Awooda Qabiilka Oo Noqotay Burjiga U Wayn Ee Lagu Karaameeyo Wasiir Xirsi Kuna Hogaamiyo Wasiirada Dhigiisa Ah. | WAJAALE NEWS
WAJAALE NEWS
Awooda Qabiilka Oo Noqotay Burjiga U Wayn Ee Lagu Karaameeyo Wasiir Xirsi Kuna Hogaamiyo Wasiirada Dhigiisa Ah.
May 19, 2015 - Written by Editor:

Awooda Qabiilka Oo Noqotay Burjiga U Wayn Ee Lagu Karaameeyo Wasiir Xirsi Kuna Hogaamiyo Wasiirada Dhigiisa Ah.

Ma Jirtaase Aqoon Iyo Waayo Aragnimo Looga Maarmi Waayay Oo Uu Dheer Yahay Wasiir Xirsi Wasiirada Dhigiisa Ah? Yaase Udoortay Hogaamiyaha Horkacaya Wafti Kasta Oo Golaha Wasiirada ah oo Beesha Caalamka kulano la soo Yeelanaya?

HARGAYSA(Wajaalenews) Mudo Shan Sano ah oo Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo talada dalka haysay waxay Saaxada Siyaasada Kusoo kordhisay Wasiir Wasiir Xukuma, oo awoodii Raysal Wasaaraha leh waxaana iswaydiin mudan su,aalahan, Muxuu dheer yahay Wasiir Xirsi Wasiirada dhigiisa ah? waa maxayse Burjiga uwayn ee lagu karaameeyo Wasiir Xirsi? ma jiraanse qodoba sharciya oo qeexaya awooda dheeraadka ah ee Wasiir Xirsi/

AWOODA WASIIR XIRSI

Sedexdii Madaxwayne ee talada dalka uga soo horeeyay Madaxwayne siilaanyo Wasiir Wasiirada xukuma oo awoodii Raysal Wasaaraha lihi maka dhexmuuqday Golihii Wasiirada ee ay soo dhiseen? Ma jirtaase Aqoon iyo waayo aragnimo looga maarmi waayay oo uu dheer yahay Wasiir Wirsi Wasiirada dhigiisa ah? Yaase udoortay hogaamiyaha horkacaya wafti kasta oo Golaha Wasiirada ah oo Beesha Caalamka kulano lasoo yeelanaya? Hadiise aanay jirin awood sharciya iyo aqoon uu dheer yahay Wasiirada kale maxaa loogu habranayaa Wasiir Xirsi?.

Su,aalahan kor ku xusan ayaan jawaabahoodu idiinku soo koobnay kalmado ku haboon si aad si qoto dheer ugu fahantaan

kalsan laguma oga Beesha Bariga Burco kashka iyo laabtana waxay ku haystaan ka Aaarso, kalkuna waa kalkoodii, iyagaana kooraha faraska haya, kadinkuna waa mid xidhan oo Reer Kooto ugu xidhan, taladooduna waa mid kakan oo kadeedan waxay soo kordhiyeen waa Qabyaalad qaawan waxay kool kooliyaana waa qabyaalad, kulan aanay Gudoominayna ma qabsoomo wafti aanay hor kacayna dalka dibadiisa uma baxo, waxay kulaalayaana waa Qabyaalad, waxay kalwiyaana waa dano gaara waxaa loo kadlaynayaana waa Kaalmo laleexsado, Dekedoo la kireeyo, iyo Kaluunka oo la iibiyo, iyadoo kaashka kasoo baxa oo Baananka Dibada ah la dhigto,

Waxaa loo kardhanayaa waa mudo kordhin kubka iyo biixi aan kabayo loo haynin ka jabisa dimuqraadiyadii aynu kusoo caano maalnay, kaartadoodu waa in ay kala kaxeeyaan oo ay Kashifaan, karaamadana, ka qaadaan Beeshii u sobobta ahayd in ay Kursiga dalka ugu sareeya ku fadhiistaan,

waxay kulmiyaan kala tagooda, waxayna ku karbaashayaan laaluush, waa BEESHA SACAD MUUSE, Kamana kama aha ee waa loo kasaa, oo kaarto kaleba ma yaqaanaan, waxay kooshinka ku gaadheen sida loo kasbado Kooxo danaystayaala oo kalsooni xun waxayna qoorta ka luleen koor si loo garto kaba qaadnimadooda waxaan filayaa in Wasiirada taladu aanay ka go’in la fahmayo

LASOCO QAYBO KALE OO XIISO BADAN OO AAN KU FALANQAYDOONO MASUULIYIINTA KALE EE LAGU KARAAMEEYO BURJIGA AWOODA QABIILKA

WAJAALE STAFF

EMAIL;WAJALENEWS@GMAIL.COM

 

COMMENTS
LINKS