|
|||||
WAJAALE NEWS
Maayirka Degmada Gabiley Oo Rabshado Ka abuuray Gabiley iyo Taliye ku xigeenkii Booliska oo ku dhaawacmay
February 16, 2014 - Written by Editor:Maayirka Dagmada Gabiley oo saaka si cad uga qayb qaatay hawlo fara galin amaan oo lagula kacay xisbiga mucaaradka ah ee waddani iyo khilaaf hor leh oo ka dhex abuurmay golaha deegaanka Gabiley. Ciidamada booliska oo si kala dambayin la aan ah uga hor imid amaro kala duwan oo ka soo yeedhay xukuumada siilanyo iyo xirsi oo ka baaqday Safar ugu kicitamayay xarunta gobolka gabiley. War hada noo xaqiijiyeen dad goob joogayaala ha ayaa waxa aya sheegayaan maayir shucayib maxamed oo lacag u adeegsaday joojinta socdaal kan shaqo ee xisbigu ku soo gaadhay Gobolka,Geesta kalena waxa dhawaac ka soo gaadhay rabshado ka dhacay qaybo ka mid ah magaalada gabilay dhaawac ka soo gaadhay taliye ku xigeenkii ciidanka booliska mud,Abshir Haarun. Rabshadahani oo ay ka qayb qaadanayeen Dhalinyaro Dhawr ah oo la siiyay Lacago Kala duwan waa sida ay sheegayaan dad u dhuun daloola maayirka degmadaasi. Related posts:DAAWO;- Alle Ha,naxariistee Xildhibaan Nuur Xusen Oo Aas Qaran Loogu Sameeyay Magaalada Diri-dhaba E... “Waxaan Hambalyaynaa Akhyaarta Tagtay Boorama, Ee Ka Hor Tagay Qaska Inyar Ee Wax Ma Garatada Ahi” G... Quusan Waaga Muuse Biixi Quudaraynta Samaale Qooraansiga Wasiir Biixi iyo Qaniinyada Dabaqalooca.!... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|