|
|||||
WAJAALE NEWS
Xukuumadda Oo Ka Hadashay Jadeeco Ka Dilaacday Gabiley.
April 15, 2015 - Written by Wariye:
“Arrintan ka soo cusboonaatay Kaam-barwaaqo oo ka mid ah Gobolka Gabiley, waa dad laga helay cudurka jadeecada, markiiba wasaaradda caafimaadku way ka hawl gashay maadaama oo ay masuul ka tahay dhinaca caafimaadka, waxaanu u dirnay koox aqoon yahan ah oo soo hubisa cudurkaasi inta uu leegyahay iyo wixii laga qaban lahaa cudurkaasi, waxaana dhiigagii laga qaaday 11-qof, laba ka mid ah ayaana la ogaaday inay qabaan cudurka jadeecada, maadaama oo la ogaadayna waxa loo diray deegaankaasi kooxo talaala oo wasaaradda caafimaadka ah, kuwaas oo ah wixii ka yaer da’da 15-sanno, waxaanu sidoo kale dirnay koox ka shaqeeya baahiyaha deegaankaas, kuwaas oo lagala xidhiidhayo wixii soo cusboonaada, hadda waxaanu haynaa 2-qof oo cisbitaalka jiifa, kuwaas oo aanu dawadoodiii geynay gabiley, arrintu way xadidan tahay hadda, waxaana ku dhintay laba qof oo is dhalay ILAAHAY ha u naxariisto”
Wajaalenews,net Related posts:DAAWO ; Muuqaalka Cabdi Good Abees Oo Diiday In la Saaro Calanka Xisbiga kulmiye Iyo Qaabkii Uu I... HALKAN KA DAAWO: MADAXWAYNE SILAANYO OO XADHIGA KA JARAY IDAACADA RADIO HARGAISA OO LAGU DARAY QAYBT... Dadka Dagan Xaafada Jajabka Oo Cabasho Baahsan Ka Muujiyey Wasiirka Warfaafinta Somaliland Oo Ugu Ha... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|