|
|||||
WAJAALE NEWS
Madax-dhaqameedka Beelaha Garxajis Oo Maanta Ku Dhawaaqay Goorta La Qabanayo Shirwaynaha Beelaha Garxajis+Wakhtiga Loo Qoondeeyey Inuu Qabsoomo Iyo Goobta Uu Ka Dhici Doono
August 7, 2016 - Written by Editor:Hargeysa(Wajaalenews) Madax-dhaqameedka beelaha garxajis ayaa maanta kulan ay iskugu yimaadeen hotel Ambassador ee magaalada hrgeysa waxay si wada jira ugu dhawaaqeen goorta la qabanayo shirwaynaha beelaha Garxajis. Waxaanay madax-dhaqameedkani ku dhawaaqeen in shirwaynuhu ka qabsoomayo magaalada hargeysa taariikhdu markay tahay 13-ka bishan ay ku guda jirno ee todobaadka soo socda. Waxaanay madax-dhaqameedku sheegeen inaanu shirkani ahayn mid wax u dhimaya qaranimada Somaliland balse ay beeluhu kaga tashanayaan aayahooda iyaga oo tilmaamay inay kasoo bixi doonaan shirwaynahan go’aamo iyo qodobo aan waxba u dhimayn horuamrka iyo amniga dalka. Related posts:DAAWO: Haween Is Xil-qaamay Oo Hawlagalo Wacyigalin Iyo Samafal Isugu Jira Ka Fuliyay Galbeedka Iyo ... DAAWO; Xukuumada Somaliland Oo Ka Hadashay Saraakiil Ciidanka Qaranka Ka Goostay Iyo Talaabada Laga ... Kullan Aan Ujeedadiisa La Shaacin Oo Qasriga Madaxtooyada Ku Dhexmaray Madaxwayne Siilaanyo Iyo Muj... COMMENTS
|
LINKS
|
||||
|