldhigyo milatari ku leh.

COMMENTS
LINKS